Home Blog Page 1089

Ciidamada DFS oo weerar qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose

Muqdisho (SNTV):-Wararka aan ka heleyno Deegaanka Baladul-amiin ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo garab ka heleya saaxiibada taageera ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen deegaankaas.

Ciidamada Kumaandooska Dowladda iyo kuwa mareykanka ah ayaa la sheegay inay labo Diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday Saldhigyada Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.

Sarakiil ka tirsan kuwo Howlgalka fuliyey ayaa sheegay in u jeedku ahaa sidii loo burburin lahaa xarumaha Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baladul-amiin.

dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin in Al-Shabaab khasaare lagu gaarsiiyay, loogana dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan argaggixisada Alshabaab.

Hirshabeelle oo u diyaar garoobeysa buuxinta kaalinta howlgalka AMISOM ee deeganadooda

0

Jowhar-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr; Maxamed Cabdi Waare, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in ay howlahooda nabad ilaalineed ka sii wataan Hirshabeelle Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah hol-galka Midowga Afrika ee Amisom.

Mudane, Waare ayaa sheegay inay in dedaallo badan oo ay sameeyeen ka dib u suurto gashay in wax laga beddelo qorshihii  ahaa in ay mar qura ka baxaan 1000 Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi, gaar ahaan degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweyne , Waare oo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in safarkii uu Madaxweynaha Dalku dhawaan ku tagay Dalka Burundi uu qeyb ka ahaa wax ka beddelka jadwalka ay Ciidanka Burundi doonayeen in ay kaga baxaan Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in qorshaha ka bixista AMISOM ee Hirshabeelle ay Hurdo ka toosin u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle, wuxuuna xusay in ay jiraan kulammo ay la qaateen Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska AMISOM , si loo siiyo waqti ay ugu diyaar garoobaan in ay la wareegaan ammaanka.

DFS OO BOGAADISAY WADA SHAQEYN DHAW OO AY LA YEELATO MAAMULKA SOOMAALILAND

0

Muqdisho (SNTV)– Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Muuse, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

Wasiirka Amniga XFS oo Istanbul uga qeyb-galay shir caalami ah

0

Istanbul (SNTV):-,Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay shirkii Lixaad ee  muhaajirinta kaas oo ay ka soo qeybgaleen wasiirada Arimaha Guddaha ee 47 Dal,iyadoo Soomaaliya uu ku matalayo wafdi uu hoggaaminayo Wasirka  Amniga XFS Mudane  Maxamed Abuukar Islow(Ducaalee)

Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa ka hadlay shirka isagoo u mahad-celiyay dowlada Turkiga oo marti galisay shirkan iyo mas’uuliyiintii shirka ka soo qeybgashay waxuuna sheegay in dalka turkiga uu Marti galiyay Qaxooti badan iyo Arday wax ka Barta Dalka Turkiga.

Shirka ayaa ah mid ay dowlada Turkiga martigalisay iyadoona uu casho soo dhaweyn ah u sameeyay madaxwaynaha dalka turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan wafuudii shirka ka soo qeybgalay isagoona ka warbixiyay sidii ay u soo dhaweeyeen dadkii qaxootiga ee ka yimid Suuriya ,Yeman  iyo kuwa kale ee ka kala yimid wadamada dariska la ah dalkiisa Turkiga.

Wafdiga Wasiirka amniga Waxaa kamid ah  Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  iyo Safiir ku xigeenka ahna Qunsulka koowaad ee Safaaradda mudane Bishaar Ibraahin Cali (Ugaaska).

Shirkan oo socon doono laba maalmood ayaa gaba-gabadiisa laga  soo saari doonaa warmurtiyeed ku aadan arrimaha Qoxootiga iyo sidii xal looga gaari muhaajiriinta ka soo tagaya dalalkooda.

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay.

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey  oo  Booqasho shaqo kusoo kala bixiyey Wadamada Burundi iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay kawada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Shirweynaha Qaran ee Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo maalintii labaad galay

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa maalintii labaad galay Shirweynaha Qaran ee Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka, waxaana kasoo qeyb galay wakiilo ka kala socdo Maamul goboleed-yada, Gobalka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka oo shalay furmay ayaa maanta looga dooday natiijooyinka kasoo baxay wadatashiyo hore loogu qabtay dhamaan dowlad goboleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir, waxaana kamid ahaa 14-Wadatashi oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhuuso-mareeb, Jowhar iyo Baydhabo, kuwaasi oo ay ka qeyb galeen in ka badan 700-qof, iyadoona Talooyinkooda la qoray dad kor u dhaafaya 250-qof, oo qaarkood soo jeediyay Siyaasad cad oo lagu wajihi karo Dhab-u-heshiin Bulsho, oo u gogol xaareysa in dadka wax kala tabanaya ay iscafiyaan.

