Home Blog Page 1089

Madaxweyne dalka oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga

0

 SNTV:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa.

“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah.

Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay in ay diyaar u yihiin xabad joojin

0

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay soo saareen go’aan  ay ku xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin xabad joojin ,haddii isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay doonayaan nabad.

Tallaabadaan ayaa timid ka dib markii isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ay amar ku bixiyeen in la joojiyo weerarka ay ku hayaan Yemen,gaar ahaan Dekedda Xudeyda oo ah bartilmaameed dagaal.

Cadaadis caalami ah ayaa la saaray Yemen,waxaana dhinacyada isku haya dalkaasi loogu digay in ay dhameeyaan dagaalada gallaaftay 10-kun oo ruux,isla markaana dalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta  ee ka soconaya dalka Yemen ayaa qarka usaran in uu sabaabo xaalada  bini’aadanimo oo soo wajahadda dadka reer Yemen.

Mohammed Ali al-Houthi, oo ah madaxa kooxdaasi ee golaha sare ee kacaanka ayaa sheegay in ay aqbaleen codsiga Ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen,isla markaana ay diyaar u yihiin xabad joojin ,haddii dhinacyada kale ay iyaguna diyaar yihiin.

Dhaqaatiir Soomaali ah oo Isbitaal weyn ka hirgaliyay Ohio

0

Magaalada Columbus Ohio oo ah magalada labaad ee Somaalida ugu baddan Mareykanka ku nooshahay ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyay Isbitaal ay leeyihiin dhaqaatiir Soomaali ah  oo wax ku bartay Dalka Mareykanka waxa uuna qaabilsanyahay cudurada Guud.

Medcar Clinic ayaa noqonaya mid ay ka howlgalaan dhaqaatiir Soomaali iyo ajanabiba isugu jiraan kaas oo dabooli doona baahida dadka ku nool Ohio gaar ahaan dadka waayeelka ee ay ku adagtahay ku hadalka Luuqada Englishka.
Inkasta oo ay jireen isbitaalo yar yar oo ay dhaqaatiir Soomaali ah leeyihiin hadana kani waa uu ka duwanyahay waana isbitaal weyn oo ay bukaan socodku ka heli doonaan dhaqaatiir Taqasusu leh.
Furitaanka isbitaalkan waxaa ka soo qeybgalay, Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka, Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Arday, Dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kasoo Qeybgalayaasha Xafladaan ayaa  isku raaceen in isbitaalkan uu ku soo aaday xili loobahanaa isla markaana uu ka tarjumayo muuqaalka guud ee Soomaalida Ohio iyo sida ay wax baddan ugu soo kordhiyeen gobolkan.
Dr: Farhiya Mohamud Shirwa & Dr Amina Abdule Godane waa labo gabdhood oo in ka yar 15 sano ku nool wadankan isla markaana ka gun gaaray waxbarashada caafimaadka iminkana u gudbay in ay dadkooda kuu caawiyaan aqoontii ay soo barteen iyaguna ay mustaqbalkooda ku sii hiigsadaan.
Waxa ay arintani dhiiro gelin u noqonaysaa dhalinyarada wax ka barta dalka Mareykanka oo ah dal ay ardada maraan marxalado aad u adag iyaga oo wajaha waqtiyo ay la xariira shaqooyinka ay ka shaqeeyaan iyo waxbarashada waana wado uu maro qof walba oo hiigsi leh.
    

Jabuuti oo soo dhoweysay isdhex-galka Geeska Afrika

0

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta shir labo geesood ah ku yeeshay magaalada Adis-ababa ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti iyo waliba mida gobolka.

Ka dib shirka labada hoggaamiye,Wasiirka arrimaha dibaddaEthiopia  Workneh Gebeyehu ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika,waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.

Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Abiy uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.

Labada hoggaamiye ayaa kullankooda xoogga ku saaray sida lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iney iskaashi ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Intii lagu guda jiray wada-xaajoodka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Mostafa Madbouly waxay dhiiri geliyeen iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu gaaray guulaha cusub.

Xeebaha deegaanada Hirsahabeelle oo laga sifeynayo haraadiga biraha, doonyaha iyo maraakiibta bur burtay

0

Muqdisho (SNTV);– Maamulka Hirshabeelle ayaa dadaal ugu jira sidii Xeebaha deegaanada Maamulkaasi looga sifeyn lahaa haraadiga biraha,doonyaha iyo maraabkiibta burburay.

