Sheekh Kenyaawi oo Muxaadaro Wacyi-gelin ah u jeediyay Ciidamada Xoogga Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo ka mid ah culumaa’udiinka soomaaliyeed ayaa Maanta waxaa uu booqasho ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashandhigga XFS ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa ujeediyay Muxaarado lagu wacigalinayo ciidamada xoogga dalka waxa uuna ka hadlay waajibaadka shaqo ee ka saaran qof kasta oo muslim ah dalkiisa iyo diintiisa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka hadlay Ahmiyada ay dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso dhismaha,qalabeynta dib u dhiska xerooyinka ciidamada ay tahay mid kor loogu qaadayo Aqoonta ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar Dambe ayaa bogaadiyay Barnaamijkan wacigalinta ah ee sheekha u sameeyay Ciidanka, isagoona sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ku dadaaleyso dar-dargalinta diwaangalinta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hadda meel wanaagsan maraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....