

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane; Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa qudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan.
Mudane; Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi.
Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya,
Sidoo kale Wuxuu Dowladaha Carabta uga mahad celiyay dadaalka ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qudbaddiisa kusoo gaba gabeeyay dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada ah, wuxuuna madaxda shirka ka qeyb galeysa uu la wadaagay hagar-daamooyinka ay kooxaha nabad diidka ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.
Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo wajaho ciribtirka Malleeshiyaadka Argagixisada,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muddada uu joogo Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan waxa uu halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Wadankaasi iyo qaar ka mid ah Waddamada Carabta.
Kooxdan oo ka koobnaa saddex dhalinyaro ah ayaa xalay lagu soo bandhigay Saldhigga degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in kooxdan la soo qabtay, xilli ay doonayeen inay toogtaan Haweeney qaad iibineysay oo ka mid aheyd ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Hirshabeelle.
Saddexdan dhalinyaro ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ay ku howl galayeen Mooto bajaaj, xilliga ay doonayeen inay dilaan haweeneyday ay u dhici weyday bastoolada
Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Shuceyb C/llaahi Xaaji oo loo yaqaano Maxamed, waxaa uu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Wadajir, waxaana uu dalbaday in la cafiyo.
Ninka labaad ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil Maxamed Aweys oo naaneystiisa loo yaqaano yaxye ayaa sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.
Ninka saddexaad Maxamed Cusmaan Macalin oo loo yaqaano C/weli ayaa sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa u kala gudbinta Hubka ayaa sheegay inuu hubka u geynayay dadkii fulin jiray dilalka, isagoo isticmaali jiray Mooto bajaaj.
Haweeneyda ka badbaaday falkan ayaa uga mahad celisay Ciidamada Booliska qaabkii ay raggan gacanta ugu soo dhigeen, isla markaana ay aheyd hooyo todobo carruur dhashay, waxaana seygeeda ahaa askari ka tirsan ciidanka Booliska.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax ayaa sheegay in raggan ay muddo sanado ah dilalka ugu badan ka fuliyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.
Muqdisho (SNTV):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender.
Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.
Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee Ingiriiska u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday.
Qaahira (SNTV):-Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuubakar Isloow ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa bogaadiyay kaalinta hoggaamineed ee Masar ay ku leedahay Qaaradda Afrika.
Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya doonayso in ay ka faa’iideysto khibradda Masar ee ku aaddan dhanka ciidamada booliska.
Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay laba-laabaan dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo xasiloonida.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan tababaridda Booliska, waxuuna tilmaamay in ay muhiim tahay wada shaqeynta iyo inay laamaha amniga wadaagaan warbixinnada, si loo yareeyo dambiyada iyo falalka argagixisada.
Labada wasiir ayaa kala saxiixday is-fahan la xiriira iskaashiga arrimaha amniga iyo is-dhaafsiga khibradaha, iyadoo ay goob joog ka haayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys iyo mas’uuliyiin kale.

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka.
Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka.
Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan.
Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.
waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan.











Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Caasimadda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka Iskaashiga Islaamka sababo ku aaddan taageerrada iyo isgarabtaagga uu muddo dheer u muujinayay, si gaar ahaaneed qarannimada Soomaaliya, madax banaanidiisa iyo bedqabka dhulkiisa.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii ugu horreysay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ku qabsaday Magaalada Muqdisho 27 Oktoobar, 2018. Ururka waxa kale oo wax ka bedel ku sameeyay xafiiskiisa bani’aadannimo ee Soomaaliya oo loo rogay mid diblomaasiyadeed oo dhammeystiran, iyadoo la tixgelinayo guusha ay gaartay Soomaaliya.
Soomaaliya waxa ay martigelin doontaa inta u dhexeysa 29-30 April ee sanadkan Shir maan-hadal ah oo la xiriira la dagaalanka argagaxisada oo ka dhici doona Muqdisho, oo qaban-qaabadeedu leeyahay Ururka Iskaashiga Islaamka.
Waxa uu ka codsaday wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya si dhaqsiya loola falgalo sida ay wax u xaliyeen Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, si degdeg loogu dhiso Soomaaliya, lana dhammeeyo jiritaanka argagaxisada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, waxa uu ugu baaqay in si deeqsinimo ah uga qeybqaataan Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Muqdisho (SNTV):- Ujeedka kormeerkan mas’uuliyiinta wasaaradda Gargaarka ayaa ahaa sidii ay u heli lahaayeen macluumaad ku saabsan dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay,si loo ogaado baahiyaha kala duwan oo ay qabaan, islamarkaanna ay dowladda Soomaaliya uga geysato kaalinteeda garab istaaga dadkaasi.
Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo mas’uuliyiin uu horkacayay ayaa tagay Cisbitaalada Madiina, Ordugan iyo Shaafi,waxaana ay warbixino ka dhageysteen maamulada xarumahaasi Caafimaad, iyagoo weydiinayay xog ku saabsan sida ay kala yihiin xaaladda bukaanada.
Mukhtaar Sheekh Xuseen agaasimaha guud ee wasaaradda Gargaarka iyo maareynta iyo musiibooyinka Soomaaliya ayaa ugu horeyn faah faahiyay waxyaabihii ay la kulmeen,wuxuuna xusay in xogta marka ay soo dhammeystiraan ay u gudbin doonaan Hay’adaha dowladda ee u qaabilsan si loogu gar gaaro.
Ku-simaha Wasiirka Gar-gaarka ahna Wasiir ku-xigeenka gargaarka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xasan ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay gar gaar u fidinayso dadka xaaladooda ay culus tahay.
“Waxaan wadnay ilaa saaka shaqo taasi oo aan ugu gar gaareyna dadkii ku dhaawacmay qaraxii,anagoo ah wasaaradda Gargaarka mas’uuliyiinteeda iyo shaqaalaha,waxaan tagnay isbitaalada,Madiina,Digfeer,Shaafi iyo meelo kale,waxaa noloo sheegay in lala tacaalay bukaanada,wixii intaasi dheer oo wax loo qaban karina waxaa caafimaad dibadda ah u qaadaysa dowladda Soomaaliya,taasi oo uu horey u balanqaaday madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale ra”iiusl wasaare Khayre,”. Ayuu yiri wasiir ku-xigeenka gargaarka.
Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaardda Gargaarka ayaa ka qeyb qaatay dhiig shubidda lagu caawinayay bukaanada,Dad badan oo shacab ah ayaa qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray weerarkii argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen goobo ganacsi shacab uu lahaa.










