Home Blog Page 1068

Wasiirka Arrimaah Gudaha XFS oo gaarey Dhuusa-mareeb

0

SNTV:-Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlada goboleedka Galmudug.

Waxaa ku soo dhaweyeey garoonka diyaaradaha magaaladaasi mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Goboleedka Galmudug iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka wasiirka arrimaha Gudaha ayaa la xiriirta sidii uu kulamo kaladuwan uu ula qaadan lahaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug,odayaasha Dhaqanka.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa xaqiijiyay in uu kulamo la yeelanayo madaxda dowlada goboleedka Galmudug iyo bulshada.

Israa’iil ayaa fulisay weerarro ay ku bartilmaameed sanayso goobo ay Xamaas ku leedahay marinka Qaza

0

Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa  xafiiska  madaxa siyaasadda ee Xamaas iyo xarunta sirdoonka ee ururkaas leyahay.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in toddobo ruux ay ku dhaawacmeen weerarradaas.

Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa ku eedeeysay in ay  Xamaasta  Qaza maamusha ay gantaallo ku soo riday bulshada Israa’iil ee ku sugan Mishmeret, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen toddobo ruux.

“Israa’iil u dulqaadan mayso arrintaas, una dulqaadan mahayo arrintaas,” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo saxafiyiin kula hadlay magaalad Washignton, hadalkaas ayuuna sheegay intii ay socotay xafladda loo qabtay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si rasmi ah ugu aqoonsaday in Israa’iil u madaxbanaan tahay buuraha Golan Heights oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee sannadkii 1967-dii.

“Israa’iil awood ayay kaga jawaabi doontaa weerarkan aan loo meeldayin,” ayuu intaas ku sii daray Netanyahu oo soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Maraykanka.

Trump ayaa weerarkaas cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid nacayb ku salaysan” wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku “uu aqoonsan yahay xaqa aan gorgortanka lahayn ee Israa’iil ay u leedahay in ay is difaacdo”.

Ilaa iyo hadda ma jirto koox Falastiiniyiin ah oo sheegatay in ay weerarka gantaallada ka dambaysay. Masuul Xamaas u hadlay oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay “in aysan xiiso u qabin” in ay arrintaas sameeyaan.

Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyey

0

SNTV;-Lataliyaha Koowaad ahna Kusimaha Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed ayaa ku sagootiyey Garoonka Caalamigga ee Khartoum qaxooti Soomaaliyeed oo go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda.

Kusimaha Safiirka ayaa ku bogaadiyey go’aanka geesinimada ah ee ay qaateen muwaadiniintaas Soomaaliyeed, isagoona ku dhiirri geliyey rajada wanaagsan ee ay ku qabaan dadkooda iyo dalkoodda.

“Muddo 4 biloodd ah kaddib waxaa caawa inoo suurta gashay in ay mira dhal noqdaan dadaaladii ku qotomay in aad dib ugu noqotaan dalkeenna, iyadoo la idiin rumaynayo yadadiiladiina ay ku dheehantahay wadaniyaddu.”

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan oo 78 qof ahaa ayaa ka kala yimid xeryaha qaxootiga dalalka Ereteria iyo Suudaan, badankoodna waa ilmo yar yar oo ku dhashay xeryahaas.

Dhankooda, Muwaadiniintan go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka joogtada ah ee lagu bixiyey xal u helista dhibaatooyinka ku haystay xeryaha qaxootiga, iyagoona muujiyey farxaddooda ku aadan in dib loogu celiyo dalkooda.

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeerey iskuulka Bartamaha

0

Muqdisho (SNTV) Kusimaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ahna wasiir kuxigeen,wasiiru dowlaha Wasaradda Waxabarashada ahna kusimaha wasiirka ayaa maanta si wada jir ah u kormeerey Iskuulka Bartamaha ,halkaasi oo laga hirgeliyay mashruuc laxiriira biyo nadiif ah oo loogu talagalay in ay cabaan ardayda,si caafimaadkoodi loo ilaaliyo.

Mas’uuliyiinta ayaan warbixino ka dhageystay maamulka iskuulkasi,iyagoo balanqaaday in ay garab istaagi doonaan intii karoonkoodi ah,waxaa safuuf kujirey xiligaasi ardayda oo cabayaya biyahaasi nadiifka ah oo caafimaad ahaan wanagsan.

Mudane Cismaan LIbaax Ibraahim Kusimaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ahna wasiir kuxigeen ayaa ka Hadley fulinta qorshani iyo muhiimadiisa,wuxuuna sheegay in ay la xiriirto maalinta caalamiga ah ee biyaha adduunka oo dhawaan la xusay,isagoo intaasi ku daray in ay u garteen iskuulkani maadaama uu kamid yahaya iskuulada sida lacag la’aanta ah wax loogu baro ardayda.

wasiiru dowlaha Wasaradda Waxabarashada ahna kusimaha wasiirka Maxamuud Cabdule Jaabiri ayaa ka hadlay kaalinta wasaradada kaga aadan garab istaaga ardaydaasi,wasiiru dowlaha ayaa sheegay in ay rajeynayaan sidii dhaman iskuulaadka ay maamusho dowladda SOomaaliya ay u heli lahaayeen adeego aas aasi ah sida biyo nadiif ah oo caafimaadka ardayda u wanaagsan.

Intii ay ku sugnaayeen waxaa ay mas’uuliyiintani koob abaalmarin ah guddoonsiyeen koox kamid ah koxho kubadda cagta ah oo ay leeyihiin ardaydaasi oo ka guuleystay koox kale oo ay la dheeleen.

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay hor kacayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Amniga Mohamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweeyay,isagoona sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu kulamo la yeelan doono Madaxda dalka.

Eng. Yarisow “Waxaa naga go’an in dib loo dhiso Xarumihii danta guud ee Bulshada loogu adeegayay”

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoe) ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda.

Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay daadajinta Adeegyada si loogu dhaweeyo shacabka.

“Maamulkeennu waa kii shacabka, waxaana ka go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud, si shacabka loogu adeego, marna nama baqdin gelineyso falalka ay geysanayaan Kooxaha argagixisada ee u taagan dhibaateynta shacabkeenna”.

Eng. Yarisoe ayaa tilmaamay in guulo laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.

Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa daah furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay Waaxda Maaliyadda iyo Dhakhliyadda Dawladda Hoose ee Xamar, taasoo ay bixinayaan Macalimiin aqoontoodu sareyso, si tayada Howlwadeenada Waaxaha Dhakhliyada kor loogu qaado.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in yoolka Maamulka Gobolka uu yahay in shaqo weliba loogu tartamo aqoon, waxuna kula dar-daarmay Howlwadeenada in ay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay sare ugu qaadaan aqoontooda.

“Waxaa naga go’an in la horumariyo aqoonta howl-wadeennada Waaxda Maaliyadda iyo Dakhliyada Dawladda Hoose, tanoo qayb ka qaadanaysa kordhinta dhakhliga, Maamul wanaagga iyo hannaan kalsooni gelinaya bulshada Caasimadda loogu adeego, loogana guuro hannaankii hore, gaar ahaan shaqaaleysiinta iyo dalacsiinta shaqaalaha cusub iyo kuwii horey u shaqaynayay”.

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Heshiis iskaashi dhanka caafimaadka ah

0

SNTV ;- Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal.

Wuxuuna heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen uu ka tarjumayaa hogaanka suuban ee madaxda  dalalka Soomaaliya iyo Masar si loo sii horumariyo cilaaqaadka labada dal gaar ahaan sidii Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay dowladda Masar ugu taageeri laheyd horumarinta Caafimaadka ee dhinaacyada badan leh.

Wasiirada Caafimaadka Masar Drs Hala Zaid  ayaa markii qalinka lagu duugay heshiiskaasi hadal gaaban ay halkaa ka jeedisay waxa ay sheegtay inay dowladeeda ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya u gudbinta waaya aragnimada iyo khibrada dhanka caafimaadka,waxayna sheegtay inay u soo diri doonto Muqdisho  khubaro ah ku takhasxusay dhanka caafimaadkaka kana shaqeeya daraasad dhanka gargaarka deg-dega ah iyo dhammaan arrimaha hawlaha caafimaadka la xiriira, kuwaas oo isla maarkaana kormeera nidaamka iyo wacyiga caafimaadka dalka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Dr. Khalid Mujahid oo ah afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiimad gaar ah siinayo in Soomaaliya laga Caawiyo Caafimaadka Guud kan Qoyska iyo Hooyada iyo dhallaanka.

Waxaana qeybka ah gar-gaarka deg-degga iyo tababaro la xiriir adeegyada Caafimaadka sida adeegyo Iskaashi oo dhanka Caafimaadka ah  oo dhaxmaro Labada dal.

Gantaallo lagu weeraray Israa’iil oo ay ku dhaawacmen ku dhawada lix ruux

0

Ciidamada Israa;iil ayaa sheegay in gantaal laga soo ganay Daanta Galbeed ee marinka  Gaza ay saaka ku dhaceen  bartamaha dalkaasi,halkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray   lix ruux.

Weerarka gantaalkaasi waxaa lala beegsaday magaalada  Mishmeret dhanka Woqooyi Israa;iil,waxa uu ku dhacay guryo dadweyne kaas oo  dhaliyay dab qabsaday halkaasi iyo dhaawacyo lixda ruux soo gaaray.

Shilkaan ayaa yimid xilli ay jiraan xiisado u dhexeeya Yuhuudda iyo dadka reer Falastiin oo waqtigaan ku howlan  bannaanbaxyo  qeyb ka ah sida looga horjeedo  qabsashada dhulka reer  Falastiin.

weererka ayaa dhacay kadib markii ay kooxda Xamaas 10-cisho ka hor ay gantaallo ku garaaceen gudaha magaalada Tel Aviv

Gaza oo ah dhul ay maamulaan kooxda Xamaas,haddana waxaa jira kooxo kale oo ka dagaalama iyo kuwo ay taageeran dalka Iiraan.

