Warsaxaafadeed: Waqtiga la qabanayo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo,iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April waxayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.

Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “ Lafta gareen” iyo Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ Kornel Ruush”.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.

Linkiga hoose ku dhufo si aad u akhrisato Warsaxaafadeedka Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka uu soo saaray.

WAR-SAXAFADEEDKA-GUDDIGA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...