Gen. Zakia oo ka warbixisey Howlgaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho ka dhacay iyo Waxyaabihii kusoo Kordhay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa Warbaahinta uga Warbixisay Howlgalada maalmahaan ka socdo Caasimada iyo Waxyaabaha kusoo kordhay.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska uu dardar geliyey Howlgalada ammaanka lagu adkeynayo, iyaddoo xustay in Ciidamada ay wadaan Howlgalo guri walba oo ku yaalla caasimada lagu baarayo, si magaaladda looga sifeeyo hubka sharci darrada ah.

Waxay Xustay Gen. Zakia in hab cusub lagu soo kordhiyey baarista Gaadiidka, kaasi oo sahlaya in muddo kooban Gawaarida lagu Xaqiijiyo, waxaana ay tilmaamtay in Ciidamada ammaanka lagu qalabeeyey Agab u fududeynayo Howlahooda shaqo.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka Amniga ay Miino ka soo saareen Duleedka Muqdisho, Sidoo kale waxa ay digniin ka jeedisay Gaari la tuhunsan yahay oo noociisu yahay Baraado.

“Waxaan rabnaa in Bulsho weynta Soomaaliyeed ku Wargelino inay jiraan Gawaari nooca Toyoto Prado loo yaqaano oo aan ka war helnay in argagixisadu ay dooneyso in Bulshadda ay ku halaagaan, waxaan dooneynaa in Shacabka ay Feejignaan ka yeeshaan” ayey Tiri Gen. Zakia.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa waxay sheegtay in maalmaha soo socda la adkeyn doono Baaritaanka, islamarkaana Ciidamada ammaanka ay ku Howlgali doonaan Xogo la hubo oo Qeybaha Sirdoonka dalka ay ka heleen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...