Home Blog Page 1074

Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

0

Muqdisho (SNTV) Wafdigan oo uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedada socdaalka wafdigan madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) oo ay kamid yihiin xubno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ah sidii uu halkaasi uga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Dalka dib ugu soo Laabtay

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib Safaro shaqo uu ku kala tagay Dalalka Jordan iyo Turkiga.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Dalka Jordan kaga qeyb galay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta, isagoo Khudbad uu ka jeediyay madaxda Baarlamaanada Carabta ugu sheegay in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka looga baahan yahay in si wadajir ah ay u wajahaan ciribtirka Argagaxisada si looga hortago qataraha iyo xasuuqa ay ku hayaan shacabka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan Xog-waraysi Ah La Yeeshay Dhalinyarada Kismaayo

Kismaayo (SNTV): –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Kismaayo kulan xog-waysi ah kula yeeshay dhallinyarada ku nool magaalada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada u sheegay in hoggaanka dalku uu muhiimmad gaar ah siinayo arrimaha dhallinyarada ayaa uga jawaabay su’aalo ay ka waydiiyeen xiriirka dawladda dhexe iyo dawlad gobaleedyada, qorshaha amniga, waxbarashada, caafimaadka, doorashooyinka, Shaqo abuurka dhallinyarada, Kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga, iyo barnaamijka Cafinta daynta lagu leeyahay dalka.

Dhammaan mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in laga doonayo wada shaqayn buuxda ayna mas’uuliyadi ka saarantahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, isaga oo intaa raaciyay in ummadda Soomaaliyeed kula xisaabtamayaan inta ay xilka hayaan waxa ay dhisaan iyo waxa ay qaldaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Sugidda amniga ay ku xirantahay hagaajinta dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, isaga oo intaa raaciyay in shaqo la’aanta dhalinyarada, musuqa, qabyaaladda, nin jeclaysiga ay qayb ka qaadanayaan amni darrada, loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo hannaankii wax looga qaban lahaa.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu kulanka la yeeshay u sheegay in dawladdu ay dib-u-habayn ballaaran ku wado dhaqaalaha, ciidanka qaranka, siyaasadda iyo horuamrinta arrimaha bulshada si loogu guulayso himilada ummadda Soomaaliyeed, loona jeexo waddadii horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada u cadeeyay in hagaajinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed ay ku xirantahay sida waxbarasho tayo leh dalka looga hir-geliyo, arrintaasna ay dawladdu dadaal badan gelinayso.

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Dugsiga Tababarka Militariga ee Kabamba

0

KAMPALA (SNTV)-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormaaray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda.

Saraakiishan uu tababarku uga socdo Xerada Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda ayaa tiradoodu ku dhawdahay 100, waxaana la filayaa in ay bartamaha sanadkan dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan dhismaha iyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dhiirrigelin u sameeyay saraakiishan ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso sidii saraakiishan iyo kuwa lamidka ah ee tababarrada ku maqan ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Argagixisada ah.

Dhankooda, saraakiishan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay inuu arko tababarka ay qaadanayaan, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Kampala, waxaana maalinta berri ah uu khudbadda xiritaanka ka jeedinayaa shir diiradda lagu saarayo arrimaha nabadgalyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Qayb Galay Munaasabadda Daah-furka Horumarinta Dhaqaalaha Gobalada Dalka

Kismaayo; –Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dawlad gobaleedka Jubaland uga qayb galay munaasabadda Daah-furka Mashruuca Horumarinta Dhaqaalaha Goballada dalka ee (ILED)

Munaasabadda lagu daad-furayay mashruucaan oo muhiim u ah umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DFS iyo Wasaaradaha Qorsheynta Dowladd gobaleedyada, wakiilka midawgaYurub ee Soomaaliya.

“Muhiim ayey ii tahay in aan arko hindisaha nuucaan oo kale ah, sababta oo ah laf-dhabarta siyaasadaha dalkeenna waa in aan hagaajinno dhaqaalaheenna. kobcinta dhaqaalaha waxa ay noo tahay muhiimadda koowaad”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Midawga Yurub ayaa mashruucaan ku bixinaysa 83 Milyan Yuuro, waxa uu qayb wayn ka qaadanayaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DFS, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa mashruucaan u saxiixay dawladda, dhanka midawga Yurub iyana waxaa u saxiixay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland

0

Muqdisho (SNTV)- Ku-simaha Madaxeweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dawlad Goboleedka Puntland oo maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho.

