Home Blog Page 1075

Al-Shabaab oo Dad ka Af-duubtay Gal-gaduud

0
Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa Wiil iyo Aabbahii ka Af-duubtay  degaanka Gal-Qoryaale oo hoos taga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Labada Nin ee ay Al-Shabaab Afduubteen ayaa  lagu kala Magacaabo jiray, Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihii C/raxmaan Xersi Warsame.

dadka degaanka ayaa sheegay in ay Maalmo ka hor weydiisteen Xoolo iyo Lagaco balse ay ka Biyo diideen labada nin ee la Afduubtay, Alshabaab ayaa cadeeystay in ay fuliyaan falaal ay dadka ku argagax galinayan kadib marka ay kasoo horjeedistan xoolaha ay ka doonayn  falaalka guracan  ee dhaqanka u ah kooxda dhagarta u saaxiibka ah ay intaa badan waxay ku waxyeeleyaan dadka Shacabka ee ka ogdhow degaanada ay naf lacaariga ku yihiin.

Bulshada  degaanka ayaa sheegay  in shabaab ay dadka ugu caga jugleyna Afduub iyo dil hadi ay bixiinwayn bada ay malleeshida Al-Shabaab  cadeystay .labada nin ee isdhalay  oo ay ka wateen  Galqoraale waxay ula dhaqaaqeen dhinaca degaanka Ceel-garas.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay halkaasi u direen Ciidamo, si loogu soo furto Gacanta Kooxda Argagixisada ah Dadka ay qafaasheen.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka isdhexgalka iyo kobcinta dhaqaalaha Afrika

0

SNTV:–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala.

Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo argagaxisada.

Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).

Toos:-Ra’iisul wasaaraha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Mudane Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbalnd iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalo xeebeedka Kismaayo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu la kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Hadaba halkan Hoose ka daawo soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda oo dhagax dhigay dhismaha xarunta ilaalada canshuuraha

0

wasiirka  maaliyada soomaaliya ayaa dhagax dhigay xaruumo loo adeegsanyo Aaladaha bixiinta canshuuraha dalka waxay qayb ka yihiin horumarinta adeegyada canshuuraha.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu horeyn dhagax dhigay dhismaha xarunta  ciidanka ilaalada  canshuuraha kuwasoo loo yaqaan turubataariyada iyadoo saldhig u noqon doonta hannaanka hagaajinta qaadista canshuurah.

“ Waan ku faraxsanahay in aan dhagax dhignay xaruntii canshuur ilaalinta  ama turabataariyo ciidanka ee canshuurta qaada,ayaa gundhiga u ah uruurinta  canshuuraha iyadoo la raacayo sharciga dalka u dhigan,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi xasan Bariise oo uga Mahad celiyay dadaaalka Wasaaradda Maaliyadda dhismaha xaruntan ayaa ka hadlay muhiimadeeda.

Wasiir MAaliyadda ayaa sidookale kale dhagax dhigay dhismaha  machadka dhaqaalaha dalka iyo 5 xarumood kale oo loogu talagalay canshuuraha waxaana uu tilmaamay dhismaha shirkadaha maxaliga ay u tartameen kuna guuleysteen shirkadaha ka shaqeyanaya oo la filayo inay dhismaha dhameystiraan bisha  Luulyo ee sanadkaan.

“ Waa sharaf iyo karaamo, waana meeshan dhexe ilaalinta canshuuraha,waa halka ciidanka ilaalada canshuuraha, sidan marar badanba idin kugu sheegay wuxuu si toos ah ula shaqeeyaa Wasaaradda Maaliyadda,dakhliga uruurintiisa iyo xafidida goobtii la geeyo,ciidankii u tababarnaa oo aqoonta u lahaa waaye,” ayuu yiri Generaal Bariise.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay sidoo kale dhagax dhigeen ilaa shan xarumood oo loogu talgalay in canshuuraha, dhanka kalan waxa qayb ka ahaa xarumaha maanta ladhagax dhigay  machadka dhaqaalaha dalka,waxaana uu tilmaamay in ay dhismaha shirkadaha maxaliga ku tartameen kuna guuleysteen shirkadaha ka shaqeyanaya ayaa lafilaya in ay soo dhammeystiraan bisha Luuliya ee sanadkaan.

