Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo soo xeray shir looga hadlayay Awoodaha Heerarka Dowladda

Date:

Muqdisho(SNTV):- Shirkaan oo sadaxdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho waxaa soo qaban qaabisay wasaarada  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya waxa diirada lagu saaray nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo awoodaha heerarka dowladda.

waxa ka qeyb galaya qeybaha bulshada ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulka Gobolka iyo Madax kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Mduane Cabdi Maxamed Sabriye oo soo xeray shirka ayaa sheegay inay wasaaradu balaarinayso wadatashiyada la xiriira awoodaha heerarka dowladda si loo helo hannaan dowladeed oo la isku raacsan yahay kuna dhisan rabitaanka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay ka qeyb galayaasha shirka iyo sida ay uga doodeen waxyaabihii laga wada hadlayay inta uu socday.

Sanatar Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka tirsan Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada hadlo nidaamka dowladeed ee maanta jira uuna noqdo mid xoojiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda.

Soomaaliya nidaamka dowladeed ee maanta ka jira waxaa uu ku dhisan federaal oo macnihiisu yahay qeybinta awoodaha dowladda iyo adeegyadda bulshada si loo gaaro horumar waara waxaase uu baahan yahay in laga wada hadlo nuuca ku haboon dalka iyada oo ay dadku go’aan ka gaarayaan.

Cabdishakuur Cali Axmed


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...