Home Blog Page 1081

Francisco Madeira” Weerarka argagixisadu ku qaadeen Goobaha Ganacsiga waxay cadeyn u tahay sida ay u ixtiraameyn xuquuqda aadanaha,”

Muqdisho (SNTV):- Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee Khamiistii ka dhacay caasimadda Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen  dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Francisco Madeira, oo ah Madaxa Howlgalka AMISOM iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga ay cadeyn u tahay sida xagjiriintu u ixtiraameyn xuquuda aadanaha ama u tixgelineyn ahmiyada nolosha u leedaha aadanaha.

“Ujeedkooda ugu muhiisam waa iney hoos u dhigaan horumarka ay gaareen Dowladda Federaalka,dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,saaxiibadooda ku howlan horumarinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayuu Madeira ku yiri war qoraal ah uu soo saaray.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa muujiyay  taageerada uu u hayo xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada soo gaartay.isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay in si dhaqsi ah u soo bogsadaan.

Dowladda Qadar oo cambaareysay weerarkii argagixisada ay ka fulisay Muqdisho

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Qadar ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkii argagixisadu ay ku laayeen dad shacab ah,kaasi oo ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaalo magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada dalka Qadar ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Dooxa si adag uga soo horjeedo rabshadaha iyo falalka argagixisada ee sida wuxuushnimada ah u waxyeeleeya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Waxayna Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay dadkii waxyeelada ka soo gaartay falkaasi argagixiso ee kooxda nabad diidka ay  habeen ka hor ka fulisay magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa ku celisay iney garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana ka taageereyso sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ee u soo tafa-xeetay iney laayaan shacabka Soomaaliyeed.

Eng. Yarisow “Argagixsadu waxay beegsadaan Nafta iyo maalka Shacabka”

0

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane;  Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow), ayaa sheegay in argagaxisadu ay beegsanayso nafta iyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, halka uu maamulka Gobolka banaadirna u taagan yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan, Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo Bullaacadda No4 oo dhammaantood howlo shaqo oo dib loogu dhisayo uu M/mulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen kooxaha argagixisadu, Maamul banaadir uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii argagixisadu la beegsadeen.

“Argagixsadu waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda’.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Bullaacadda No4 oo dib loo howlgeliyey, maadaama loo diyaar garoobayo waqti roobaadka.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa xoogga saaray dib-u-dhismaha xarumaha muhiimka ah ee Caasimadda, iyadoo fursado shaqo ay ka heleen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda Maraykanka oo cambaaraysay qaraxyadii ay Argagixisadu ka geysteen Muqdisho

USA-(SNTV)-Dowladda Maraykanka ayaa cambaarayn xooggan Dusha uga tuurtay Kooxihii ka dambeeyay weerarradi Argagaxiso ee 28-kii Febraayo ka dhacay xarumo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Washington DC, ayaa sidoo kale ammaan usoo jeedisay tallaabooyinka geesinimada leh ee ay Ciidamada amniga Soomaaliya nafdooda ugu hureen ka hortagga kooxda weerarka soo qaadday iyo sida ay u dadejiyeen taakuleynta Dadkii dhaawacmay ee ku xannibnaa halka ay wax ka dhaceen,taaso sahashay badbaadinta Naf badan.

Dowladda Maraykanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaska iyo saaxiibbada dhibbanayaasha la dilay ama ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu geysteen.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador; Don Yamamoto, ayaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab mar kale muujisay in aysan u haynin nolasha Dadka Soomaaliyeed wax tixgilin ah.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay Kooxda Argagixisadu leedahay Hal hadaf oo ah in laga hortago horumarka, nabadda iyo barwaaqada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya.

“Dowlada Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dedaalka xooggan ee ay siineyso Dadka iyo  xukuumadda Soomaaliyeed, iyada oo Gacan ka geysaneysa ​​dedaallada wadajirka caalamiga ah,  taas oo lagu doonaayo dhisidda Dal xoog leh oo Dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Amb; Yamamoto.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii waxashnimada ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadeen xarumo ganacsi iyo Guryo Dad Shacab ah oo yaalla Muqdisho Laba Cisho ka hor, waxaa isa soo taraya cambaaraynta kaga imaaneysay dhagar-qabayaasha Beesha Caalamka iyo Bulsho weynta Soomaaliyeed eek u dhaqan daafaha Dunida.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Dalka Kuwait

0

Kuwait (SNTV)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray Magaalada Kuwait City, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Dhaqaalaha Carabta, kaasi oo ka dhici doona magaaladaasi.

