Home Blog Page 1067

Wasiirrada Jubbaland ee Muqdisho Ku Sugan oo Casho Sharaf Loo Sameeyay

Muqdisho (SNTV):-Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Casho Sharaf u sameeyay wasiirrada Dawlad Gobaleedka Jubbaland ee socdaalkiisa Muqdisho ku wehliya madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed.

Casha sharafta oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid wasiirada dawladda federaalka iyo howl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo dhaweeyay wasiirrada ka yimid maamul gobaleedka Jubbaland.

Wasiirrada Jubaland ee casha Shafata kasoo qayb galay ayaa aad uga mahadceliyay wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha soo dhawaynta heerkeedu sareeyo, waxa ayna sheegeen in ay soo dhawayntu kaabayso wadashaqeynta iyo isku xirnaanta labada dhinac.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud ayaa wasiirrada uu cashada u sameeyay waxa uu kala hadlay dardar-gelinta wada shaqaynta ka dhaxaysa wasiirrada dawlad gobaleedka Jubaland iyo wasiirrada ay wada-shaqayntu kala dhexeyso ee DFS.

Madaxweynaha Puntland oo Qardho Ka Dhagax Dhigay Garoon Kubadda Cagta Ah

0

Qardho (SNTV)-Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Qardho ka Dhagax dhigay garoon kubadda Cagta ah oo loo dhisidoono si caadi ah.

Dhagax dhigga garoonka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Bahda ciyaaraha gobolka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhagax dhigga ayaa sheegay in goobta loo asteeyey dhismaha garoonka tahay meel ku haboon oo siman, Madaxweynaha ayaa ku booriyey Maamulka degmada Qardho in dhulka ku hareeraysan garoonka laga dhigo dhul dowladeed si mustaqbalka looga faa’iidaysto.

“Farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoonka kubadda cagta Qardho, waxaan garawsannahay ahmiyadda ay leeyihiin ciyaaruhu guud ahaan dalka oo dhan, waxaan bogaadinaynaa dedaalka maamulka degmadu ugu jiro sare u qaadidda ciyaaraha”.

“Dhulka waa dhul aad u wanaagsan oo kasoo fog magaalada, aadna u siman kuna haboon garoon, waxaan ku darayaa in degmadu 200 oo Mitir kasii badiso oo dhulkani noqdo dhul dowladeed, mustaqbalkana mashaariic kale oo dan u ah danta caamka ah lagu fuliyo, waxaan rajaynayaa in aan soo noqdo garoon kaas oo dhammaaday, dedaalka guud ee aad wadaana waan idinku garab taaganahay” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray saldhigga iyo qaybta degmada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay taliyaha qaybta qobolka Karkaar iyo Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Qardho.

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Muqdisho (SNTV)- Taliska  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jiray sidii la isugu furi lahaa waddooyinka gobalka Shabeelada Hoose oo la sheegay in dhaweydba in ay ka jireen cabashooyin ka imaanayay dadka ee la xiriira jid-gooyooyin ay dhigtaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Iyadoo taasi laga duulayay ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage waxa uu bilaabay nadiifinta waddada u dhaxeysa Aafgooye iyo Muqdisho.

Intii uu howlgalka siffeynta ah ku jiray ayuu la kulmay maleeshiyaad isugu  jiro shacab iyo Ciidan oo ku hubeysan hub kala duwan, waxa ayna Ciidamada xoogga dalka ka soo qabtaan shan ruux oo laba kamid ah yihiin Ciidan halka sedaxda kale ay ahaayeen caawiya-yaal hubeysan oo jidgooye u tiilay meel xooga u jirta Mukayga oo ah bar ciidamada dowaladdu leeyihiin taasi oo lagu hubiyo dadka isaga kala goosha halkaas.

Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin  ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa  la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa  uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan.

Muddo ayay  ku qaadatay Xafiiska  baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019  codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo  laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi  4- Axmed Cabdi Rooble  5-Maxamed Cumar Diini.

Xafiiska ayaa horkeenay  Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah,  sedax qoray AK, RPG, Bistoolad.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in  dambiga ay galeen ay  ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan  loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka.

Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad  eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan.

War-Murtiyeed Wadajir ah Beesha Caalamka oo Soomaaliya ku taagertay Dib-u-hayebynta Hay’adaha Ammaanka

Muqdisho, 26 Maarso 2019 – Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika,  Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay hal-abuurka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ammaanka.

Waxaan dhiirri gelineynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku fineyso dib-u-habeynta hay’adaha Ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa inaan howshaan ku taageeri doonno. Waxaan wadahadallo dheeri ah ku falanqeyn doonnaa kulamada arrimaha Soomaliya ee  shirka gu’aga ee World Bank-International Monetary Fund oo bisha Abriil ka dhici doona Washington. Waxaan sidoo kale waxaan isla eegi doonnaa go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sii joogteynta taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda amniga ku wareejinaya ciidan ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan aaminsannahay fulinta dib-u-habeynnadaa oo la dhameystiraa ay gacan ka geysaneyso xasilooni iyo barwaaqo ay dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolkaba helaan. Bahwadaagta Soomaalida waxaan ku dhiirri gelineynaa in ay taageeraan oo ay si wadajir ah dadaal ugu bixiyaan si loo caawiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed  si ay u xaqiijiyaan dib-u-habeynnadaan iyadoo loo marayo wadahadal loo dhanyahay.

