SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Sulaymaan Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, ayaa daahfuray shir muhiim ah oo lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo ay dowladda Soomaaliya leedahay kana taageerayo Bangiga Adduunka.

Mashruucan waxaa lagu xoojinayaa awoodda dowladda iyo hay’adaha la xiriira maareynta masiibooyinka si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha aafada dabiiciga ah, kahor inta aysan keeni barakac iyo khasaare naf iyo maal leh.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay dowladda, maadaama uu imaanayo xilli hoos u dhac ku yimid maalgelinta arrimaha bani’aadannimada, isla markaana uu gacan ka geysanayo dhisidda awoodda dalka ee u adkeysiga iyo la qabsiga masiibooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa xaqiijiyay ka go’naanta dowladda ee hirgelinta mashaariicda la xiriira maalgelinta masiibooyinka iyo sii xoojinta iskaashiga lala leeyahay Bangiga Adduunka iyo maalgeliyeyaasha kale si loo ilaaliyo badqabka bulshada iyo horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...