Ciidanka Booliska oo gacanta kusoo dhigay Askari dil ugeystay Darawal Mooto bajaaj

Date:

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jenaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada Booliska ay soo xireen askari boolis ah, kaasoo saaka degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj.

Janaral Sakiya oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in an la ogolaan doonin in askarta ay dhibaato u geystaan Shacabka, waxaa ay sheegtay in  sharciga la hor keenayo  Askariga geystay dilka.
shanka kale dhaawac  ayaa kasoo garay qof kale oo ka agdhawaa Isgoyska Tarabuunka oo ah halka ay toogashada ka dhacday.
“Ciidanka Booliska ayaa gacanta  ku soo dhigay askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, sharciga ayuu hortagi doona” ayey tiri Taliye Zakiya.
Tallaabadan ayaa noqoneysa  mid u doonayo Taliska Booliska in u kula xisabtamo askarta ka tirsaan dowladda ee shacabka waxyeelysa ,iyadoo looga hor tagayo  dilalka loo geysto darawalada Mooto bajaajta,ciidanka nabad galyada ayaa gacanta ku soo dhigay askariga ku lugta leh falka lagu dilay darawalka Mootada lana soo taago Maxkamad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...