Soomaaliya iyo Kenya oo isku raacay dib u howlgelinta danjirayaashooda

Date:

 April 03 , 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya Danjire Monica Juma.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, xal u helidda is-fahamwaagii bilahan u dhexeeyay labada dal iyo arrimo kale.

Wasiir Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Kenya kaalinta walaalnimada leh ee ay Kenya ka qaadatay dib u dhisidda qarannimada Soomaaliya, taageeradeeda fagaarayaasha caalamiga ah , marti gelinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo kaalinteeda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Labada Wasiir ayaa isla gartay in xiriirka labada dal lagu celiyo halkii uu joogay ka hor is-fahamwaagii labada dal soo kala dhex galay bishii Febaraayo, ayadoo Wasiir Cawad uu u caddeeyay dhiggiisa in Soomaaliya ay u aragto Kenya walaal dhab ah oo mar walba garab taagan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa la wadaagay dhiggiisa Kenya duqeyn ay ciidammada Kenya u geysteen dhowr xarumood oo ay lahaayeen shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo ku yaalla gudaha Soomaaliya. Wasiir Juma ayaa ballan qaadday in ay eegi doonaan arrintaasi, ayna ka soo jawaabi doonaan.

Ugu dambayn, labada Wasiir ayaa isku raacay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay labada dal dib u howlgeliyaan safiiradoodii Nairobi iyo Muqdisho si ay howlahooda u sii wataan. Sidoo kale labada wasiir ayaa isla soo hadal qaaday khatarta kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, ayagoo isku raacay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...