Shir looga hadlayo mideynta Waxbarashada Dalka oo maanta ka furmaya Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka furmaya shir looga hadlayo midaynta Waxbarashada dalka, kaas oo ay ka qayb-galayaan Wasaaradda Waxbarashada dalka iyo wakiillo ka socda Dawlad goboleedyada.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa sidii Manhajka Waxbarashada Dalka loo midayn lahaa, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka, si sare loogu qaado tayada Waxbarashada.

Arrimaha kale ee laga hadlayo waxaa ka mid ah wada-shaqaynta hay’adaha Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed, taas oo xoojinaysa iskaashiga labada dhinac ee loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...