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle Xuseen Maxmed tuur-yare ayaa Radio Muqdisho u sheegay iney qiimeyn ku sameeyeen xeebaha deegaanada Hirshabeelle,islamarkaana ay wadaan qorshe looga sifeynayo haraadiga biraha,doonyaha iyo maraakiibta burburay ee badda dhexdeeda iyo banaankeeda yaalla.

“ run ahaantii bur burkii Dowladd dhexe,xeebaha Soomaaliya waxay noqdeen meelaha ugu badan ee lagu soo qubo qashinka haraadiga u ah Warshadaha ee dalalka shisheeye ay ku soo qubaan oo dhibaato fara badan ay ka soo gaarto dadkeenna Soomaaliyeed,si taasi looga gaashaanto Maamulka Hirshabeelle wuxuu dadaal ugu jiraa sidii haraadiga qashinka looga sifeyn lahaa Xeebaha deegaanada Hirshabeelle,”ayuu yiri Mr. Tuur-yare.

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle Xuseen Maxamed Tuur-yare ayaa sheegay in Xeebta degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe lagu arkayo haraadiga doonyo iyo maraakiib bur buray oo ku soo caariyeyay,kuwaasi oo u baahan in laga nadiifiyo si bilicdii ay lahayd xeebta degmadaasi loo soo celiyo.

Ugu danbeyntii,Wasiir Tuur-yare ayaa sheegay in dhammaan bur burka maraakiibta iyo doonyaha ay dhibaato ku qabaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilasha iyo Gabdhaha ee Xeebaha Gobolka Shabeellaha dhexe sida degmooyinka Warshiikh iyo Cadalle u damaashaad taga,wuxuuna carabka ku dhuftay iney xoogga saarayaan sidii ay xeebaha uga sifeyn lahaayeen haraadigaasi.

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigeysa natiijada ka soo baxday tirakoobkii shaqaalaha rayidka ee dhawaan la sameeyay

0

Muqdisho (SNTV);- Iyadoo dhawaan Dowlada Soomaaliya ay sameysay tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed ayaa guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu kaga  warbixiyey halka uu marayo iyo waxa kasoo baxay tirakoobkaasi.

Mudane Abshirow oo wareysi gaar ah xafiiskiisa kusiiyey SONNA ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda,iyo waxa kasoo baxay tirakoobkii dhawaan ay sameeyeen.

Mar uu ka hadlayey natiijada ka soo baxday tirakoobkaasi waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaannna lasoo bandhigi doonno.

“Tirakoobkii lasameeyey waxaa Hormuud ka aheyd Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlada soomaaliya, annagana qeyb ayeynu ka aheyn, kaligeenna ma aheynne laakiin hay’ado badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabiyaha guud iyo Kan ra’isal wasaaraha, runtii waana lasoo tirakoobay qabyo qoraalkii laga sameeyeyna gaba-gaba ayuu marayaa, si rasmi ahna waxaa loo sheegi doonnaa marka uusoo dhammaado” ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.

Mar uu ka hadlayey Guddoomiye Abshirow  xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in in kastoo duruufo iyo dhaqaala yari ay  wadanka ay kajirto oo ay shaqaalaha aysan helin xuquuqaadkii loo baahnaa hadana dowladu ay ku dadaasho sidii loosiin lahaa xuquuqaadka loo heli karo.

“shaqaalah rayidka a boqolkiiba boqol ma helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha iyo dhaqaala yarida wadanka ka jirta  inkastoo haatan dib usoo kabasho lagu jiro, laakiin way jiraan xuquuqaad isugu jira dallacsiin Tababaro u dheer mushaarkooda oo lasiiyo shaqaalaha rayidka” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Abshiro Maxamed.

Mar aan weydiinay Guddoomiyha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed ee dalka  waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba  aysan ka qeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taasi ku sababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaasi un ka shaqqeynaya..

Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan Guddiga laakiin ay ka timaado Hay’adaha kale ee  Dowlada, taasina ay ku xiran tahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogu soo helo dadka cusub ee la qaadanayo.

Guddiga Shaqaalaha rayidka ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diwaan-gelinta, dallacsiinta, ruqseynta  iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowlada, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha Wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer kusoo saaray.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS oo maanta kormeeray 24- Dugsi oo ay gacanta ku heyso Dowladda

0

Muqdisho (SNTV):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed cali ayaa maanta kormeer ku tagay 24- Dugsi waxbarasho oo ay dhawaan lasoo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya .

