Eng.Yarisow “Waa Fal Waxashnimo ah in Gabar Soomaaliyeed loo diido in ay ku Umusho Isbitaal”

Date:

Abriil 03, 2019; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dhacdo lagula kacay gabar Soomaaliyeed oo loo diiday in ay ku umusho goob caafimaad oo ku taala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo falkaas ku tilmaamay mid arxan darro ah ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay u fidiyeen muwaadinaddaas gurmad caafimaad oo deg deg ah, haatanna ay bad qabaan hooyada iyo ilmaheeda oo lagu hayo mid ka mid ah Hosbitaallada Muqdisho.

“Waxaa nasiib darro ah in Muwaadinad Soomaaliyeed oo fool ah in ay ku hor silicdo xarun caafimaad oo loo asaasay in ay hooyada iyo dhallaanka u adeegto. Xilli saq dhexe ah in loo diido xaamilo ugub ah adeeggii caafimaadka ee ay u baahnyad oo ay ko hor dhasho goobtaas waa dhacdo aad u xanuun badan oo ay tahay in si adag loola xisaabtamo ciddii ka danbaysay arrinkaas.”

Guddoomiyaha ayaa faray laamaha adeegyada bulshada ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula socdaan adeegyada caafimaad ee danta guud, dadaaalna ku bixiyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka soo food saara muwaadiniinta guud ahaan goobaha caafimaadka.

Duqa Muqdisho ayaa xusay iyadoo la kaashanayao Hay’adaha Garsoorka in Caddaaladda la horkeeni doono dadkii falkan kula kacay muwaadinadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in uu haatan socdo qorshe ay kala kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ku saabsan dib u habaynta iyo diyaarinta xeerka goobaha caafimaadka ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...