Ciidammada Amniga oo la wareegay Hub Badan soona qabtay maleeshiyaad badan oo Argaggixisada ka tirsanaa

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlagaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay duleedka Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Jen. Zakiya oo xalay shir jaraaโ€™id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha lagu qabtay hub fara badan, sida bambooyin, miinooyin, suumanka qaraxyada iyo agabyo kale oo lagu aasay god ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaa ay sheegtay inuu ahaa keydkii ugu weynaa ee hubka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay laheyd oo lagu qabto duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka Booliska ayaa sheegtay in illaa 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Afgooye, halka 14 kalena laga soo qabtay deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Ugu dambeyn Holwgalada ayay sheegtay inay sii socon doonaan, isla markaanaย  Maleeshiyaadka naflacaariga Al-shabaab looga daba tegi doono meel walba oo ay galaan, si dalka looga ciribtiro cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...