Ciidanka Xoogga dalka oo ku Wajahan Deegaanada Shabeellaha Hoose ay kaga harsanyihiin Argagixisada

Date:

SNTV:-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.
Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Kooxda Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Nabad diidka hadda ay ku dhuumanayaan.
Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, isaggoo xusay in Cadowga hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Geesiyaasha ah ee Xoogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...