Kormeerka agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa qeyb ka ahaa kormeer guud oo ay shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ay maanta ka sameyeen dhammaan Dugsiyada Waxbarasho Dowladu maamusho.

72-ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayaa tagay Dugsiyada si ay u soo ogadaan habka uu u shaqeeyo manhajka Waxbarashada oo ay dhawaan diyaarisay Wasaaradda Waxbarshada inta macallim ee soo xaadirtay casharada la siiyo ardayda iyo sida loo isticmaalay buugaagta .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in kormeerkii maanta ay ku sameyeen Dugsiyada uu ahaa mid ku soo dhammaaday sidii loogu talagalay, islamarkaan kormeerayaasha laga sugayo macluumaadkii ay ka soo aruuriyeen Dugsiyada Waxbarasho.

Wasaaradda waxbarashada waxa ay diyaarisay wax yaabahii looga baahnaa in lagu sameeyo kormeer iyo agabkii lagu qaban lahaa kormeerka u jeedada ugu weyna waxa ay aheyd in loo kuurgalo Dugsiyada Wasaaradda Waxbarashada ay lasoo wareegtay tirada macalimiinta soo xaadirta in lasoo hubiyo iyo in la ogaado manhajka waxbarashada buugaagtii Wasaarada ay bixisay in ardaydu isticmaalaan kormeerka saakay waxa uu ahaa mid dhammeystiran sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali.

Wasaaradda Waxbarshadda Xukuumadda Soomaliya ayaa dadaal ugu jirto horumarinta Waxbarashada dalka iyo la xisaabtanka macalimiinta iyo maamulayaasha Dugsiyada dowladda ay maamusho.

AUN Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo Muqdisho lagu aasay

0

Muqdisho (SNTV)- Allaha Unaxariisto waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo u geeriyooday xanuun hayay.

Wabiyow ayaa garsoorka Ciidamada Qalabka Side ku jiray  tan  iyo dowladii dhexe, waxa uu soo noqday kaaliye, Karaani ilaa uu ugu dambeyn noqday garsoore katirsan Maxkamadda Ciidamada.

Waxa uu waqtigiisa badi ku qaatay garsoorka dhexdiisa, weliba waxa uu kamid ahaa dad yar oo u baraarey qatirihii dalka ka jiray oo uu ku dhiiraday in uu u shaqeeyo qarankiisa.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad  ayaa si wada jir ah uga tacsiyeeyay Qaranka iyo Ehelkiisa geerida Marxuumka, waxa ayna Allah uga baryeen Naxariistiisa Janno.

Allaha Unaxariisto Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa lagu xasuusan doonaa u adeegidda qaranka iyo u hiilinta cadaaladda.

Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowlada oo ka hadlay tirakoobkii shaqaalaha Rayidka

0

Muqdisho November 18 (SNTV):-Iyadoo dhawaan dowlada soomaaliya ay sameysay Tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed ayaa gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyed Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu kaga  warbixiyey halka uu marayo iyo waxa kasoo baxay tirakoobkaas.

Mudane Abshirow oo wareysi gaar ah xafiiskiisa kusiiyey warbaahinta qaranka ayaa  ka hadlay arimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda.iyo waxa kasoo baxay tirakoobki dhawaan ay sameeyeen.

Mar uu ka hadlayey natiijada kasoo baxday tirakoobkaas waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaannna lasoo bandhigi doonno.

“Tirakoobkii lasameeyey waxaa Hormuud ka aheyd wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada soomaaliya, Annagana qeyb ayeynu ka aheen, kaligeenna ma aheynne laakiin hay’ado badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabaha guud iyo Kan ra’isalwasaaraha, runtii waana lasoo tirakoobay qabyo qoraalkii laga sameeyeyna gabagaba ayuu marayaa, si rasmi ahna waxaaloo sheegi doonnaa marka uusoo dhammaado” ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.

Mar uu ka hadlayey Gudoomiye Abshirow  xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in inkastoo duruufo iyo dhaqaala yari ay  wadanka ay kajirto oo ay shaqaalaha ysan helin xuquuqaadkii loo baahnaa hadana dowladu ay kudadaasho sidii loosiin lahaa  xuquuqaadka loo heli karo.

