Home Blog Page 1082

R/wasaare Khayre oo tacsi u diray Ehelada dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre oo Warbaahinta Qaranka kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed kadib markii uusoo kormeeray isbitaallada iyo goobtii argigixisadu soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii argigixisadu guryagooda ku qabsatay.

Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.

Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha waxa uu ka hadlay dadaallada dowladda ee dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo meel wanaagsan maraya si la mid ah hormarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dhaqaallaha iyana hormar looga sameeyey, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan.

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay Xalay

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland,Koofur galbeed iyo Jubbaland,  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa  Allah uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo Dadka goobta ku geeriyooday, waxanay sidoo kale kuwii ku dhaawacmay Alle uga rajeeyeen inuu caafiyo.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay Gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan Dadka uu dhibku gaaray, lana qeybsadaan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxanay fareen Bulshada in Argagixisada lagaga adkaan karo oo keliya isku duubni iyo wadajir .

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-(SNTV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay weerraradii Argagixiso ee Xalay lagu qaaday xarumo ganacsi iyo Guryo ku yaalla Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadeen Dad Soomaaliyeed oo ku sugan Meheradahooda iyo Guryahooda.

Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay, ayaa mar kale ka tilmaamay in ujeeddada falkan Argagixisanimo laga leeyahay ay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal.

Mudane; Geelle, ayaa sheegay in ay Argagixisadu beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa.

Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Boliiska Kenya oo xabsiga dhigay Dadkii ka dambeeyay dilka Gabar Soomaaliyeed oo ka dhacay Nairobi

Nairobi-(SNTV)-Boliiska Dalka Kenya ayaa Afar Haween ah u taxaabay Xabsiga, kuwaas oo loo haysto kufsi iyo dil loo geystay Ismahaan C/salaam oo Maalmo ka hor ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Haweenka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Ismahaan Eeddadeed oo lagu Magacaabo, Nadiifo Maxamed, taas oo loo malaynayo in ay soo maleegtay shirqoolka lagu dilay Gabadha.

Gabadhan oo kasoo jeedda Soomaaliya, ayaa kufsiga iyo Jir-dilka lagu sameeyay ka sokoow waxaa loo Isticmaalay Aashito, sida lagu daabacay Maanta oo Jimca ah Wargeyska The Star ee kasoo baxa Dalka Kenya.

Ismahaan C/salaam, oo ahayd 14 jir dhigata Fasalka Todobaad ee Dugsiga dhexe ayaa ku noolayd Guriga Eeddeadeed Nafiifa xilligii la kufsanayay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul Insaanka u doodad ee Florence Kanyua.

Guriga ay ka tirsanayd Ismahaan, oo ay sidoo kale ku noolaayeen, Rag badan, Haween iyo Carruur ayaa dhalisay tuhumada la xiriirta in Gabadhan keligeen la kufsado, dabeetana la dilo, sida ay Boliisku sheegeen.

Waxa kale oo ay Boliisku shaki ka muujiyeen sababka keentay in la qariyo Meydka Gabadha oo la la’aa muddo Afar Cisho ka hor inta aan la helin Maalintii Sabtida.

Waxaa weli soconaya baarista Kiiska la xiriira Kufsiga iyo dilka Allaha u naxariistee Ismahaan C/Salaan, iyadoo Dadkii Gacanta ka geystayna la marin doono caddaaladda sida ay sheegeen Saraakiisha Boliiska Kenya.

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

USA-(SNTV)-Maxamed Nuur, oo ah Soomaaliya Maraykan, kana mid ahaa Saraakiisha Boliiska ee Dalkaasi ayaa mar kale wajahaya Maxkamad, markii lagu eedeeyay dilka Haweeneey Australian ah Sanaddii 2017-kii.

Mr; Nuur oo 33 Jir ah, ayaa Bishii March ee 2018-kii la dhagaystay dacwadaha loo haysto, waxaana Maanta oo Jimca ah lagu wadaa inuu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Minneapolis.

Justine Damond, oo la dilay 15-kii July 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia, waxanay Magaalada Minneapolis kula nooleyd Nin ay xiriir wadaag ahaayeen.

Maxamed Nuur, ayaa haddii lagu helo in uu si ula kac ah u toogtay Haweeneydan, waxa uu wajihi doonaa Xabsi dheer oo aan la ogeyn in uu noqon doono.

Isha/ Agencies

Dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed oo ka dhashay weerarkii ay Argagixisadu ka geysteen Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Dhimasho Dad rayid ah, dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaa ka dhashay qaraxyo ay argagixisadu la beegsadeen bartilmaameedyo Rayid oo ku yaalla wadda Maka Almukarrama iyo Jidka 21 Oktoobar ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Argagixisada ah ayaa waxay galeen dhisme ay Dad Rayid ah deggan yihiin, halkaas oo ay dhufeys ka dhigteen, waxanay Ciidamadu ku howlan yihiin sidii ay ugu sifeyn lahaayeen Malleeshiyada.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay Saddex ka mid ahaa Kooxdii weerarka soo qaadday, waxanay Ciidamadu wadaan soo badbaadinta Dadka halkaasi ku jira, waloow intooda badan laga soo saaray dhismaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta weerarka oo dhab ah iyo qasaarahii ka dhashay.