Wasiirka ayaa ku amaanay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen.

“Waxaan gaaray Magaalada Kuwait City oo aan dhawaan uga qeyb galidoono shirka dhaqaalaha Carabta. Waxaan u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo si heer sare ah iisoo dhaweeyay” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF lagu bogaadiyey koboca dhaqaale ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Muqdisho

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Marka hore guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday weerarkii kooxaha Argagxisada ay ku qaadeen goobo isugu jira ganacsi,meelo ay dadka isugu yimaadaan iyo guryo ay dad shacabka ah degan yihiin,wuxuuna  Caafimaad deg deg ah Alle ugu baryay dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen.

“Innaa lillaah wa innaa ileeehi raajicuun Marka hore intii nabad diidku ay halkaasi ku xasuuqeen Allaha ha u naxriisto Sidoo kale intii uu dhaawaca soo gaarayna Caafimaad ah taam ah Allaha ha siiyo,Waan cambareynayaa weerarkaasi oo ah mid muujinaya baaxada ay la egtahay cadowtinimada nabad diidka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed”

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku amaanay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida taxadarka leh ee ay usoo gaba gabeeyeen howlgalkaasi saacadaha badan qaatay kaasoo ugu dambeyn Geesiyaasha Qaranka ku guuleystay in ay laayaan tiradii nabad diidka ka tirsaneyd Sidoo kalena ay soo badbaadiyaan dadkii masaakiinta ahaa ee uu guryahooda ku qabsaday.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidankeena Amaanka oo soo badbaadiyay shacabkii maleeshiyaadka ay guryahooda ku qabsadeen Sidoo kale halkaasi ku laayay kooxihii nabad diidka ahaa ee weerarka soo qaaday,waxaana ciidanka ku amaanayaa dadaalka ay ugu jiraan cirib tirka kooxaha argagixisada ah”

Ugu dambeyn waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ciidanka Amaanka kala Shaqeeyaan sugida amaanka iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah.

QM iyo Turkey oo cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee Muqdisho

Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa lagu dhaleeceeyey weerarkii argagixisadu ay ku laayeen dad shacab ah,kaasi oo ka dhacay goobo ganacsi oo shacab ay lahaayeen.

Wuxuu uga tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi,isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey in ay bogsoodaan,wuxuuna muujiyay sida QM ay uga xuntahay falalkasi foosha xun.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladad Soomaaliya iyo shacabkeeda,islamarkaana aanay nabadda Soomaaliya iyo horumarkeeda waxba u dhimi doonin dhacdooyinkan oo kale.

Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi oo lagu waxyeeleeyey shacab aan waxba galabsan,waxaana qoraal wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Turkigu ay soo saartay loogu tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay falkaasi.

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa muujisay sida ay markasta u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa uga tacsiyadeysay dowladda Soomaaliya dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Muqdisho,waxaana ay u rajeeyeen dadkii dhaawacyada soo gaaray in ay helana caafimaad deg deg ah.

Faah-faahin ka soo baxaysa duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Muqdisho (SNTV) War ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu faahfaahiyay duqeymo xagga cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhig maleeshiyaadka Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada argagixisnimo.

Weerarkan oo xagga cirka ah ayaa waxaa iska kaashaday Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibadooda caalamiga ah,kaasi oo khasaare xoogan uu ka soo gaaray maleeshiyaadka Alshabaab.

Ilaa 26 ka tirsan kooxda ALshabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi oo ka dhacday meel 37 KM dhanka bari ka xigta magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida SONNA ay xogtan ku heshay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa sii kordhisay howlgalada cirka iyo dhulka ah oo ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab,iyadoo argagixisada alshabaab jab xoogan uu ka soo gaaray duqeymihii ugu dambeyeey ee ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jordan

Muqdisho (SNTV) Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan.

Garonka Diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi Urdun waxaa ku soo dhaweyey  guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasiJordan.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaa soo socon doon ilaa labo  maalmood,kaasi oo looga hadli doona arrimo ay kamid yihiin qadiyadda magaalada Barakeysan ee Qudus ee reer Falstiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inta uu joogo wadankasi Urdun waxaa uu kulamo la qaadan doona madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi.

Madaxweynaha Suudaan oo Madaxweyne Farmaajo ugu tacsiyeeyay muwaadiniinta ku shahiiday weerarkii argagixisanimo

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan wuxuushnimada ah, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago  dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed.