Home Blog Page 1091

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Maraykanka

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-‪Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto.

Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Hogaamiyaasha Midowga Afrika oo shir muhiim ah ku leh Itoobiya

0

Muqdisho (SNTV)- Hogaamiyeyaasha wadamada Qaaradda Afrika ayaa shir muhiim ah uga furmayaa magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya  ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka madaxda Afrika ay leeyihiin.

Ajandayaasha diiradda lagu saarayo shirkani waxaa kamid ah isbedel iyo dib u habayn lagu sameeyo Ururka, si loo horumariyo howlaha horyaala, sidoo kalena waxaa laga hadlaya arrimaah amniga, siyaasadda iyo dhaqalaha Ururka Midowga Afrika.

Dalka Masar ayaa lafilayaa in dhawaam uu qabto hoggaanka Ururka, waxaana haatan haaya madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, kaasi oo gadaal ka riixaya isbedelo in la sameeyo.

Madaxweynayaasha wadamada Afrika qaarkood ayaa imaanaya, halka kuwa kalena ay soo dirsanayaan wasiiradood arrimaha dibadda.

Wadamada madaxweynayaashooda imaanaya waxaa kamid ah South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,halka Nigeria iyo Mozambique ay kamid yihiin wadamada Wasiiradooda arriamaha dibadda u matali doona shirkaasi.

Maleeshiyada Al-shabaab oo jab xoogan uu ka soo gaaray howlgalo ka socda Galgaduud

0

Muqdisho (SNTV)- Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada   Alshabaab jab xoogan uu ka soo gaaray howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Galmudug,kuwaasi oo goobaha alshabaab ay kaga dhuumaalaysanayeen gobolk Galgaduud weerar ku qaaday.

Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ayaa laga dilay ku dhowaad Toban Maleeshiyaad ah,waxaana laga qabsaday Deegaano ay ku sugnaayeen,kadib markii 24 saacadood ee ugu dambeyeey ciidamadu ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Goola-Goole oo hoostaga degmada CEel-Buur.

Maxamed Sh Maxamuud Maxamed ( Dhoobooy) oo ah Madaxa Arimaha BulshadaDegmada Ceel-buur ayaa Warbaahinta Qaranka uga Warbixiyey sida Dagaalku u dhacay iyo Halka uu ka dhacay waxa uuna sheegay inay u Gurmadeen Dadkaasi ku dhiiraday inay la dagaalamaan Kooxaha Nabadiidka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka deegaanku ay ka qeyb qaadanayaan dagaalkaasi oo Khasaaraha lagu gaarsiiyey Maleeshiyaadka Alshabaab,kaasoo ku dhow ilaa Toban Maleeshiyaad ah lagana qabsaday Goobo Saldhigyo u ahaa,wuxuuna ugu baaqay Maamulka Galmudug iyo Dowlada Soomaaliya in Dadkaan laga gacansiiyo  dagaalka ay kula jiraan alshabaab.

Dagaalkan ayaa waxa uu salka ku hayaa Kacdoon ka yimid Dadka Deegaanka ku waa soo dhibaato Xoogan kala kulamay Maleeshiyaadka balse waxaa hada muuqata in Dadku ka hor imaanayaan Alshabaab kuwaa soo Awoodooda
la sii wiiqayo.

Tan ayaa noqonaysaa dharbaaxo ay wajahayaan maleeshiyada Alshabaab,kuwaasi oo awoodoodi sii wiiqmaysa marba marka ka dambeeya.

By: Maxamed Cabdi

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Somalia iyo Kenya oo Adis Ababa ku kulmay

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhiggiisa Kenya wada hadal ku saabsan xiriirka labada dal kula yeeshay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wasiir Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma ayaa goonni u kulmay ka dib markii ay ka qeyb galeen fadhiga 20aad ee aan caadiga ahayn ee golaha fulinta Midowga Afrika oo ka dhacay Adis Ababa.

Labada wasiir  ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo horumarinta iskaashiga ka dhexeeya ee dhinacyada oo dhan,iyadoo loo marayo guddiga iskaashi ee labada dal horay u dhisteen.

Sidoo kale labada wasiir waxay isla soo qaadeen arrinta ammaanka iyo nabadda gobolka Geeska Afrika iyo howlaha nabad ilaalinta midowga Afrika.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay madaxda Jasiiradda Cyprus

Muqdisho (SNTV)- Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo maalmahanba booqasho Ku Joogay Isaga Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyprus  ayaa la kulmaya madaxda Cyprus.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa La kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isulwasaare Mudane Erhurman, iyo Ra’isulwasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaan.

Kulankoodi ayaa waxaa ay diradda ku saariin xiriirka ka dhexeeya Cyprus iyo Soomaaliya iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha SHacabka.

Taliyaha ciidanka Booliska oo sheegay in ay maxakamad soo taagayaan 5 askari oo lagu heley fal sharci darro ah

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo lahadlay Warbaahinta Qaranka waxaa uu sheegay in laxiray Shan Askari oo kamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaas oo magacyo kala duwan oo aysan laheyn Mushaar ku qaadanayey.

Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed waxaa kale oo uu sheegay in Askartaas dhawaan lasoo saari doono Maxkamad Ciidan maadaama ay sameeyeen wax ka baxsan Sharciga.