Kulan ay yeesheen ayey uga hadleen iskaashiga golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Intaasi ka dib ayaa waxa ay si wadajir ah ay u kormeereen xarunta KMG ah ee uu golaha shacabka ku shiri doono, taasi oo inta laga dhisayo xarunta weyn ee golaha shacabka oo dib u dhis uu ka bilaaban doono Marka xarunta kmg ah la dhameystiro.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ee Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Xakiin Axmed Maxamed ayaa uga mahad celiyay shacabka soo dhoweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha JFS oo magaaladda Kampala uga qeyb galay Furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now.

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now oo maanta ka bilowday magaalada Kampala.

Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.

Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Muqdisho (SNTV)-Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaaladda Muqdisho,waxaana kusoo dhoweeyay Wasiirka wasaaradda Difaaca iyo Abaanduullaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana kulanka ka qeyb galay wasiirka gaashaandhigga iyo Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay diyaar u yihiin difaaca qaranka iyo gudashada waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan iyo Taliska ciidanka xoogga dalka ay wadaan diiwan gelinta Ciidanka xoogga dalka oo hadda meel gabogabo ah mareysa.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga dalka howlaha ay dadka iyo dalka u hayaan, wuxuuna sheegay in madaxda qaranka ay ku dadaali doonaan siddii ciidanka xooga dalka ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waa In Aan Leenahay Qorsha Shaqo Oo u Adeegaaya Dadka Oo Dhan”

Kismaayo (SNTV) –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeeray xarumaha wasaaradaha Jubaland ee arrimahha gudaha, maaliyadda, Dalxiiska, kalluumaysiga, xanaanada xoolaha, Hawlaha Guud iyo Dastuurka, ayaa sheegay in yagleelidda qorsha shaqo oo dadka oo dhan u adeegaya uu muhiim u yahay mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo wada shaqaynta dawladda federaalka iyo guud ahaan dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah.

Kormeerka oo ay Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyeen madaxwaynaha Jubaland, wasiirrada amniga iyo Kaluulaysiga XFS, taliyeyaasha ciidanka Booliiska iyo milateriga ayaa qorshihiisu ahaa u kuur gelidda shaqooyinka ka socda wasaaradaha, caqabadaha iyo baahiyaha ka jira.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay hadda in aan leenahay nidaan cusub oo lagu shaqeeyo, maadaama marka aan kulligeen hal dal wada nahay, dawlad nahay Soomaaliyeed, dad Soomaaliyeed u adeegno, horta waa inaan si waxa yar ee aan haysanno loogu bixiyo sida ugu habboon ugu hufan, dadkana loo gaarsiiyo waa in aan leennahay qorsha shoqo oo u adeegaaya dadka oo dhan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Maadaama dawladdu ay leedahay nidaam ay ku shaqayso aanna billaawnay dawlad gobaleedyada dhan in aan u drino wasiirro iyo hawl-wadeenno, waxa aan rabnaa in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirrada ila scoda iyo adinku aad keentaan qorshayaal wax ku ool ah si marka aan laabanno aan ula laabanno shaoqooyin aan qaban karno oo aan isku ognahay adinka iyo annaga”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa lix kamid ah wasaaradaha uu maanta kormeeray oo leh xaruma cusub oo ay ku shaqeeyaan waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu dhagax dhigay sannadkii 2017-kii, xilligaas oo Kismaayo lagu qabtay shirka golaha wasiirrada.

 

Ciidamada amniga oo weeraray saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Shabeellada hoose.

0

Muqdisho-(SNTV)-Hawlgal qorshaysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen Habeennimadii Xalay, kana dhacay degaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu dilay 8 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Degaanka Daaru-salaam ayaa Argagixisada Al-Shabaab u ahayd muhiim, halkaas oo ay ku diyaarinjireen Qaraxyo, waxanay sidoo kale u ahayd Il dhaqaale oo ay ku uruursan jireen Lacagaha baadda ah ee ay ka dhacaan Shacabka.

Ciidamada amnigu Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay muwaadiniinta wanaagsan ee ka Gacan siiyay dagaalka ay kula jiraan cadawga, waxana sheegeen in ay ugu tagayaan Argagixisada goobahooda kana qaadayaan tallaabada ku habboon.

Majirto waxyeello kasoo gaartay Shacabka howl-gallada lagu baacsanayay Kooxda Al-Shabaab, kaas oo kusoo dhammaaday si guul ah.

Waa hawlgalkii Sadexaad muddo Toban bari gudahood ah oo ay Ciidanada Qaranku ka fuliyeen goobaha ay joogaan  Al-Shabaab, kaas oo muujinaya sida ay Ciidamadu u awoodaan in ay ku beegsadaan argagixisada goob kasta oo ay joogaan