Home Blog Page 103

Soomaaliya oo ka qeybgashay xuska maalinta Afrika oo lagu qabtay Hindiya

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, oo ay weheliyeen diblomaasiyiinta safaaradda iyo xubno ka socday madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed, ayaa ka qayb galay xuska maalinta Afrika (Africa Day) oo lagu qabtay caasimadda Hindiya ee New Delhi.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay madax sare, diblomaasiyiin, iyo wakiillo ka socda dalalka Afrikaanka ah ee fadhigoodu yahay magaalada New Delhi.

Marti sharafka munaasabadda waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hindiya, Dr. S. Jaishankar, oo halkaas ka jeediyay khudbad qoto dheer oo dhinacyo badan taabaneysay.Wasiirku wuxuu u hambalyeeyay dalalka Qaaradda Afrika, isagoo xusay muhiimadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Jaishankar wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara, xasillooni, iyo dan guud oo la wadaago.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.

Wafdi ka socday Turkiga oo booqday Xerada Taliska Ciidanka Haramcad

Wafdi sare oo ka socda Ciidanka Gaarka ah ee Özel Harekat ee Turkiga ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad ee magaalada Muqdisho. Wafdigan, oo ay hoggaaminayeen saraakiil sar-sare, ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta ciidanka gaarka ah ee labada dal. Wafdiga Turkiga ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Haramcad dadaallada ay ku bixiyeen sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee ciidanka.

Dowladda Turkiga ayaa si dhow ula socota horumarka Ciidanka Haramcad, waxaana booqashadan ay muujineysaa xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan. Taliyaha Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyay wafdiga Özel Harekat booqashadooda, isagoo xusay in kulankani uu yahay mid muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xiddihii Afrika ee Kubadda Cagta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku timid dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Askari horay u dilay Saxiibkiis

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ex-dable xoogga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf, markii uu horay u dilay marxuum Ex dable xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Eedeysane Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf iyo marxuum Ismaaciil Xasan ayaa ka wada tirsanaa ururka 222 aad, guutada 22-aad ee Boliis milataara.

Dilkaan, ayaa ka dhashay muran ka billowday xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee degmadda Deyniile, 17-kii Feebaraayo ee Sanadkan.

Garsoorka maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay dable Xoogga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf dil toogasho, ahna qisaasta marxuum Ex dable xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey, sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Duqa Caasimadda oo dhagax dhigay waddada laamiga ah ee Degmada Kaxda

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa dhagax-dhiggay dhismaha waddada Laamiga ee degmada Kaxda.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta caasimadda ee lagu dhisaayo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay u horreeyaan waddooyinka.

Munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha waddada degmada Kaxda waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf, guddoomiyaha degmada Kaxda, agaasimeyaal, culuma’udiin, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay xoojinta xariirka ka dhaxeeyo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, mudane Wang Yu.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, dardar-gelinta iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo kor-u-qaadidda waxyaabaha mudnaanta wadaagga ah leh.

Sidoo kale, waxaa la isla fallanqeeyay ka qeybgalka Soomaaliya ee Kulanka heer wasiir ee madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono 10-12 June magaalada Changsha gobolka Hunan ee dalka Shiinaha iyo Bandhigga afaraad ee dhaqaalaha iyo ganacsiga Shiinaha iyo Afrika oo ku qabsoomi doona isla magaaladaasi.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo furay warbixinta Odoroska dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beene-Beene), ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta odoroska dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeeddada warbixintani tahay in la helo hal xog oo dhab ka tarjumeysa xaaladda dhaqaale ee dalka, taas oo si wadajir ah ay uga shaqeeyeen dhammaan hay’adaha dowladda. Waxa uu xusay in warbixintu ay tahay mid lagu heshiin karo, isla markaana si hufan u metesha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Beene-Beene ayaa tilmaamay in warbixintan aysan ku jirin buunbuunin, iyadoo si cad u muujinaysa meelaha uu dalku ku liito iyo meelaha uu ku wanaagsan yahayba, si loo qaato go’aamo sax ah oo ku saleysan xog sugan.

SoDMA oo soo gabagabeysay kulan looga tashanayay wax ka qabashada masiibooyinka

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wada-tashi ah oo socday laba maalmood. Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay wasaaradaha u qaabilsan gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee maamul-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga hay’adaha mas’uulka ka ah arrimaha bini’aadantinimo iyo maaraynta masiibooyinka, iyadoo la falanqeeyay qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota. Qorshayaashan ayaa lagu hagayaa dadaallada ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dalka.

Lataliyaha Sare ee SoDMA, Maxamed Mukhtaar, ayaa soo jeediyay warbixin qoto dheer oo ku saabsan hannaanka qorsheynta iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay mudnaanta la siinayo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadam sameega ah.

Mas’uuliyiinta ka kala socday maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda bini’aadantinimo ee gobolladooda, iyaga oo si furan uga hadlay caqabadaha haysta adeegyada gurmadka degdegga ah, isgaarsiinta iyo isku-duwidda howlaha la xiriira maaraynta masiibooyinka.

Shirka ayaa si rasmi ah waxaa u soo xiray madaxa horumarinta mashaariicda ee SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeyb qaateen kulankan muhiimka ah. Dr. Jimcaale ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa dhammaan hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed si loo xaqiijiyo badbaado iyo horumar waara.

Wasiirka dhallinyarada XFS oo muqdisho kusoo dhoweeyay ciyaartooy caalami ah

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo uu wehliyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxa ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen ciyaartooyda kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay Jay Okacha oo dalka soo gaaray.

Ciyaartoyda waxaa booqashadooda ku wehliya mas’uuliyiin sarsare oo ka socota xiriirka Kubadda Cagta ee CAF.