Wasiirka Sabriye oo ka hadlay muhiimadda Golayaasha degaanka ee Dalka

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha degaanka ee Degmooyinka Dalka ay muhiim u yihiin Dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hey’adda ay quseyso.

Mudane; Sabriye, oo soo xirayay shir Saddexdii Cisho ee lasoo dhaafay ugu soconayay Magaaladan Muqdisho wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo dib u heshisiinta Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha Golayaasha degaannka ayaa lagu Lafa guray sidii howlahaasi loo dar-dar gelin lahaa, iyadoo la marayo heerarkooda kala duwan.

Shirkan oo ah kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hey’adda Qaxootiga  iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Caalamka ee IOM.

Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug, Maxamuud Maxamed Samatar (Durraan), Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeele, Cabdikariim Cali  Nuur iyo Agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ku hadlay Afka ka qeyb galayaasha shirka ayaa tilmaamay inay dhaqan galinayaan qorshaha lagu dajiyay iyo qodobada la isku raacay ee war murtiyeedkii shirka.

Ugu dambeyn shirka ayaa laga soo saaray Toban qodob oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa dar-dar gelinta dhismaha Golayaasha degaanka, dhaqan gelinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka, sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo xasilinta Dalka.

Banbax howleedka Dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Djibouti

0

Muqdisho (SNTV)-Banbax howleed ku saabsan Dib-u-Eeegista Dastuurka ayaa manta uga furmay Hay’adaha u xilsaaran Dib-ueegista Dastuurka – Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocdka Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurlka – magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.

Banbax howleedka oo socon doona mudda 5 maalmood ah waxaa looga shaqayn doonaa sidii loo heli lahaa istiraatiijiyad midaysan oo ku saabsan wacyi galinta iyo latashiyada dadwaynaha oo ay isla meel dhigaan ha’adaha u xilsaaran dib-u- eegista dastuurka, sidoo kale waxaa inta uu socdo shirkan lagu diyaarin doonaa qorshaha midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-u-eegista dastuurka.

Furitaanka kulanka waxaa kalmado kookooban ka jeediyay wasiirka Wasaaradda Dastuurka mudane C/raxmaan xoosh Jibriil, Gudoomiyaha Guddiga La socodka Baarlamaanka, Mudane Cabdi xasan Cawaale Qaybdiid iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Mudane Maxamed Daahir Afrax, sidoo kale waxaa casharro ku saabsan samaynta istaraatiijiyadda ka soo jeediyay quburro ka socda hayadha maxa plan iyo UNDP.

Wasiirka Wasaaradda Arriimaha Dastuurka Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Kulanka si rasmi ah u furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loo wajaho latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha ee dib-u-reegista dastuurka.

“la tashiga dadwaynaha waa muhiimadda koowaad ee hay’adaha u xilsaran dib-u-eegista dastuurka si loo helo aragti midaysan oo ku aadan dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxaa muhiim ah in guddiyada iyo wasaaradda ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xasilooni siyaasadeed si loo dhamaystiro dastuurka” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Gabagabadii Gudoomiyayaasha labada guddi ee kala ah Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid – Guddiga La Socodka iyo Prof. Mohamed Dahir Afrax – Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka ayaa labaduba soo dhoweeyay in si wada jir ah looga shaqeeyo diyaarinta istaraatiijiyadda midaysan ee Wacyigalinta iyo Latashiyada dadwaynaha ee dib-u-eegista dastuurka.

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay falkii lagula kacay marxuumad Caa’isho

0

Muqdisho (SNTV)- Golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta shirkoodii ay yeesheen oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxa ku cambaareeyeen falkaas waxshinimada ah.

Xukuumadda ayaa ku boorrisay dowlad- goboleedka Puntland in ay dadaal badan geliso sidii loo soo qaban lahaa caddaaladdana loo hor keeni lahaa kuwii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii bahalnimada ahaa ee lagula kacay marxuumad Caa’isho oo 12 jir ahayd.

Golaha xukuumadda ayaa laamaha ammaanka iyo garsoorka ee dowladda federaalka faray in ay hay’adaha kale ee heer federaal kala shaqeeyaan sidoo loo soo afjari lahaa tacadiyada noocan oo kale ah.

Xukuumadda oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedyo, Siyaasado iyo Heshiisyo

0

Muqdisho; Khamiis, Feberaayo 28, 2019 –Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay siyaasadda diiwaan gelinta aqoonsiga dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa wasiirradu dood dheer kadib waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda diiwan gelinta aqoonsiga dad-weynaha oo hagaysa nakhshadaynta, sharciyaynta, hir-gelinta iyo maamulka diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadwaynaha iyada oo laga faa’iidaysanayo teknoolajiyadda casriga ah.

Ujeedada diiwaan gelinta aqooniga dad-weynaha ayaa ah in la sameeyo xog-dhigis aqoonsi heer qaran taas oo lagu kaydiyo xogta aasaasiga ah ee dad-weynaha si loo hayo dhammaan xogta mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka dawada iyo hay’adda nidaam u samaynta dawada, siyaasadda qaran ee kobcinta awoodaha dawladaha hoose, heshiiska wada-shaqaynta maaliyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, Samaynta hay’adda maal-gelinta ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe, heshiiska hidda dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo midka dabiiciga ah.