Home Blog Page 1081

Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al-Shabaab oo lagu laayay Gobalka Hiiraan

0

Beledweyn (SNTV) Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Lix Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen meel u dhow degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dilka maleeshiyaadkan ayaa yimid ka dib dagaal ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Sargaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Maydadka Argagixisada la laayay iyo hubkii laga furtay haatan ay gaarsiiyeen magaalada Baladweyne halkaas oo ay doonayaan inay Warbaahinta ugu soo bandhigaan.

Sidoo kale Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka baxsadeen deegaanka uu dagaalka ka dhacay haatan ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa aad u laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, iyadoo khasaaro badan lagu gaarsiiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee dhacay.

Akhriso:- Go’aanka Guddiga gaarka ah ee Aqalka sare uu ka soo saaray xal u helidda tabashooyinka Madaxda Dowlad Goboleedyada.

0

SNTV:-Guddiga gaarka ah ee Aqalka sare xal u helidda Khalifaadka Dowladda Feferaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta soo saaray warbixin iyo go’aanno la xiriira Arrimahaasi.

Halkan Hoose riix si aad u Akhrisato Warbixinta uu soo saaray Guddiga xallinta Khilaafaadka Dowladda Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada.

warbixin & Go’aan

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo manhajka Fasalka 8-aad Diyaarinaysa.

0

Talaado November 27, 2018 Muqdisho (SNTV) Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS, Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaaraddu ay dhamaystirtay manhajka oo ay ku guuleysteen in ay ku guuleystaan ​​dugsiyada afaraad ilaa afaraad.

“Manhajka aan ardayda u qaybin waa fasalka koobaad ilaa afaraad, ilaa fasalka 12-aad, hadda waa la rajeynayaa inay ku guuleystaan ​​fasalka 8aad ee fasalka 8aad, manhajka wanaagsan ayuu ku socdaa cid kasta oo aqoon yahan ahna Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay

Faysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka iyo sida ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho dhammaystiran.

“Ka mid ahaanshaha waxaa ka mid ah in ardayda Soomaaliyeed ay waxbarashadooda ku helayaan lacag la’aan,” ayuu yiri Feysal Cumar.

Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in cabashooyinka dhowaan laga soo qaatay ardaydii Soomaaliyeed ee loo direy dalka Ethiopia, la xaliyay isla markana ay bilaabeen waxbarashadooda.

“Wasaaradda Waxbarashada waxa ay hirgelisay deeq waxbarasho oo ay ka heleen dawladda Itoobiya oo ay ku biireen ardayda tiradoodu gaareyso 223 arday oo ka mid ah ardayda dugsiyada hoose iyo ardayda oo ka faa’iideystey baasakaarka iyo kuwa ka faa’iideystey mastarka labadaba. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada ee dalka Ethiopia Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia. Qoraalkan iyo xukuumadda itoobiya waxay ku guuleysteen in ay xalliyaan ardayda ay dib u bilaabeen waxbarashada “sidaasi waxaa yiri Feysal Cumar Guuleed,Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoonka kula hadlay Amiirka Qatar

0

:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xiriiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal.

Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay..

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal loona gaari lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka.

Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka qaybta 21aad oo maanta Cadaado u fadhiistay Imtixaan aqoon guud ah

0

Taliska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa maanta qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka qalabka sida qaybta 21aad ka qaadaya Imtixaan ah aqoon guud , kaasi oo lagu hubinayo aqoonta Saraakiisha, si loo kala saaro.

Qeybta koowaad ee Imtixaanka oo maanta ka dhacay xarunta taliska ciidamada xooga dalka qeybtooda 21aad ku leeyihiin magaalada Cadaado ayaa waxaa u fadhiistay Xidigle ilaa iyo Gaashaanle sare.

Guddiga loo xilsaaray in ay diyaariyaan Imtixaanka ayaa kor joogto ka ahaa goobaha uu Imtixaanka ka bilaawdey oo kala ah Dhamaan Xeryaha Kala duwan ee Qaybtu ku leedahay Galmudug waxaana sidoo kale Imtixaanka laga qaadayaa saraakiisha ku sugan jiidaha fog iyo furimaha hore ee gobolka Mudug.