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo ka hortaga musuqa iyo hormarinta howlaha dowladda

0

Muqdisho (SNTV) Kulankan dood wadaaga ah ee Dhibaatooyinka Musuq Maasuqa iyo sida loo hormarin karo howlaha dowladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ayaa waxaa furay wasiirka wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana uu socon doonaa 2 maalin oo ay ka qayb galayaashu ka doodi doonaan musuqa iyo sidii looga cirib tiri lahaa dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda XFS Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow oo ka hadlay furitaanka dood wadaagaan ayaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimada loo qabtay kulankaan iyo waxyaabaha laga hadli doono labada maalin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka ayaa sheegay in muhiimadda laga leeyahay ay tahay in Soomaaliya oo waqti dheer kaalmo hooseeya kaga jirta Musuqa iyo wax is daba marinta hadda waji ka duwan kaas loo horseedo.

“Waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad uga soo qayb gasheen Shirkaan Muhiimada loo qabtay waa inaan helno hanaan wanaagsan oo looga hortago Musuq maasuqa waxaana ku casuunay wasaarado dhowr ah sida wasaaradda Maaliyadda xafiiska xisaabiyaha guud xafiiska Hanti dhowrka guud waxaan idinku boorinaa inaad soo saartaan dood wax ku ool ah mudada labada maalin ah ee shirku socdo” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Qorsheynta XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaaladda Garoowe

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Garoowe ee Xarunta dawlad goboleedka Puntland, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Ujjeedada Socdaalka Wafdiga Wasiirka Qorsheynta XFS uu hoggaaminayo ayaa ah sddii wadatashi ku aadan Wareegga koowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka ee Sagaalaad loola yeelan lahaa hay’adaha  Dawlad gobaleedka Puntland, Ururadda Bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo laanta sharci dejinta.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Dawlad Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Caydiid oo warbaahinta kula hadlay  qeybta  nasashada garoonka ayaa sheegay in maalmaha ay joogan wafdiga  uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta ay wadatashi iyo xog wareysi la yeelan doonaan Dawlad goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,  si loo adkeeyo hannaanka dowladnimmada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed ayaa sheegay in  ujeedada ugu weyn ee socdaalkoodu in ay tahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland iyo sidoo kale wada-tahsiga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo lala yeelanayo Hay’adaha dawladda  iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Socdaalkeena waxuu ku saabsan yahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobaleedka Puntland, iyo wadatashi inaa ka sameyno Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo qoraalkiisa koowaad bilowday siddii Puntland qeyb-tooda ay ugu geysan lahaayeen, waxyaabaha aan doonayno waa inaan ka wada hadalno arrimaha aan soo sheegnay, waana boggaadinayaa shaqada wanaagsan ee  ay qabteen.  “Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.

Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah magaaladda Garoowe lagu daahfuro wada-tashigga Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad, kaasi oo saldhig u ah geeddi socodka Deyn cafiska Soomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, si dalkeenu u gaaro Horumar.

Soomaaliya oo shir looga hadlayo muran goboleedka Saxaraha uga qeybgashay Morocco

0

Marrakesh (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro midnimada iyo isku xidhanka Qaaradda Afrika si looga fogaado dhaq dhaqaaqyada gooni isku taagga ee isku dayaya inay abuuraan kala qeybsanaan dhibaato ku ah midnimada qaran ee dalal kala duwan.

Wasiirka oo hadal ka jeedinayay shirka heerka wasiir Afrikaan ee taageerrada Midowga Afrika ee hab siyaasadeedka Qaramada Midoobey ee Muran goboleedka Saxaraha oo ku qabsoomay shalay oo Isniin ahayd (25 Maarso) Magaalada Marrakesh ee dalka Morocco, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu leeyahay sharciyo iyo siyaasad joogto ah oo ku suntan muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo bedqabka dowladaha iyo dhowridda awoodda dadyowga qaaradda.

Shirku wuxuu soo saarey war murtiyeed taas oo dhammaan wadamada ka qaybqaatay ay ku heshiiyeen.

Intii lagu guda jiray shirka, Mudane Danjire Axmed Cawad waxaa uu kulamo docoleed la yeeshay dhiggagiisa, Wasiirrada iyo wakiillo diblomaasiyadeed ka socday dhowr dal oo Afrikaan ah.

