Home Blog Page 104

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Sulaymaan Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, ayaa daahfuray shir muhiim ah oo lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo ay dowladda Soomaaliya leedahay kana taageerayo Bangiga Adduunka.

Mashruucan waxaa lagu xoojinayaa awoodda dowladda iyo hay’adaha la xiriira maareynta masiibooyinka si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha aafada dabiiciga ah, kahor inta aysan keeni barakac iyo khasaare naf iyo maal leh.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay dowladda, maadaama uu imaanayo xilli hoos u dhac ku yimid maalgelinta arrimaha bani’aadannimada, isla markaana uu gacan ka geysanayo dhisidda awoodda dalka ee u adkeysiga iyo la qabsiga masiibooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa xaqiijiyay ka go’naanta dowladda ee hirgelinta mashaariicda la xiriira maalgelinta masiibooyinka iyo sii xoojinta iskaashiga lala leeyahay Bangiga Adduunka iyo maalgeliyeyaasha kale si loo ilaaliyo badqabka bulshada iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey oo gaaraya ku dhawaad 2-KM.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.

“Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.

Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo goobjoog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga ayaa ka hadlay howlaha dib u dhiska waddooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay si xowli ah ku socdaan, dhawaanna kuwo cusub xarig lagu samayn doono.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Gaajada iyo Saboolnimada oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Khudbad ka jeediyey Shirka ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo gaajada iyo saboolnimada, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo dedaalka dalalka xubnaha ka ah dalladdaan.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalkaasi marwo Samia Suluhu Hassan.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo qayb ka ahaa Madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Munaasabadda ayaa muujiyay ahmiyadda xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal, isaga oo u rajeeyay Madaxweynaha dib loo doortay in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer Qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed ee hor yaala.

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha Mashaariicda (UNOPS) ugu wareejiyay agab casri ah Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si loo xoojiyo awoodda iyo hufnaanta shaqo ee Wasaaradahan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qalabkan ICT-ga uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhismaha nidaamka danabaynta si kor loogu qaado daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta shaqo.

Wasiir Fiqi ayaa mahadceliyay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay wareejintan tallaabo muujineysa kalsooni iyo iskaashi lagu dhisayo Wasaarad Gaashaandhig oo casri ah, hufan, kana jawaabta baahiyaha qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob jooga ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro Agaasimaha Guude ee UNOPS iyo saraakiil sare oo ka socday Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

“ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.

ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

0

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad.

Howlgalkan ayaa la qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay Maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gambaad ay ka soo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025, waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkaan lamid ah kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalkan lagu naafeeyay cadowga ma jirin wax khasaare ah oo gaaray shacabka. Haddaba si loo ciribtiro Khawaarijta fadlan muwaadin, haddii aad aragto wax khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

0

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad Soomaaliyeed oo xilli dambe saf ugu jira xarumaha hay’adda si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Maareeyaha, oo qoraal ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook, ayaa shacabka ku xusuusiyay habraacyada rasmiga ah ee lagu helo kaarka aqoonsiga, isaga oo faahfaahiyay tallaabooyinka ay hay’addu qaaday si loo yareeyo culayska iyo safafka dhaadheer ee ka jira xarumaha NIRA.

“Waxaan arkay muuqaal muujinaya hooyooyin Soomaaliyeed oo xilli habeennimo ah hor fadhiya mid ka mid ah xarumaha NIRA ee gobolka Banaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob,” ayuu yiri Maareeyaha.

Ugu horrayn, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin in muwaadiniintu xilli aan habboonayn saf ugu jiraan xarumaha NIRA, isagoo tilmaamay in hay’addu ay dadaalka laba-jibbaartay si kor loogu qaado adeeg-bixinta. Wuxuu xusay in hadda maalintii loo adeego ku dhowaad 20,000 oo qof, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo la gaaray.

Isagoo ka jawaabaya cabashada shacabka, Maareeyaha ayaa sheegay in hay’addu go’aansatay in xarumo gaar ah laga dhigo kuwo habeen iyo maalinba shaqeeya, si muwaadiniintu si fudud u helaan adeegga diiwaangelinta. “Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 5:00 galabnimo ilaa 12:00 habeenimo waxaa ka mid ah xarumaha NIRA ee Hodan iyo Boondheere,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa shacabka xusuusiyay in xarumaha NIRA ay subax kasta furmaan 7:00da aroornimo, sidaas darteedna aanay jirin faa’iido laga helo in xarunta la yimaado ka hor waqtigaas.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay diiwaangelinta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo duruufahooda kala duwan. Wuxuu ku adkeeyay in adeegga Aqoonsiga Qaranka uu weli yahay mid lacag la’aan ah, islamarkaana uu shacabka ugu baaqay dulqaad, nidaam-raac iyo ixtiraamka habraacyada rasmiga ah ee NIRA

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,iyagoo kawada hadlay diyaarinta iyo dirista ciidamo Masri ah oo ka qeyb noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Kulanka ayaa ka dhacay inta lagu guda jiray munaasabadda furitaanka Matxafka Weyn ee Masar.

Wasiir Dr. Badr Al-Atty ayaa xaqiijiyey sida ay Masar uga go’an tahay inay taageerto guusha howlgalka AUSSOM iyo xoojinta kaalintiisa ku aaddan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la helo maalgelin ku filan oo waarta, si howlgalka uu si hufan u fuliyo waajibaadkiisa, iyadoo lala kaashanayo saaxiibbada caalamiga ah.

Go’aankan ayaa ka tarjumaya mowqifka joogtada ah ee Masar ee ku aaddan taageerada dadaallada wadajirka ah ee Afrika ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Wasiiru-Dowladaha Gaashaandhigga oo la kulmay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Qatar

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cawaad Al-Shamari.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Inta lagu guda jiray kulanka, labada masuul ayaa sidoo kale laga wada hadlay guulaha ay CXDS ka gaareen dagaalka lagula jiro cadowga ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la sii adkeeyo wada-shaqaynta iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay Soomaaliya.