Shaqaaqooyinkaan ayaa dhacaya ,iyadoo R/wasaare  Benjamin Netanyahu uu mar shanaad doonaya tartanka xilkaasi ,kaas oo hadda ku sugan magaalada Washington oo uu kula kulamayo Madaxweyne Donald Trump.

LABA KA TIRSAN MALEESHIYADA DAACISH OO LA XUKUMAY

 Muqdisho (SNTV)-Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada  Daacish.

Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa maleeshiyada argagixisada Al-shabaab, waxa ayna  sii doorteen in ay ku biireen kooxda daacish oo ay  sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida  aar-gudasho iyo hanti.

Eedeysanaha  koowaad  ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay  in uu ku tashkiiliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii dhalay, waxa uu sheegay in dhowr cisho  loo taba-barayay isticmaalka hubka sida qoriga AK-47.

Intii uu Alshabaab katirsanaa ayaa maleeshiyada gowraceen adeerkiis, intaas kadib ayuu sheegay in ay maleesiyada daacish u soo bandhigeen kamid noqosho ururka, waxa uu sheegay in loo soo diro lacag uu safar ugu baxayo Gaalkacyo si’ halkaasi uu uga sii qaado mid kamid maleeshiyada daacish oo ujeedkiisu ahaa meel ay ku sheegeen buuraha Calmiskaat  oo maleeshiyada Daacish gabaad u ah.

Taba-bar kale oo dheeraad ah ayay maleeshiyada daacish sii-yeen, waxa uu ku sii bartay Ak-47, B.K.M iyo RPG.

Sida uu sheegay waxa uu Daacish kaga soo tegay markii ay dileen saaxiibbo badan oo ka yimid maleeshiyada Alshabaab kuwaasi uu sheegay in loo arkay in ay ka fikiri duwan-yihiin ayna sidoo kale u yihiin maleeshiyada basaa-siin.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay xilli  ay maleeshiyada u soo wakiilatay dhagridda dadka Soomaaliyeed.Eedeysanaha koowaad ayaa la soo xiray 14/11/2018.

Eedeysanaha labaad ayaa sidoo kale ahaa mid katirsan maleeshiyada Alshabaab,  waxa uu kaga biiray maleeshiyada Alshabaab tuulada moordiinle. 2014 horraanteedii, waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay tuulooyin kale sida Janaale, Awdhiigle.

Muddo kadib ayuu ku biiray maleeshiyada Daacish 2016, waxa uu kaga biiray Weydow. Waxa uu u baxay dhulkan bari ee Boosaaso, waxa uu tababar ku qaata buuraha gobalka.

Intii uu daacish la joogo waxa uu  la baxay Daahir, waxa uu ka howlgalay Af-Urur sidoo kale meel lagu magacaabo Calmiskaat, Eedeysanaha labaad  ayaa la soo xiray 20/11/2018 isagoo u joogo Muqdisho  sidii uu u fulin lahaa amarrada horjoogayaasha Daacish.

 

Labada eedeysane ayaa isku aqoonsaday halka ay ka socotay baaristooda, waxa ay u sheegeen hey’adaha baarista in ay kawada tirsanaayeen maleeshiyada Daacish.

Ciidamada amniga ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, xeer ilaaalinta ayaa weydiisatay garsoorka xabsi ku heyn inta ay soo dhameystirayaan dacwadda 05-02-2019,  muddo kadib baaristooda waxa ay weydiisteen Maxkamadda Muddeyn Maxkamadeed, xafiiska ayaa codsaday in la muddeyo 02-03-2019.

16-03-2019 ayaa  la muddeeyay dhageysiga dacwadda, sedax cisha kadib ayaa loo faristay, ugu dambeyn maanta ayaa go aan si wada jir ah looga soo saaray, waxaana lagu wada xukumay min lix sano sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

 

Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay

0

Muqdisho (SNTV) Munaasabadan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee biyaha adduunka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya.

ayaa waxaa ka qeybgalay kusimaha wasiirka,tamarta iyo khayraadka biyaha Soomaaliya ahna wasiir kuxigeen mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradah Khadiijo Maxamed Diiriye,Wasiirka macdanta iyo Batroolka,,wasiir kuxigeenka caafimaadka Maxamed Siciid ,guddoomiyaha gudiga khayraadka Qaranka,Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Senator Ilyees Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa siweyn uga hadlay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeega biyaha meelkasta oo ay joogaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraad Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/waaxid Ibraahim Axmed ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu yahay sidii loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed biyho nadiif ah oo ku filan.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahim Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka Hadley waxqabadka wasaaradda iyo qorshaha horyaala,isagoo xusay in ay wadaan qorshe ah sidii ceelbiyoodyo looga qodi lahaa gobolada dalka.