Tubaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oo Dhidibada Loo Taagay

Date:

Muqdisho (SNTV):-Howl-wadeenno iyo khuburo ka socda xafiirka Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya oo maalmahaan ugu sugnaa magaalada Baydhabo daadejinta tubaha qaranka ayaa ku guulaystay in ay dhidhibada u taagaan tubaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Khuburada iyo howl-wadeennada kale ee ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku jiraan mas’uuliyiintii tubaha qaranka, ayaa waxa ay Koonfur Galbeed u tababareen howl-wadeennadii tubaha mas’uul uga noqon lahaa si loogu guulaysto halbeegyada ku jira tubaha.

Dhammaan wasaaraha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu kala daray guddi hoosaadyada shaqooyinkooda lagu saleeyay afarta tubood iyo halbeegyadooda, kuwaas oo horumuud u noqn kara wadajir in looga shaqeeyo fulinta danaha shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay meel mariyaan tubaha loo sameeyay Koonfur Galabeed.

Dhawaan waxaa lagu guulaystay in dawlad gobaleedka Hir-shabeelle loo sameeyo afarta tubood ee kala ah: Amniga iyo cadaaladda, siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa ayna Koonfur Galbeed noqonaysaa dawlad gobaleedkii labaad ee laga hir-geliyo tubaha arrintaas oo qayb ka ah daadejinta shaqooyinka dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...