Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Diiradda Lagu Saaray Dhammeystirka Xafiisyada Guddida Doorashooyinka “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay Muqdisho.

Muqdisho (SNTV) Kulanka tubta siyaasadda loo dhanyahay ee maanta ayaa looga hadlay dhammaystirka xafiisyada goballada ee guddiga madaxa baannaan ee doorashooyinka qaranka iyo astaynta goobaha ugu habboon ee lagu diiwaan gelin karo codbixiyaha.

Shirka ayaa la iskula gartay dardar-gelinta dhammeystirka xafiisyada guddida madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ay ku yeelanayaan maamul goballeedyada iyo astaynta goobaha ugu habboon ee diiwaan-gelinta codbixiyaha.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka iyo Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorashooyinka 2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...