Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Garowe lagu so dhaweeyey

Date:

Garowe (SNTV) Wafdiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay ku jireen Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan iyo Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedyada Dalka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland.

 

Guddoomiyaha golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Xakiim Maxamed Axmed Dhoobo ayaa ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Magaaladda Garoowe.

 

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa,wuxuuna sheegay in garoowe  inta ay joogaan kaga qeyb gali doonaan shirka Golayaasha sharci dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,uuna ka rajeynaayo in ay kasoo baxaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

 

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,waxaana uu si rasmi ah uga furmi doonaa magaaladda aroowe maalinta berri ah,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...