Adeegga Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo laga hirgeliyey Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Faransiiska

Date:

Paris (SNTV) Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed M. Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

Col. Cabdifitaax Shaawey iyo wafdigiisa ayaa maalmahaan safarro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka yurub, iyaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo Qaaradda ah.

Wafdigaan ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo Safaaradaha laga bixiyo Baasaboorka, si uu ugu kuurgalo habsami-u-socodka adeegyada.

Ujeedada socdaalka wafdigaan ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta iyada oo mar walba laga jawaab-celinayo baahiyaha ay Bulshada Soomaaliyeed ee yurub ku nool u qabaan adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...