Gen. Zakia oo ka warbixisey Howlgaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho ka dhacay iyo Waxyaabihii kusoo Kordhay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa Warbaahinta uga Warbixisay Howlgalada maalmahaan ka socdo Caasimada iyo Waxyaabaha kusoo kordhay.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska uu dardar geliyey Howlgalada ammaanka lagu adkeynayo, iyaddoo xustay in Ciidamada ay wadaan Howlgalo guri walba oo ku yaalla caasimada lagu baarayo, si magaaladda looga sifeeyo hubka sharci darrada ah.

Waxay Xustay Gen. Zakia in hab cusub lagu soo kordhiyey baarista Gaadiidka, kaasi oo sahlaya in muddo kooban Gawaarida lagu Xaqiijiyo, waxaana ay tilmaamtay in Ciidamada ammaanka lagu qalabeeyey Agab u fududeynayo Howlahooda shaqo.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka Amniga ay Miino ka soo saareen Duleedka Muqdisho, Sidoo kale waxa ay digniin ka jeedisay Gaari la tuhunsan yahay oo noociisu yahay Baraado.

“Waxaan rabnaa in Bulsho weynta Soomaaliyeed ku Wargelino inay jiraan Gawaari nooca Toyoto Prado loo yaqaano oo aan ka war helnay in argagixisadu ay dooneyso in Bulshadda ay ku halaagaan, waxaan dooneynaa in Shacabka ay Feejignaan ka yeeshaan” ayey Tiri Gen. Zakia.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa waxay sheegtay in maalmaha soo socda la adkeyn doono Baaritaanka, islamarkaana Ciidamada ammaanka ay ku Howlgali doonaan Xogo la hubo oo Qeybaha Sirdoonka dalka ay ka heleen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...