Home Blog Page 1082

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha badaha

0

Nairobi (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna.

“Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.”

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga Dalka

0

Muqdisho, Nofeembar 26, 2018 –
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka iyo ku hoos shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu u qorsheysay in dalka xasillooni lagula soo dabbaalo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladdu ay dadaal badan u gashay sidii dib-u-habayn ballaaran loogu samayn lahaa hay’adaha amniga dalka, ayna ka go’antahay in la helo amni la’isku hallayn karo.

“Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkan waxaa ka qeyb galay, talisyada ciidamada, Wasaaradda gaashaandhigga iyo wasaaradda arrimaha gudaha, halka ay matalayaasha dalalka aan saaxiibada nahay, kuwa ciidamada nabad ilaalinta ugu deeqayna ay goob joog ka haayeen.

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto oo shirka la guddoomiyay Ra’iisulwasaaraha ayaa xukuumadda ku ammaanay waxqabadka dhanka amniga iyo qorshayaasha cad cad ee ay la timid si amniga dalka loo sugo.

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika.

Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay iney qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya.

Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inaan la xaqiri Karin horumarka laga gaaray amniga ee xilligan ka jira Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney kormeeri doonaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,aayaa ku tilmaamay xaaladda amni ee  Soomaaliya mid soo hagaageysa,isla-markaana Dadka Soomaliyeed ku dhiiran yihiin inay horumar gaaraan.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta oo Furay Hannaanka Lagu Ballaarinayo Helitaanka Sonic

0

 

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta la soo gaaray waqti ay SONIC – oo maamusha astaanta internetka ee dalkeena – ay si daah furan u qaadaneyso shirkado gudaha dalka ka shaqeeya oo diiwaangeliya astaanta.

Maareeyaha ayaa sheegay in tan iyo bishii Maarso ee sanadkan ay Hay’addu ku hawlaneyd sidii loo casriyeyn lahaa astaanta oo looga soo guuri lahaa shirkaddii hore ee adeegga farsamo siin jirtay (Cloud Registry), looguna soo guuri lahaa barnaamij ay SONIC 100% maamuleyso, oo dalka gudahiisana ay u yaallan xog-keydiyeyaal (servers), taas oo si kordhin doonta adeegga iyo xawaaraha. SONIC ayaa haatan ku shaqeysa barnaamijka Cocca oo ay adeegsadaan inta badan dalalka ugu horreeya dhinaca astaamaha ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Waxaa sidoo kale la dajiyay siyaasadihii lagu dhaqi lahaa maamulka astaanta, kuwaasoo kala qeexaya waajibaadka dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in qorshuhu yahay in isbeddelladii lagu sameeyay astaanta ay dhaqan-gali doonaan wixii ka dambeeya bisha Jannaayo 2019, lana sameyn doono bandhig iyo wada-tashiyo lala yeelan doono dhammaan daneeyeyaasha ay khuseyso.

Isbeddellada la filayo inay dhaqan galaan ayaa waxaa ka mid ah in la kordhiyo tirada shirkadaha dalka ku yaalla ee adeeggan bixiya, lana sameeyo qiimo-dhimis si loo sii xoojiyo adeegsiga astaanta ee dadweynaha, shirkadaha, jaamacadaha iyo hay’adaha sama-falka.

“Maanta waxaan soo gaarnay in dotSO ay ku soo wareegtay dalka gudihiisa, lana qaadanayo shirkado Soomaaliyeed oo adeeggaas gaarsiiya magaalo kasta oo ka mid ah dalka, maadaama awal ay aad u koobnaayeen shirkadaha diiwaangeliya ee dalka ka shaqeeya, hase yeeshee lala sugayo in la sameeyo nidaam daah-furan oo lagu qaato kuwa cusub ka dib marka hawlaha farsamadu ay soo dhammaadaan,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Shirka bilaha ah ee Adeega kaalmada Sharciga oo maantay uu furmay Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka.

0

Shirkan oo ay soo qaban qabisay  wasaaradda  Cadaaladda iyo garsoorka dalka ayaa waxaa looga hadalay Adeega kaalmada Sharciga , iyadoo ay ka qayb galeen Xubno ka socday Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka.

wasiirka  Cadaaladda  iyo garsoorka  dalka  Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa Shirkaan maanta uu furay Xubno ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka, waxaa uu kula dar daarmay in ay si hufan uga doodaan qodobada muhiimka ah ee  horyaala isla markaana laga soo saaro dood muhiim u ah garsoorka wasaaraduna ay dhageysan doonto.

