Home Blog Page 1079

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kasoo laabtay safar uu ku tegay Switzerland ayaa kormeeray dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, ayaa maamulka sare ee dekadda la qaatay kulamo looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda isaga oo faray in laga fogaado musuq-maasuq iyo maamul xumada.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maamulka dekadda ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan dakhli aruurinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka oo fududaynaysa caafinta daymaha lagu leeyahay dalka.

Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanaayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan hufnaan iyo daah-furnaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dalka Qadar

AMMAAN (SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan, dhiggiisa Dalka  Qadar , Alsayid Axmed Bin Cabdalla Bin Zaid, markii ay halkaa uga qeyb galeen shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta.

Kulanaka ayaa waxay Labada Mas’uul uga wada hadleen  xiriirka Labada Baarlamaan ee  Soomalia iyo Qadar, danaha ay wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya.

Shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta ayaa Shalay ka furmay Caasimadda Dalka Urdun ee Cammaan , wuxuuna socon doonaa muddo Laba Maalmood ah, waxaana cinwaan looga  dhigay Qdus waa Caasismaadda soo jireenka ah ee Dowlaadda Falastiin.

Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay wasiirada waxbarashada maamul goboleedyada

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wasiirada  waxbarashada  maamul goboleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf.

Arrimaha kulankan diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah horumarinta waxbarashada dalka, xoojinta xariirka ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo wasaaraddaha dowlad gobaleedyada.

Wasiirada maamul Gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa soo dhaweyay horumarinta waxbarashada dalka iyo in leeska kaashto si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystiran.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in  kulanka ay diirada ku saareen manhajka, siyaasadda iyo sharciga Waxbarashada,dhismaha xarumaha  iyo tababarka macalimiinta.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray Addis Ababa ,iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya.

Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal oo uu ugu horeeyo Amniga iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

 

Madaxweyne Farmaajo “Way daciiftay awooda agagaxisada Soomaaliya”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in awooda Argagaxisada Al shabaab ay daciiftay isla markaana aysan dagaal kala hor imaan Karin Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo Qaraxyo u adeegsanaya Wiilal ay maskaxda ka xadeen

“Way daciifeen Tabar badan ma lahan, waxaaa ka soo haray kaliya is qarxis meel ciidankeena geesiyiinta ay iskaga hortageen oo ay iska difaaceen malahan, meeshay ciidankeena ku arkaan way ka cararaan iyadoo laga yaabo in ciidankeena aysan heysan qalab ka fiican, waxaa usoo haray inay Baabuurta wax kusoo dhex qariyaan Wiilal ay maskaxda kasoo xadaan dhahaan Janaad galeysaa is dil”.ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyed ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka maadaama dal kasta oo amniga ka hormaray ay shacabkiisa sabab u yihiin.

“Ciidanka kaligood waxba ka maqan karaan Howl wadareed waaye dagaalkan, hadaan laga wada shaqeyn amniga dhalinyaradaas kaligood waxba ma qaban karaan, ciidanka marka wax loo soo sheego ayay wax qabtaan laakiin Magalooyinka Caalamka waxay ku hormariyeen amnigooda Shacabka oo Ciidamada la shaqeeyay”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dagaalka lagu ciribtirayo cadwoga uu u baahan yahay Geesinimo iyo qof kasta inuu Waajib iska saaro ka hortaga cadowga umadda xasuuqaya.

“Dagaalka Al shabaab wuxuu u baahan yahay Geesinimo sida Ciidankeena Geesiyiin u yihiin waa in Shacabkana ay geesiyo noqdaan, waa bini’aadan haday diyaar u yihiin inay dhintaan anaguna waa inaan ogolaanno inaanu dhimano, annagu hadaan dhimano waan shahiidnay maxaa yeelay waxaan u dhimaneynaa wax xaq ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyay kullan uu xalay a qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ambabaxay Addis Ababba

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba.

Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha JFS oo ku ammaanay hay’adaha kaalinta ka qatay u adeegida dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Khamiistii

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kullan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay hay’adahaas kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii birimageydada ahaa ee ay sida waxshinimada ah u laayeen argagixisada Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni, ayna u istaago sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha nabad diidka ah iyaga oo wada shaqeyn buuxda la yeelanaya laamaha amniga.

Marwada Koowaad ee Qaranka oo furtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho (SNTV):-Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa daah-furtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Marwo Saynab oo xafladda furitaanka Shirweynaha khudbad ka jeedisey ayaa hambalyaysay qabanqaabada iyo qabsoomidda shirweynahan lagaga tashanayo aayaha iyo horumarka haweenka Soomaaliyeed.