Ujeedka Imtixaanka ayaa Taliska Ciidanka Xoogu waxa uu ku sheegay in lagu hubinayo Aqoonta Saraakiisha sare iyo kuwa hoose ee Ciidanka, si kii ay wax ka dhimman yihiin dhanka Qibradda loogu diro Koorso Ciidan oo dalka Gudahiisa ama dibadiisa ah.

Taliyaha Ciidanka Qaybta 21aad Gen Abdullahi Cirro ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Imtixaanka looga qaadayey, isaggoo soo indho indheeyey sida ay u socdaan howlahaasi.

Qeybta Labaad ee Intixaanka ayaa dhawaan bilaaban doona, waxaa u fariisan doono Saraakiisha sare ee Ciidanka Qaybta 21aad.

 

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka kenya

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay  kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi.

Myanmar oo gacant ku dhigtay 93 qof Rohingya ah oo ku sii jeeday dalka Malaysia

0

Maamulka Myanmar ayaa qabtay doon sidday 93 ruux oo Rohingya ah oo ka cararay xero ku taallay galbeedka gobolka Rakhine,isla markaana doonaayey in ay gaaraan dalka Malaysia,sida ay ku warameen saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Markab ciidan ayaa maalinimadii shalay joojiyay doontaasi,waxayna qabteen 93-ruux oo la tilmaamay in ay ka yimaadeen xerada Thae Chaung ee gobolka Rakhine ,gaar ahaan caasimadda Sittwe .

Moe Zaw Latt, oo ah maamulaha dowladda ee deegaanka xeebta ah ee Dawei oo dhaca koonfurta Myanmar ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah dadkaasi la qabtay dib loogu celin doono halkii ay ka yimaadeen ee Sittwe ,gaaar ahaan xeradii ay ku noolaayeen.

Doontaasi waa tii 3-aad ee u rareyd dalka Malaysia ,isla markaana lagu  qabto  biyaha badda  Myanmar tan iyo bishaan oo ay jiraan dabeylaha monsoon-ka oo abuuray cabsi ku aadan safarka dadka.

Aqoonyahanno cambaareeyay tacadiyada Shinaha ee muslimiinta Uighur

0

SNTV:- Boqolaal aqoonyahanno ah ayaa soo jeediyay in dalalka caalamka ay cunaqabateyn ku soo rogaan dalka Shinaha oo lagu eedeeyay in xerooyin gaar ah oo ku yaalla gobolka Xinjiang uu ku hayo muslimiinta Uighur oo ka mid ah bulsho weynta dalkaasi.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kulan maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Washington, DC,oo ay ka qeybgaleen 278 Aqoonyahan oo ka kala socday dhowr iyo toban dal,kaas oo looga hadlaayey tacadiyada Shinaha ay ku hayaan dadka muslimiinta ah ee tiro ahaan ka yar bulshada dalkaasi.

“Dalalka caalamka waa in ay soo dhoweeyaan dadka magangalyo doonka ah ama waa in qaramada Midoobay ay la timaadaa xeelad lagu badbaadinaayo muslimiinta ama la baaro tacadiyada loo geystay”sidaa waxaa yiri Aqoonyahanadaasi.

Waxgaradkaasi waxa ay qabaan in hadii aan wax laga qaban digniinta ay soo jeedinayaan ay calaamad u noqon doonto in la aqbalo dhibaatooyin iyo tacadiyo ku dhaca dadka maatida ah ee aan wax gllaabsan.

Aqoonyahanadu waxa ay ku baaqeen in Shinaha ay dhameeyaan siyaasadaha ku aadan in xerooyin gaar ah lagu hayo dadka muslimiinta,isla markaana cunaqabateyn la saaro hoggaamiyaasha  dalkasi iyo hey’adaha ammanka ee ku kaca falalka tacadiyada ah ee loo geysto muslimiinta.

Alshabaab isku ekeysiiyay ciidamada dowladda oo la xukumay

0

Muqdisho (SNTV)- Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013.

Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  ay ula baxeen Cuteybah.

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa  codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow.

Waxa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir  20-may 2018.

Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.

12-11  ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali.

Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1-       Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-       Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b-       Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C-    cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.