Maalinta Birito ayaa lagu wadaa in shirka la soo xiro, islamarkaana lagu soo bandhigo natiijada aragtiyada wax dhisaya ee ay isdhaafsadeen ka soo qeyb galayaasha oo matalaya dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Horumarinta Islaamka

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta la kulmay madaxwayne ku-xigeenka bangiga horumarinta Islaamka, Mansur Muhtar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Mansur Muhtar ayaa ka wada hadlay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhanka dhaqaalaha iyo dadaaalka xooggan ee madaxda qaranku ugu jiraan in dhaqaalaha dalku uu heer sare gaaro.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wassiirrada maaliyadda iyo xannaannada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa horay gudaha dalkaasi Sucuudiga kulamo kala duwan kula qaatay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo madax ka ah hay’ado kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

0

Muqdisho (SNTV) Xarunta Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadan lagu weyneynayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo taas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Dhalinyarada qorayaasha ayaa ka dhex muuqday barnaamijka iyadoo kooxda fanka ee Hiddo ayaa soo bandhigay hees ka turjumaya afka iyo muhiimadiisa.

Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA Prof Maxamed Daahir Afrax ayaa si faah faahsan uga hadlay munaasabada waxaana uu ku dheeraaday sharaxaada muhiimada 21 Febaraayo, isagoo xusay in mudo todobaad ah ay socon doonaan Barnaamijyo lagu weyneynayo Afka kuwaas oo Akademiyadu Hormuud u tahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa Akademiyada uga mahad celiyay qabashada Munaasabadan waxaana uu hoosta ka xariiqay sida dhalinyarada ay mas’uuliyad gaar ah uga saran tahay ilaalinta afka, waliba kuwooda qurbaha ku nool.

Sanad walba 21 Febraayo waxaa loo dabaal dagaa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyadoo Soomaaliya si weyn looga xuso mar walbana la is xasuusiyo muhiimada ay leedahay in la weyneeyo la ilaaliyo laguna faano afka hooyo ee qaniga ah waxaa hormuud u ah hay’adaha u xilsaaran ee Akadamiyad goboleedka afka Soomaaliga ee AGA iyo sidoo kale Akadamiyada Cilmiga fanka iyo suugaanta.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda.

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo wasaaradda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda kula a kulmay wasiiru dawlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, oo uga xog-warramay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu wasaaradda ku sugnaa waxa uu guddoomiyay shir ay la lahaayeen hawl-wadeennada wasaaradda, isaga oo faray in la xoojiyo qorshaha dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal-gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

Maamulka Guud ee Madaxtooyada JFS oo shaqaalaha Madaxtooyada ku ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin Olalaha Isxilqaan

0

Muqdisho (SNTV):-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada  JFS Drs Aamina Sicii Cali oo hoggaaminaysay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo kaltankii seddaxaad maanta ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan ayaa hawl-wadeenada ku ammaantay kaalinta ay ku leeyihiin Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Agaasime Aamina ayaa sheegtay in Shaqaalaha Madaxtooyadu dadaal xoog leh muujiyeen inta ay ku jireen Isxilqaan, waxa ayna ku dhiirigelisay in ay sii xoojiyaan shaqada ay wadanka u hayaan.

“hawl-wadeenada Madaxtooyada Qaranka oo ka jawaabaya baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u taagan Ololaha Isxilqaan oo ay ka sameynayaan Madxafka iyo Maktabadda, waxaan ku ammaanayaa sida waddan jacaylka leh ee ay dib u dhiska uga qeyb qaadanayaan, waana uga mahadcelinayaa hawsha adag ee ay hayaan” ayay tiri Drs Aamina Siciid Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS.

Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo wata Agabkii ay ku shaqayn lahaayeen ayaa saakay aroortii xaadiray dhismooyinka Madxafka Qaranka iyo Maktabadda Qaranka iyaga oo ay u ahayd maalin Isxilqaan , waana markii seddaxaad oo hawl-wadeenada Madaxtooyadu ay ka qeyb qaataan Olaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo, Madxafka, Maktabadda iyo Tiyaatarka.

Halku-dhigga saaka ee ay ku hawl-galeen Shaqaalaha Isxilqaan sameeyay ayaa ahaa “ asoo  fiicnaa  adaa  fiiqee hadda  fiicnee”