“Shirkaan aan bishiiba mar iskugu imaano waxaa looga hadlaa kaalmada sharciga waxaad halkaan u joogtaan inaad ka doodaan barnaamijkaas iyo tayeynta guud ahaan hay’adaha cadaaladda dalka wasaaradu waxaa ay dhageysan doontaa doodaha aad keentaan” ayuu yiri Mr Xasan.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka cadaaladda XFS waxaa uu sheegay in wasaaradu diyaarisay Sharciga  adeega kaalma sharciyeedka oo uu hadda marayo heer gaba gaba ah isla markaana dhawaan la horgeyn doono Xukuumadda ka dibna Baarlamaanka.

“Waxaan la diyaariyay qabyo qoraalka sharciga Kaalamada Shariga waxaa uu hadda ku jiraa wada tashi wasaaradda ayaa diyaarisay waxaan horgeyn doonaa golaha wasiirada ka dibna golaha Baarlamaanka ujeedka laga leeyahay waa in qof walba helo xuquuq sharciyeed”ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dalku waxaa ay dhawaanahaanba ku howlaneed sidii loo hormari lahaa adeegyada garsoorka ee ay bulshadu u baahan tahay iyo shirkaani uu qayb ka yahay wada tashiyada barnaamijkaas lagu hormarinayo.

Shirka Dhaqaalaha Badaha oo maantay ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka ay ku yaalan  xeebeed,maadaama dalka uu leeyahay  xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar  la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha qar ka mid ah 160ka dal ee ka soo qayb galaya shirka,  waxayna kawadda hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka,Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya,

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu labtay magaalada Baladweyne

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa magaalada Baladweyne waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa horay u gaaray wafdi uu hoggaaminayo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka,kuwaas oo ujeedkooda uu yahay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyo tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka.

Madaxweyne Waare ayaa inta uu joogo magaalada Baladweyne wuxuu la kullamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo Odayaasha dhaqanka,kuwaasi oo uu kala hadli doono arrimaha amniga iyo in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka Xogga dalka oo soo afjaray Weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Guri ku yaala Gaalkacyo

0

Muqdisho(SNTV):- Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab,Ciidamada Booliska iyo Nabad usgida Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar Argagixisada Al-Shabaab saaka ku qaadeen Guri ku yaala magaalada Gaalkacyo oo uu daganaa wadaad lagu magacaabo Cabdiweli Cali Cilmi Yare.

Gaari waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray ayaa la sheegay in Guriga lagu dhuftay ka dibna Naftood haligayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Guriga.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran ayaa mid mid u toogtay dhammaan naftood haligayaasha Al-Shabaab ee doonayay inay shacab badan ku dilaan halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka,waxaana sida wariyaha Warbaahinta Qaranka magaalada Gaalkacyo soo sheegayo weerarka ku dhintay 9-qof oo shacab ah iyo 4-ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigay mid ka mid ah dhagarabayaashii  saakay dagaalka kula  waabarisata  guri ku yaal magaaladda Gaalkacyo isagoo dhaawac ah.

Laamaha amaanka ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gaalkacyo wali war rasmi ah kama soo saarin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qeyb galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha

0

Nairobi, Nofeembar 25, 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.

Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Difaacyada Ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Dhanaane.

0

Muqdisho (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kormeeray deegaanka Dhannaane ee Gobolka Shabellada hoose.

Deegaanka Dhannaane ayaa ka mid ah deegaano dhawaan nabad diidka Al-shabaab laga xureeyay.

General Daahir Aadan Cilmi ayaa mid mid u kormeeray Difaacyada Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna Halkaasi ku dhiira geliyay Ciidamada Howlgalada ka wada deegaanka Dhannaane.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kula hadlay jiida hore ee dagaalka deegaanka dhannaane, isagoona sheegay in dhawaan Al-shabaab laga saari doono dalka.

General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa bogaadiyay sida geesinimada ah ay Ciidamada Xoogga Dalka ay u fuliyeen Howlgalka deegaanka Gandarshe lagu xureeyay, isagoona tilmaamay in nabad diidka Howlgalkaasi lagu gaarsiiyay qasaaro xooggan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Indha-qarshe waxa uu ka hadlay dhibaatada nabadiidka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,iyadoo Halkaas lagu soo bandhigay hub lag furtay Kooxda Argagixisada Al-shabaab.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ugu Baaqay in ay la shaqeyaan Ciidamada Xoogga Dalka.