Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaaalka Soomaaliya oo maanta ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, waxana safarka ku weheliya madax kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashadda, waxana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan  Malaaq (kool kooliyow) iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan ka socda wasaaradda waxbarashadda ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gali doona shir wadatashi ah oo u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda iyo wasaaraddaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka.

Shirka ayaa socon doono muddo saddex maalmood ah shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalinta beri ah gaari doona magaalada Baydhabo si uga qeyb galo shirka u dhexeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamulada ka jira dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...