Dhismaha xarumahani oo loogu talagalay canshuur qaadista ayaa ku soo beegmaya xili Soomaaliya ay sameynayso kobac dhaqaale oo xooggan daqliga dowladda soo gala oo ay masuul ka tahay wasaaradda Maaliayadana uu kordhay sanadkii  tagay 31%.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil

0

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa ka tacsiyeey  geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo dhawaan  ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka isu taga imaaraadka Carabta, iyadoo  aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho.

“Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, marxuumka rabi naxariistiisa haka waraabiyo,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka wada siiyo, anagana gadaashiisa Illaahey nama fidneeyo” Ayuu yiri Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliiya ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Wasiir Xoosh Jibriil uu kaalin wanaagsan kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana dowr muuqda ku lahaa sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyn dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

“Allaha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa muwaadin ay quluubtiisa ku weyn tahay  in dalkeenna uu horumar gaaro, islamarkaana aan gaarno horumar dowladnimo,isagoo inta uusan geeriyoon ka shaqeynayay howlaha dib u eegista iyo dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka” ayuu hadalkiisa kusii daray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan Magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday, waxaa  Aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho maalinti shalay ee indhaftay waxa uu ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya,isagoo Sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay.

R/wasaare Khayre oo ku wajahan Kismaayo iyo qaban qaabada soo dhaweyntiisa oo halkaasi ka socota

0
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dawlad gobaleedka Jubaland ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhawaynayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta  wajahan halkaasi.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland,iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kaladuwna ee magaaladaasi,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.

Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland,  lagu muujinayo soo dhawaynta heerkeedu sarreeyo ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay qaybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay Qaban-qaabada loogu diyaar garoobayo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada, wadajirka, horumarinta iyo soo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida kooxaha argagaxisada ah looga sifayn lahaa deegaannada ay dalka uga suganyihin.

Did you like this? Share it:

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya

0

Muqdisho (SNTV):- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

“Waxa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku tagay Baydhabo

Baydhabo (SNTV):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) oo uu wehliyo Ku xigeenkiisa Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa Safar shaqo ku tagay Magaalada  Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha ayaa waxaa Garoonka Shaati guduud kusoo dhoweeyay qaar kamid ah Wasiirada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laanta 3-aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud iyo ku-xigeenkiisa ayaa xarunta madaxtooyada  Koonfur Galbeed kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana laga kwada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Hay’adda socdaalka Jinsiyaddaay ka heyso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta hay’adda iyo maamulka.

Agaasimaha ayaa kormeer ku tagey qaar ka tirsan xaafiisyada Laanta 3-aad, wuxuuna warbixino ka dhageystay Saraakiisha Laanta, isaga  oo ku dhiira geliyay in ay shaqadooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo ku jirto.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo booqday goobta shilka diyaaradeed uu ka dhacay

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo si loo ogaado waxyaabaha sababay shilka diyaaradeed loona qanciyo ehalada dadkooda ku geeriyooday shilka.

Rakaab gaaray 149-ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaaradda ah ayaa saarnaa waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.

Shirkadda Ethiopian Airlines waxay xaqiijisay inay wada geeriyoodeen 149-kii rakaabka ahaa iyo 8 shaqaalaha ee saarnaa Diyaaraddii ku burburtay nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Rakaabka Diyaaradda saarnaa ayaa lagu sheegay iney ka soo kala jeedaan 33-dal,waxaana goobta diyaaradda ay ku bur burtay gaaray kooxo ka socota shirkadda Ethiopian Airlines,kuwaasi oo wada howlo lagu qaadayo meydadka goobta yaala.

32-Kenyan ah,18-Qof oo u dhashay dalka Kanada,9-Ethiopian ah,8-dalka Shiinaha u dhashay,8-Mareynkanka u dhashay iyo 7-ruux oo muwaadiniin Britain ayaa ka mid noqday dadkii ku geeriyooday shilka diyaaradeed,sida lagu sheegay war ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Janaasada Iyo Aaska Qaran Ee Wasiirkii Arrimaha Dastuurka XFS

 Maarso 10, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.

Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo.

Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.