“shaqaalah rayidka a boqolkiiba boqol ma  helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha iyo dhaqaala yarida  wadanka kajita  inkastoo haatan dib usoo kabasho lagu jiro, laakiin way jiraan xuquuqaad isugu jira dallacsiin Tababaro udheer mushaarkooda oo lasiiyo shaqaalaha rayidka” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Abshiro Maxamed.

Mar aan weydiinay Gudoomiyha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada  xisbiyada siyaasadeed ee dalka  waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba  aysan kaqeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taas kusababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaas un ka shaqqeynaya..

Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan Guddiga laakiin ay ka timaado Hay’adaha kale ee  Dowlada, taasina ay kuxirantahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogusoo helo dadka cusub ee la qaadanayo.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diwaangalinta, dallacsiinta, Ruqseynta  iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowlada, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer kusoo saaray.

 

Ifafaalo Muujinaya Gunaanadkii Argagixisada

0

MUQDISHO-(SNTV)-Kooxaha  argagixisada ah ee  Al qaacidada Soomaaliya ee Shabaab iyo Daacish ayaa dhex muquuranaya  iska hor imaadyo ciidan, intii ka danbaysay markii ay soo if baxeen  goobihii miyaga ahaa ay ku dhuumaalaysanayeen Shabaab iyo  kooxo kale oo sheeganaya  magaca Daacish bishii Oktoobar 2015kii.Xilligaas wixii ka danbeeyay ma uusan joogsan dagaalka labadaas kooxood ka dhaxeeya wuxuuna salka ku haya khilaaf ku salaysan wadaagidda  arimo ay iyaga masiiri u arkaan sida Manhajka, Fahamka, Fikirka dagaal aloosidda ah ee iyaga ay jihaadka ku tilmaamaan, gaalaysiinta islaamka, daadinta dhiigga Muslimiinta sabab la’aan, beegsiga masaajidda iyo dadka ku dukanaya,  Qarxinta Suuqyada iyo Hoteelada.

labadan kooxood ee Argagixisada waxay ka soo horjeedaan Sunnadii  Eebe u abuuray aduunka, waxayna ku faanaan burburinta nolosha guud ee umadda Soomaaliyeed, waxaana malahoodu yahay in ay Fitnadaasi Alle ugu dhawaanayaan, balse xaqiiqdu taas waa ka duwan tahay oo Camalka wanaagsan ee Alle loogu dhawaado waa tan lagu badbaadiyo nolosha aadanaha, xoolahooha iyo waxyaabaha kale ee ay gaarka u leeyihiin ,tan kale acmaasha wanaagsan waa tan ka hor tagta  dhaqamada horseedi kara burburka iyo halaagga.

Maleeshiyaadka kooxda Al shabaab ee xagjirka ah ayaa bilaabay bishii Nofember 2015kii olole dagaal kooxda Daacish gaaar ahaan kuwii ku sugnaa gobolada Jubada hoose iyo dhexe waxaana halkaasi ku dhintay tobanaan ka tirsan argagixisada oo labada dhinacba ah

Saddexdii  sano ee la soo dhaafay Argagixisada Ashabaab waxay ka taqaluseen horjoogayaal ka tirsanaa Daacish, waxaana ka mid ahaa Abuu Nucmaan Bashiir, Xuseen Cabdi Aadan , Max’ed  A Makaawi             Al suudaani  oo ahaa Nin aad u yaqaan arimaha ciidamada iyo Amniyaadka , horayna xubin uga ahaa Kooxda Al Qaacida, waxaa kale oo shabaab dileen Cabdul Waduud wuxuu ahaa Horjoogihii kooxda Daacish ee koonfurta Soomaaliya, sidoo kale waxaa argagixisada daacish toogasho looga dilay Mahdi macallin oo ahaa kaaliyaha Horjoogaha Daacishta Soomaaliya iyo kuwa kale oo shirqool lagu Khaarajiyay ama  ku dhintay Ciqaabta ka jirta xabsiyada gaarka ah ee kooxda Al Shabaab.

Iska horimaadka ciidan ee labada kooxood ee argagisada ah kuma koobna koonfurta dalka, balse waxaa laga soo xawilay deegaanada Punt- land halkaasi oo uu wali si muuqato uga jiro, waxayna labada dhinacba u diyaargaroobayaan in ay muquurashada dagaal kooxba ay doonayso in ay tan kale kaga taqalusto.

