HORDHACA: Kulanka Jeenyo iyo Jazeera

Date:

Kulanka ugu horeeya Todobaadkan Maalinta berito ah waxaa wada Ciyaaraya kooxaha Jeenyo iyo Jazeera, Labada Kooxod waa kulamadoodii ugu danbeyay ee wareega hore Horyaalka Soomaaliya.

Jeenyo iyo Jazeera waa labada kooxod ee la kulmay guuldarooyinka ugu badan Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan, Jeenyo waxay lumisay 7 kulan Sideed kulan oo ay soo Ciyaartay halka Jazeera laga adkaaday 5 Kulan Sideed kulan oo ay soo Ciyaartay.

Jeenyo waa kooxda kaliya ee laga adkaaday 7 Kulan dhamaan Tobanka kooxod ee ku tartamaya Horyaalka, Sidoo kale waa kooxda kaliya ee aanan hal kulan barbaro gelin dhamaan Kulamada ay Ciyaartay.

Hal kulan oo quraa ayeey adkaatay dhamaan sideed kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan, waana markii ugu horeysay oo sidaan ay ku dhacdo Kooxda Jeenyo tan iyo markii ay ku soo biirtay Horyaalka Soomaaliya.

Guuldarooyinka Kooxda Jeenyo ayeey sabab ugu dhigeen Bulshada Ciyaaraha in Kooxda ay la soo diristay dhaqaale la,aan aad u xoogan waxaana sabab ay u noqotay in dhibcaha kooxda ay ku tashtaan kooxaha kale.

2017-kii ayeey ahayd markii kooxda ay lumisay 7 ka mid ah safka hore ee kooxda, Waqtigaasi wiixi ka danbeyayna kooxda waxay ahayd mid la daala dhaceysay guuldarooyin aysan qaadin Karin Jamaahirta Kooxda Jeenyo oo xili ciyareedkan u muuqda mid Kooxdooda sababi karta in at u laaban karta Horyaalka Heerka labaad ee dalka Hadii aysan sidaan wax iska badalin.

Dhanka kale Jeenyo ayaa sidoo kale ah Kooxda goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya, 24 gool ayaa laga dhaliyay waxaana lix gool ay dheer tahay kooxda Jazeera oo ah Kooxda Labaad ee goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya oo ay la Ciyaari doonto kulankeeda ugu danbeeya wareega hore ee Horyaalka Soomaliya 08/04/2019.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka: Horyaalka Soomaaliya

Kooxaha: Jeenyo Fc VS Jazeera

Garoonka: Banadir Stadium

Tariikhda   08/04/219

Saacada:  3:30

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...