Home Blog Page 1076

Ciidamada Ammaanka oo hub kala duwan ka furtay Maleeshiyaadka Alshabaab

Muqdisho (SNTV):-Ciidamada Amniga ayaa Ka furtay hub kala duwan kooxda Argagixisada al-Shabaab Ka dib hawlgal ay Ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Habeenimadii 09-kii bishaan Maarso ayay Ciidamadu weerar Ku qaadeen Xaafadda Hantiwadaag halkaas oo markiiba ay Ka carareen maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.

Ciidamadu waxeey gacanta Ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah kaas oo argagixisadu u isticmaalaysay waxyeelada dadka Soomaaliyeed sida SONNA ay xogtan ku heshay.

Cidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa 7-dii bishan howgal qorsheysan ku dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab degaanka Gamboole ee Gobolka Shableellada Dhexe.

Xoghayaha Joogtada Ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo La Kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubaland

Kismaayo (SNTV):-Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka.

Shirka ay yeesheen xoghaye Axmednuur iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyay isku tashiga, qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaranku ku jirto ee loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan ka tarjumayn danta mawaadiniinta, ayna soo dejiyeen dad aan Soomaali ahayn.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal barwaaqo ah, hadii la isku tashado oo si wadajir ah dadaal badan loo sameeyana laga baxayo faqriga iyo gaajada dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa billaawday in tubaha qaranka ee afarta ah ay u daadejiso heer dawlad gobaleed si ay u qaataan dawrkooda ku aadan dhaqan gelinta halbeegyada iyo howlaha tubaha, loogana dhabeeyo himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

Qaban-qaabada soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kismaayo laga dareemayo

Muqdisho (SNTV):- Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dawlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan ku wajahan.

Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland,  lagu muujinayo soo dhoweynta heerkeedu sarreeyo ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay qaybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay Qaban-qaabada loogu diyaar garoobayo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha Qaranka, iyaga oo sheegay in socdaalka muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada, wadajirka, horumarinta iyo soo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida kooxaha argagaxisada ah looga sifayn lahaa deegaannada ay dalka uga suganyihin.

Gaadiidka Xamuulka ee ciriiriga ku hayo wadooyinka Muqdisho oo la yareynayo

Muqdisho (SNTV):- Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hoggaanka sare ee maareeyaha Dekadda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xiriira Gaadiidka xamuulka oo mashquul xooggan ku hayo isticmaalka Wadooyinka caasimadda.

Mas’uuliyiinta kulanka u dhaxeeyay ayaa saacado badan ka dooday in gaadiidka Xamuulka uusan maalintii ka howlgeli Karin wadooyinka magaalada Muqdisho,islamarkaana ay shaqeyn karaan keliya habeenkii si ay u fududaato isticmaalka wadooyinka gaadiidka iyo Bulshada Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya iyo taliska Booliska Soomaaliyeed uga mahad celiyay sida ay uga go’an tahay in xal waara laga gaaro mashquulka ka jira wadooyinka magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay iney go’aan ku gaareen in la yareeyo saxmadda gaadiidka ee wadooyinka Muqdisho,islamarkaana la adkeeyay in Dekadda Muqdisho xilliyada habeenkii oo hadda ay shaqeyso in la xoojiyo,islamarkaana gaadiidka xamuulka habeenkii ay shaqeeyaan si ay u yaraato mashquulka wadooyinka caasimadda Muqdisho.

Howl-gal lagu dilay Hor-joogayaal Al-Shabaab ahaa oo ka dhacay Gobolka Shableellada Dhexe.

0

Muqdisho-(SNTV)- Ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, markii ay howl-gal wada jir ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Shableellada Dhexe.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhig ay Malleeshiyada Al-Shabaab ku lahayd degaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay kasoo abaabuli jireen qaraxyada lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah.

Weerarkan ay sida wada jirka ah u fuliyeen Ciidamada ammaanka iyo saaxiibbada Caalamka saqdii dhexe habeenimadii 7-da Bishan Maarso ayayna jirin wax qasaara ah oo kasoo gaaray Dadka degaanka ku dhaqan, wuxuuna howl-galkaasi kusoo dhammaaday si guul ah.

Ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka go’an in ay sii wadaan howl-gallada qorshaysan ee  lagu Dhabar-jebinayo Argagixisada Al-Shabaab.

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran Ee Allaha U Naxariistee Wasiir Xoosh oo Diyaariyay Qorshaha Aaska

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka war bixiyay kulamo ay yeesheen oo ay ugu arrinsanayeen diyaar garoowga keenidda Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh iyo aaska loogu samaynayo Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Ciise Cawad, oo ka war bixiyay kulamada ay yeesheen guddigu oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, ahna guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u diyaariyeen aaska qaran ee loo samaynayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa shalay magacaabay guddiga Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka.

Wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo shalay ay ku timid geeri naxdin leh ayaa dawladdu u qorshaysay in loo sameeyo aas Qaran.

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dadkii ku jiray guri xalay qarax ka dhacay

Muqdisho (SNTV) Qarax xooggan ayaa xalay laga maqlay guri ku yaalla Degmada Howlwadaag, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku dhow Warshadda IVECO oo ku taala Jidka Warshadaha.

Si dhab looma oga qaraxa inuu ahaa mid guriga lagu diyaarinayay iyo in kale, waxaana qaraxa la maqlay abaarihii 11-ka Habeenimo ee xalay.

Ciidamada ammaanka ayaa isla xalay ku baxay guriga uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la soo qabtay dadkii guriga ku jiray, ayna Ciidamada amniga isku gedaameen guriga iyo agagaarkiisa.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ku dhawaaqay guddi heer Wasiirro ah oo diyaariya Aas Qaran

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran diyaariya.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah.

1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed

2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad

3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow

4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre

5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle

6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi

7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya

Marxuum Cabdi Xoosh wuxuu aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka.

0

Maarso 8, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.”

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay.

Boliiska Kenya oo Gacanta ku dhigay xarun lagu tababari jiray Al-Shabaab

0

Nairobi-(SNTV)- Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Guriga ay baaritaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ay isticmaalaan, Daacish, Al-Shabaab iyo Boko Haram.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Kwale, Tom Odero, ayaa Jariiradda the Star u sheegay in ay goobtan ka mid ahayd meelaha wax lagu baro dhaq-dhaqaaqyada Argagixisada ah, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah qoraallada lagu turjumay Afka Sawaaxiliga,  si ay u aqristaan.

Mr; Odero , ayaa tusaale usoo qaatay mid ka mid ah qoraallada la tarjumay oo ahaa ‘tuko tayari kwa vita’, oo uu macnaheedu yahay ‘diyaar ayaan u nahay dagaal.’ Taas oo u fududeynaysa in ay si sahlan u  qaataan Afkaarta Xagjirnimada” ayuu yiri.

Boliiska la dagaallanka Agragixisada Dalka Kenya ayaa sheegay in aysan Cidina ku sugnayn xilligii uu howl-galku dhacayay, balse ay tuhunsan yihiin in ay wax yar un ka hor ka baxeen Guriga Kooxihii halkaa ku sugnaa.