Howlgal Amniga lagu xaqiijinayey oo laga sameeyey wadada xiriirisa Muqdisho iyo Walaweyn

Date:

Walaweyn (SNTV) Howlgalkaan oo lagu xaqiijinayay Amniga Wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Walaweyne ee Gobalka Sh/hoose ayaa Ciidamada komaandooska ee Xoogga dalka waxa ay ku guuleysteen iney fashiliyaan miinooyin ay dhagar qabayaasha Argagixisada Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee Isticmaala Wadadaasi.

Ciidanka ayaa la arkayey iyaga oo wada howlgalka miinada looga saarayey wadada, waxaana hogaaminayey Gaashaanle C/raxmaan Cumar Jeeniqaar taliyaha Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka.

Alshabaab ayaa mar waliba isku daya falal ay ugu talagaleen iney ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee ciidanka amniga dalka ayaa ka hortaagan iney fuliyaan falalkooda guracan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...