“Booliska waxaa uu Todobaadyada soo socda Baaritaan ku sameyn doonaa dadka Dowladda xaquuq uga qaata si’aan sharciga waafaqsaneyn ama sharci darro ah, cidii arrintaas lagu helaana waxaa la horkeeni doonaa sharciga iyada oo aanan ka ganbasho laheyn” Sidaas waxaa sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintani ay ku guuleysteen kadib baaritaano in muddo ah lagu hayaya raga la soo xiray,wuxuuna intaasi ku daray in ay ka kala tirsanaayeen ciidanka Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka,islamarkaana ay mushaharaad ay ku qaadan jireen magacyo iyo darajooyin kala duwan.

Wasiir Geelle oo shir caalami ah uga qeyb galay Istanbul

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay  mustaqbalka warbaahinta  oo lagu qabtay  magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda IFTV ka shaqeysay arrimaha Warbaahinta iyo Dhaqanka ayay ka soo qeyb galeen wasiirro, madax warbaahineed iyo hay’ado caalami ah oo dhanka warbaahinta ka shaqeeya.

WasiirkaWarfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadal ka jeediyay furtaankii shirka, ayaa sheegay in warbaahinta caalamku ay sanadihii u dambeeyay sameysay horumar dhinacyo badan, gaar ahaan dhanka farsamada iyo teknolojiyada loo adeegsado warbaahinta.

Soomaaliyavayuu wasiirku sheegay ay ka jirto warbaahin  macno leh oo soo koreysa iyo xorriyatul qowl uu damaanad qaadayo sharciga saxaafadda ee dalku leeyahay.

Wasiir Geelle ayaa tilmaamay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay haystaan caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin beegsiga kooxaha argagixisada ah oo doonaya in ay aamusiyaan, dhowrkii sano ee la soo dhaafayna dilay wariyeyaal badan oo dalka qiime weyn ugu fadhiyay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saxaafadda Soomaaliyeed ay leedahay mustaqbal wanaagsan, ayna u baahan tahay in laga taageero dhanka tababarrada iyo qalabkaba, maadaama ay ku shaqeeyaan xaalado aad u adag.

Wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha warbaahinta ka shaqeeya inay xiriir dhow la yeeshaan hay’adaha warbaahineed ee Soomaaliya ka jira.

Waxa uu intaas ku daray in suuqa warbaahinta Soomaaliya uu yahay mid soo koraya oo la maal gashan karo.

Wasiirka iyo wafdiga weliya ayaa booqday xarumo warbaahineed oo ku yaallaTurkey oo ay ka mid yihiniin TRT iyo  CNN TURK.

Shirkan caalamiga ah oo socday labo maalmood ayaa galabta lagu  soo gabagabeeyay Istanbul.

 

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galgaduud oo Alshabaab kala wareegay deegaano hor leh

0

Dhuusamareeb (SNTV)- Ciidamada Xooggaa Dalka iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay  Deegaanka Gool-goole oo qiyaastii 85Km  Koofur ka xiga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada Hoggaaminaya ayaa waxa ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen in Dagaal kooban uu Halkaasi ka dhacay ka dib Maleeshiyaadku isku dayeen inay Deegaanka dib ugu soo laabtaan.

Wararka aynu hada ka helayno Deegaandaas ayaana waxa ay sheegayaan in Ciidamadu Kooxihii Al-shabaab ee Dadka dhibaatayn jiray ay sii baacsanayaan waxa ayna Al-shabaab isaga baxeen Deegaano hor leh maadaama Ciidamada Xoogga Dalku ku sii wajahan yihiin.

Howlgaladaan ay iska kaashanayaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa la doonayaa in Maleeshiyaadka looga xoreeyo Meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka.

Dadka Deeganadaas ayaa waxa ay Ciidamada ka caawinayaan sidii ay u soo sheegi lahaayeen Meelaha Nabadiidka Al-shabaab ay ku dhuumaalaysanayaan waana mida fududaysay in Saaka lagala wareego Deegaano hor leh.

By: Maxamed Cabdi

Kulanka Golaha wasiirrada oo looga Hadaly Tirakoobka Shaqaalaha Iyo Qorshaha Dayn Cafinta

0

Muqdisho(SNTV)–Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay tirakoobsha shaqaalaha dawladda, xubinnimada Soomaaliya ee suuqa ganacsiga Bariga iyo Koofurta Afrika iyo qorshaha geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka maanta oo sidoo kale warbixin looga dhagaysatay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii kulanku uu socday u sheegay wasiirrada in muhiim ay tahay in wasaarad waliba shaqadii loo xil saaray ay dardar geliso si loogu guulaysto qorshaha qaran.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay Amb. Olgan Bakar

0

Muqdisho (SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haddiyado guddoonsiiyay safiir Olgan Bakar ayaa uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay.

“Waxa aan maanta kulan sagootin ah u sameeyey danjire Olgan Bakar oo muddadiisii loo soo magacaabay Dalkeena ay soo idlaatay. Waxa uu uu kaalin muhiim ah ka qaatay adkeynta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Mahadsanid Olgan Bakar, Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ma illoobi doonaan garab istaaggii aad muujisay muddadii aad ka howl-galeysay Soomaaliya”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Turkiga u qaabishanaa Soomaaliya, Olgan Bakar, ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii ahaa safiirka, iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.