Madaxweyne Farmaajo “Dalkiina ayaad nafta u hurteen, Waa idin garab taaganahay ”

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay diyaar u tahay sidii ay Ciidamada Qalabka sida u heli lahaayeen Xaquuqdooda iyo niyad dhiskooda isla markaana laga doonayo inay dhaqaaqaan oo Cadowga ay ugu tagaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

“Dowlada waxay diyaar u tahay inay Xuquuqdiina idin siiso, Raashinkiina waad heleysaan, Mushaarkiina waad heleysaan, Niyad dhiskiina waad heleysaan, oo waa idin garab taaganahay, sababtoo ah waxaad tihiin Geesiyaal, awood iyo aqoon naguma yara waxa kaliya oo loo baahan yahay waa inaan dhaqaaqno oo cadowga meelaha uu ku harsan yahay aan ka xureynaa, Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wanaagsan wayna idin garab taagan yihiin”.ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dalka awoodiisa ay yihiin Ciidanka Xoogga Dalka lagana doonayo in ay ka difaacaan Codowga Gudaha iyo Dibada, isagoo Saraakiisha ku amaanay shaqada wanaagsan ay dalka u hayaan.

“Dal waxaa cudud u ah Ciidankiisa, Dadka niyada u dhisi lahaa Shacabka Soomaaliyeed waa idinka oo Cadowga Gudaha iyo kan dibada ka difaaci lahaa, waa inaan dalka ka xureynaa Cadowga aan dooneynin dalkeena inuu xasilooni helo, Saraakiil aqoon iyo qibrad leh ayaa tihiin, shaqada aad heysaan shaqo caadi ah maaha Naftiina ayaad u hurteen Qarankiina”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadalkan ujeediyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed keddib markii uu kormeer ku tagay Dugsiga Janaraal Goordon iyo Taliska Guud.

Xafladda furitaanka barnaamijka saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha oo Beijing laga furay

0

Beijing (SNTV)-Hoolka shirarka jaamacadda waxbarashada ajnabiga ee magaalada Beijing waxaa saaka ka dhacay xafladda furitaanka barnaamijka saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha kaas oo uu soo agaasimay machadka China-Arab states press oo muddo bil ka badan ka socon doona wadankan.
Xafladda waxaa lagu casuumay oo ka soo qeybgalay danjireyaal iyo diblomaasiyiinta dalalka Jaamacada Carabta ee jooga Shiinaha, sidoo kale waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda China iyo madaxda jaamacadda Beijing foreign studies.
Luo linquan, oo ku xigeenka madax qeybta diblomaasiyada ee jamacadda oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ka qeybagaliyaash barnaamijka, waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka xiriirka ka dhexeeya Shinaha iyo dalalka Jaamacada Carabta.
Waxaa sidoo kale, xusay in u jeedada laga leeyahay in ay tahay isku soo dhoweynta shucuubta labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa xiriir ka balaaran kii horey u jirey, maadaama qalabka warbaahinta uu yahay mid sahlaya gudbinta fariinta saxda ah.
14 saxafi oo ka kala socda dowladaha Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa ka qeyb galaya barnaamijka sanadkan 2019, waana kuwii ugu horeeyay oo ka qeyb galaya barnaamijka xarunta China-Arab states press.
Xarunta China-Arab states press ayaa kamid ah xarumaha hoostaga wasaaradda arrimaha dibadda China, kuwaas oo dowladda Shiinaha ugu gol leedahay in ay ku abuurto is dhexgal dhaqan- dhaqaale oo ay la yeelato dalalka jaamacada Carabta.
Barnaamijka tababarka saxafiyiinta, waxaa uu socon doonaa muddo bil iyo bar ah, iyadoo booqashooyin gobolo kala duwan ee dalka shiinaha iyo xarumaha dowliga iyo goobaha kale sida xarumaha ganacsiga ay sameyn doonaan ka qeyb galayaasha.
Saxafiyiinta waxa ay booqdeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda China, waxa qaabiley danjiraha Shiinaha ee Jamacada Carabta kaas oo ugu waramay qorshaha dowladda ee ku aadan dalalka Jaamacada Carabta.
Qorshaha ugu weyn ee Shiinaha ayaa ah hirgelinta waddada xariirsa china iyo waddamada carabta, waxaana ilaa hadda ay heshiis arrintaas ku aadan la galeen 16 dowladood oo ururkaas ku jira.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Hoygiisa Kula Kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

0

SNTV:- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay hoygiiga ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad-celiyay soo dhawaynta uu hoygiisa ugu sameeyay, ayaa bogaadiyay dadaalka ay hoggaanka dalku uu ugu jiro soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday in dhaqanku ay ku garab taaganyihiin dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka uu boqor Burhaan la qaatay ka sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada, xasiloonida, nabadaynta iyo arrimaha dhab-u-heshiinta, ayna muhiim u tahay umadda Soomaaliyeed in dhaqanku ay xoojiyaan dawrkaas wanaagsan ee laf-dhabarta u ah nolosha ummadda Soomaaliyeed.