Taliyaha Ciidammada Dhulka oo faah-faahin ka bixiyay Howlgallada ka socda Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):Xaalada deegaannadii ay la wareegeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa saakay degen iyadoo howlgallada lagu baacsanayo Maleeshiyada Argigixisada Al-Shabaab ay halkoodii kasii socdaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada inay yihiin kuwii dhibaatooyinka ugu badan ee dhaca iyo Boobka ah ee Al-Shabaab ugu gaysan jireen Shacabka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay Howlgaladaan sii socon doonaan, inta maleeshiyaadka Al-Shabaab laga dul qaadayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatadda ay ku haayaan.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kalena sheegay inay jiraan Qaraxyo Argagixisadu ay ku diyaarinayeen Goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...