Qadar:Dadka reer Falastiin oo loogu deeqay 480 milyan oo doolar.

Date:

Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ay u direyso dadka reer Falastiin lacago doolar ah oo gaaraya 480 milyan,gaar ahaan dadka ku sugan deegaanka Daanta Galbeed ee ay heystaan ciidamada Isra’il iyo Marinka Gasa ee ku jira xaalad go’doon ah.

Hadal manta oo Talaado ah ay sii daayeen Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Qadar,ayaa lagu sheegay in 3-boqol oo milyan oo ka mid ah lacagahaasi lagu taageeraayo barnaamijyada dhinacyada Caafimaadka iyo kuwa Waxbarashada ee ka socda magaalada Ramallah oo xarun u ah maamulka Falastiin,isla markaana gacanta ku haya  qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.

180 milyan ayaa sidoo kale loo qorsheeyay habka gargaarka degdegga ah ee xagga bini’aadanimada ,gaar ahaan barnaamijyada samofalka iyo kuwa Korontada  ee ay wadaan Qaramada Midoobay.

Sadexdii cisho ee u dambeysay waxaa jiray duqeymo lala beegsaday Marinka Gasa iyo Koonfurta Isra’il ,kuwaas  oo galaaftay nolosha 25-ruux oo Falastiiniyiin ah iyo 4- Yahuud ah.

Maalinimadii shalay Isra’il iyo Falastiin waxa ay gaareen  heshiid xabad-joojin ah oo ay soo qaban qaabiyeen Masar iyo Qadar,waxaana caawiyay Qaramada Midoobay,.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...