AKHRISO: HADAL JEEDINTA MADAXWEYNAHA JFS EE SHIRKA DHAQAALAHA BADDA, NAIROBI

0

NAIROBI (SNTV):- HADAL JEEDINTA MADAXWEYNAHA JFS MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO EE SHIRKA DHAQAALAHA BADDA, NAIROBI

Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta,
Madaxda Dowladaha, Marti Sharafta, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo shirkan koowaad ee ahmiyadda weyn leh, kuna saabsan dhaqaalaha badda ee lagu qabtay caasimadan quruxda badan ee Nairobi.

Marka hore, aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku bogaadiyo qabanqaabada shirkan muhiimka ah ee ujeedkiisu yahay soo bandhigidda fursadaha tirada badan ee dhaqaalaha badda iyada oo haddana la dhawrayo biyaheenna si ay uga faa’idaystaan jiilasha soo socda mustaqbalka.

Soomaaliya waxaa suuragal u ah inay inta ugu badan ka faa’iddo dhaqaalaha badda ah si xooggan oo isla markaana waara.

Soomaaliya waa waddan leh muhiimad istaraatijiyadeed, waxayna leedahay xeeb dhererkeedu yahay in ka badan 3,300 km oo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika, kana mid ah kuwa ugu wax soosaarka badan gobolka, fursad weyna u ah warshadaha iyo maalgashiyada la xiriira xeebaha.

Waxaannu leennahay kayd khayraad oo aan la taaban sida kalluunka, saliidda iyo gaaska badda, macdanta iyo khayraadka kale ee badda.

Maamulkaygu waxa uu garawsan yahay in khayraadkan baaxadda weyn ee aan weli la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqala’aanta.

Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran si aan uga faa’idaysanno dhaqaalaha badda ku salaysan, annaga oo dhawrayna deegaanka.

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ku hawlan sidii ay sameyn lahayd iskaashiyo lagu abuurayo, laguna horumarinayo dekedahayaga istaraatijiga ah, sare loogu qaadayo isu socodka gaadiidka badda, cuntada badda, beerashada badda, sifaynta biyaha badda iyo guud ahaan horumarinta macdanta badda. Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa sidoo kale u xilsaaran horumarinta khayraadka badda.

Waxaannu si buuxda uga warqabnaa xiriirka ka dhexeeya nabadda, amniga iyo horumarka waara.

Muddadii dheerayd ee aan khilaafka ku jirnay ayaa shaki la’aan si taban u saamaysay koboca iyo horumarka khayraadka badda ee Soomaaliya.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Mar haddiiba aanu ka hadlayno abuuridda dhaqaale badda ah oo waara, iyo baahida loo qabo maalgashi iyo warshado, waxa lagama maarmaan ah inaanu marka kowaad ka hadalno dhaqdhaqaaqyada aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaheenna.

Caqabadaha ugu badan ee saamaynta ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.

Waxaan rajaynayaa in qodobada ka soo baxaya shirkan uu qayb ka ahaadaan in la iska kaashado xakamaynta dhammaan hawlaha aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaha.

Maamulkaygu waxa uu sii wadi doonaa inuu abuuro iskaashiyo caalami ah si loo xalliyo arrimahan.

Waxaan aaminsannahay in haddii la helo daahfurnaan iyo iskaashi sarreeya, lagana faa’idaysto horumarka dhanka teknaloojiyadda iyo awoodaha satalaytka, aynu awood u yeelan doonno hakinta dhaqdhaqaaqyadan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Nabadda iyo amnigu waxay kamid yihiin ajendayaasha ugu muhiimsan ee maamulkayga.

Waxaan xoojinaynaa dowladnimada, sare u qaadaynaa iskaashiga dhinaca amniga si loo helo xasillooni, oo ay kamid tahay in la helo badweyn iyo xeebo nabad ah. Sidoo kale, waxaannu ka shaqaynaynaa inaan xoojinno adkaygsiga dadka si loo yareeyo saamaynta xun ee isbeddelka cimilada iyo abaaraha joogtada ah.

Dadaalladani waa ay bilawdeen, waxana durba muuqata in guulo laga gaaray.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan xuso in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiyada iyo maalgashiyada la xiriira khayraadka baddeenna hodonka ah.

Waad mahadsanidiin.