Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Wasiirka Cusub ee Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha Kula Dardaarmay Dardar-gelinta Shaqooyinka Mudnaanta Leh

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta faray wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, dardar-gelinta qorshayaasha wasaaradda si loogu guulaysto hadafyada waawayn ee dawladdu ka leedahay horumarinta dalka.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar) ayaa cadeeyay in biyuhu ay yihiin furaha waraabka, daaqsinta, dhismaha iyo qurxinta dalka, ayna muhiim u tahay in si wanaagsan loo maamulo biyaha dalka, si looga faa’iidaysto, waxaa kale oo intaa uu raaciyay in tamartuna ay halbowle u tahay dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxa uu maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Tamarta iyo biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, iyo ku-simihii wasaaradda, ahna wasiir ku-xigeen, Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...