Dhanka kale waxay maleeshiyaadka argagixisada ee shabaab Fuliyeen falal joogta ah oo ka soo horjeeda cid walba oo hadal ku taageerta Daacish, ama ku faafisa halkudhigyada Daacish Al shabaab dhexdooda, ugaarsigaan Shabaab ku beegsanayaan Daacish, islamarkaana ay doonayaan inay kaga taqalisaan ayaa sii cusboonaysiinaya dagaalka labada kooxood .

Waxaa iyana xusid mudan in 13/11/2018 Shabaab ku qaadeen olole kale oo sifayn ah horjoogayaal  taageersanaa Daacish oo ku sugnaa degmada Jilib ee Jubada dhexe, kadibna halkaasi la isku dhaafsaday rasaas, waxaana halkaasi ku geeriyooday Abu Anas Al Masri  xilli  isaga koox kale ay  ku sugnaayeen masaajid ku yaalla degmada balse xurmada masjidka kama badbaadinta geerida, waxaana dad goob joogayaal ah xaqiijiyeen in halkaasi ku burburay masjidkii Alle, tanna waxay xaqiijinaysaa in falalka waxashnimada ah ee Al shabaab uusan waxba kaga duwanayn Ficilladii Daacish ay ka fulin jirtay dalalka suuriya iyo Ciraaq.

Dhacdadan  ugu danbaysay  waxaa ka dhashay in taageerayaashii Abu Anas Al Masri ka huleelaan Jilib iyagoo cagahooda maalaya  waxayna u jihaysteen dhanka degmada Bu’aale oo ah xarunta Jubada dhexe,oo dhacda Koonfurta fog ee Soomaaliya, balse waxaa dabagalay Shabaab waxaa ka dhacay dagaal ay riiqdeen labada dhinacba, dagaalkaasi kadib argagixisada Shabaab  waxay Jilib ka bilaabeen olole ay ku xireen dad kor u dhaafaya 20 qof, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan in ay taageersan yihiin argagixisada kale ee Daacish.

Ma ahan markii ugu horaysay ee maleeshiyaadka Shabaab ay fuliyaan howlgallo ay ku dabargoynayaan horjoogayaasha ajnabiga ah ee xiriirka dhow la leh Al Qaacida ama Daacish gudaha Soomaaliya, taasi sow laguma macnayn karo in Soomaaliya noqotay Qubuuraha horjoogayaasha ajnabiga ee Al Qaacida kuwaasi oo maciinsaday Geeska afrika tan iyo 1992dii, iygoo raadinaya dal ay ku faafiyaan fikradahooda guracan.

Tan iyo 2016kii Kooxda daacish ayaa dhowr mar soo saartay digniinno toos ah iyo kuwo aan toos ahayn oo ku wajahan kooxda xagjirka ah ee Shabaab, waxayna u soo jeedisay inay joojiyaan  dabagalka iyo beegsiga ay ku hayaan taageerayaashooda , balse shabaab dhagaha ayay ka furaysteen soo jeedintaasi, waxayna door bideen ugaarsiga iyo tirtiridda taageerayaasha Daacish oo ay u arkaan inay tiro iyo tayo ahaanba ka liitaan.

Xaalka labadaan koox ee argagixisada ayaa meeshii ugu xumayd gaaray kadib markii fariin hanjabaad ah oo ka duwan kuwii hore kooxda dacish ay baraheeda ku faafisay, waxaana lagu xusay  in ay lagama maarmaan tahay in laga aargoosto Shabaab.

Dagaalkan ka dhex aloosan labadan kooxood ee Gaalaysiinta ku sifoobay wuxuu wiiqayaa ama dhaciifinayaa jiritaankooda Soomaaliya, waxaana meesha ka bixi doona manhajkooda qaldan, Afkaartooda guracan, dhaqankooda Cadawtinimada ku salaysan iyo Xukunkooda khilaafsan diinta islaamka, ifafaalaha burburka kooxahan argagixisada ah waxaa sii baritaaraya mowqifka diidmada ah ee shacbiga Soomaaliyeed iyo dadaalka dowladda Soomaaliyeed iyo ciidamada Qalabka sida ugu jiraan soo afjaridda kooxahaan diidan jiritaanka Qaranimada Soomaaliya, ugu danbayntii dowladda Soomaaliyeed  waxay mudnaanta koowaad siinaysaa difaacidda Qarannimada dalka, ilaalinta midnimada iyo badqabka dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qallinka, Cilmi bare iyo xeel dheere arimaha kooxaha Xagjirka ah:- C/raxmaan Sahal Yuusuf