Wasiiru-Dowladaha Gaashaandhigga oo la kulmay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Qatar

Date:

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cawaad Al-Shamari.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Inta lagu guda jiray kulanka, labada masuul ayaa sidoo kale laga wada hadlay guulaha ay CXDS ka gaareen dagaalka lagula jiro cadowga ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la sii adkeeyo wada-shaqaynta iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...