Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo shaaciyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Golaha

Date:

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS waxaana Kulanka ka qeyb galay gudddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey ,habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha.

Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka iyo sidoo kale Ajendayaasha horutabinta u leh golaha shacabka kalfadhigan iyo shuruucda hortaala.

Kulanka maanta ee Guddiga joogtada ah ayaa lagu go’aamiyay waqtiga uu furmaayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka oo a asteeyay in 27-ka bisha maarso oo ku beegan maalinta arbacada ah uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga shanaad ee golaha sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...