Marwada ayaa ka tacsiyaysay dadkii Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay qaraxyadii ay arxanlaawayaasha argagaxisada ah ee Alshabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kalena xustay tacaddigii loo geystay Caa’isha Ilyaas oo faraxumayn iyo dil la isugu daray, waxayna dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay u midoobaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dadkii falkaas geystay.

Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka ka dib burburkii dowladda dhexe, waxayna xustay in haweenku qayb libaaxle ka soo qaateen badbaadada dad iyo dalka Soomaaliyeed, iyada oo bogaadisay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraa horumarinta qoysaskooda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa ku baaqday in haweenku ay ku dadaalaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda si ay uga nabadgalaan tacaddiyada loo geysto, iyada oo bogaadisay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu danbayntii haweenka Soomaaliyeed kula dardaarantay inay ku dadaalaan talawadaagga, is-tusaalaynta iyo isu-tanaasulka si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan.

Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa lagu lafo-gurayaa arrimaha haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa shuruucda iyo siyaasadaha dhowraya xuquuqdooda kala duwan.

Maamulka&Shaqaalah Wasaaradda Boostada XFS oo maanta ka qeybgalay Isxilqaan

Muqdisho (SNTV) Iyadoo weli uu socdo barnaamijka isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay maanta ka qeybgaleen ololahaasi.

Kaltanka ayaa maaanta waxaa uu ahaa dib u dhiska xarunta Maktabdda Qaranka,halkaasi oo mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Boostada ay kaga qeybgaleen barnaamijk aisxilqaan,maamulka wasaaradda ayaa shaqaalaha ku ammaanay kaalintoodi ku aadan dib u dhiska xarumaha danta guud.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostad,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/casiis Duwane Isxaaq ayaa warbaahinta Qaranka ugu waramay ololaha maanta ay ka qeybgaleen,isagoo xusay in ay tahay wejigii afaraad oo ay iga bilaabeen.

“kaltankii afaraad ee Isxilqaan,kaltankii ugu horeeyey wasaaradda Boosatad a iyo ISgaarsiinta ayaa daah furtay,anaga ayaa maantana nalaku furay markii afaraad,waad u jeedaan shaqaalihii wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada waxaa ay wadaan shaqadii si dar dar leh,runtii ilaa iyo saaka sidii ay u soo galeen waxaad moodaa in shaqadii loo igmaday ay gebo gebo u mareyso,waxaana u mahadcelinaysaa dhamaan shaqaalaha oo ka qeyb qaadanaya barnaamijka isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud,anaga wasarada ahaan waxaan u diyaarsanahay in aan is abaabulno,waxaan aad ugui faraxsanahay in barnaamijkii isxilqaan uu meel fiican marayo,maanatan waxaan ka shaqeynaynaa Maktabada Qaranka”. Ayuu yiri agaasime C/casiis.

Barnaamijka Isxilqaan oo uu ku baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si habsami leh u socda,kaasi oo loogu talagalay in dib loogu dhiso xarumaha danta guud.

Wasiir ku-xigeenka Gar-gaarka oo la kulmay wafdi ka socda Malaysia

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa  soo gaaray wafdi ka socday dalka Malaysia gaar ahaan Hya’adda Islaamic relief,kuwaasi oo u yimaadey sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen qorshe ay ku doonayaan mashaariic horumarineed oo dhanka gar-gaarka ah oo ay ka fulin lahaayeen goobaha dhibaatooyinka ay ka jiraan ee gobolada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya iyo agaasimaha guud ee wasaarada ayaa soo dhoweeyey xubnaha wafdigaasi,waxaa ay Muqdisho ku yeesheen kulan xog wareysi ah oo ku aadan ujeedka socdaalkooda.

Seyruu Shaafidiin Seynul Cabidiin oo ah madax hay’adaasi ee Soomaaliya oo wafdigaasi hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin dhiiro gelinta howlwadeenadoodi Soomaaliya oo ku guuleystay in ay fuliyaan mashaariic badan,sidii kale in ay soo qiimeeyaan deegaanada kale oo ay baahiyuhu ka jiraan,si ay kaalin uga qaataan dhaqaale u raadinta gar-gaarkaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gar-gaarka Mudane Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulankooda.

“Waxaan soo dhoweynay wafdigan ka socday Islamic Relief oo ka shaqeysa gar-gaarka iyo caawinta dadka danyarta ah,waxaan galnay shir aan isaga xog wareysanayanay ujeedka socdaalkooda,waxaa ay inoo sheegeen in deegaano badan ay tagi doonaan,iyagoo wada qiimeyn ku aadan baahiyaha,si loo helo dhaqaale uruurin oo dadkaasi lagu caawinayo,anagadna dowladda maadaama aanu nahay waa in aan ogaanaa hay’adaha fulinaya mashaariicda,sidaasi darteeda ayaan u qaabilnay”. Ayuu yiri wasiir C/rashiid.