Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan UNICEF “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan la qaatay  ku xigeenka wakiilka hay’adda UNICEF iyo madaxa qeybta waxbarashada hay’addaasi.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ku xigeenka wakiilka hay’adda UNICEF iyo madaxa qeybta waxbarashada hay’addaasi, kulanka waxaa igu wehelinayay xubno ka tirsan Wasaaradda, arrimaha ka wada hadalnay waxaa ka mid ah mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka Waxbarashada’ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday hay’adda UNICEF uga mahad celiyay tageerada  ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markasta waxay dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...