Shir u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Sii-hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Wasiir Ku-xigeenka Xildhibaan Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa gudoomiyay Shirka Boardka ee Barnaamijka Dib-u-eegista Dastuurka kasoo ay ka qeybgaleen labada Guddi ee dib-u-eegista Dastuurka, Deeqbixiyayaasha, UNDP iyo UNSOM.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka ilaa iyo hadda iyo sii ambaqaadka oo ay ka mid tahay la-tashiyooyinka dadweynaha, horgeynta cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay Baarlamaanka iyo xilliga ugu dambeyn lasoo gabagabeynayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Ku-Xigeenka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ugu horeeyn ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Marxuum Wasiirkii hore C/raxman Xoosh Jibriil, wuxuuna ballanqaaday in si habsami leh loo sii wadi doono howlihii miradhalka ahaa ee uu hogaaminayay Marmuum Xoosh; waxuuna Dr. Xuseen xaqiijiyay in wax isbedel ah ku imaan doonin hanaanka dib u eegista dastuurka.

Ugu dambayn, Dr. Xuseen waxuu deeq-bxiyaasha, UNDP iyo UNSOM kaga mahadceliyay taageeradooda dhan kasta ah, waxuuna ku booriyay in ay taageeridooda sii wadaan si looga guul gaaro dhameystirka dib u eegista dastuurka muddada loo asteeyay ee sanadkan 2019ka oo aynu haatan ku jirno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....