Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Oktoobar

Date:

21 Maarso, 2019; Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa mAanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ku ammaanay bulshada degmada Waaberi isku duubnida iyo is-garab istaagga ay ku tilmaaman yihiin, iyagoona hormuud u ah dadaallada nabadda iyo isdhexgalka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Xuseen ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.

Sidoo kale, munaasabadda dhagax dhigga waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Mahad Cilmi Cali iyo hormuud qeybaha bulshada ee degmada.

Dadka ku nool degmada Waaberi ayaa soo dhaweeyey dhagax dhigga Xarunta Waaxda Oktoobar waxa ayna tilmaameen in hirgelinteedu ay xoojinayso isdhexgalka bulshada, darsieynta iyo amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...