Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,iyagoo kawada hadlay diyaarinta iyo dirista ciidamo Masri ah oo ka qeyb noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Kulanka ayaa ka dhacay inta lagu guda jiray munaasabadda furitaanka Matxafka Weyn ee Masar.

Wasiir Dr. Badr Al-Atty ayaa xaqiijiyey sida ay Masar uga go’an tahay inay taageerto guusha howlgalka AUSSOM iyo xoojinta kaalintiisa ku aaddan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la helo maalgelin ku filan oo waarta, si howlgalka uu si hufan u fuliyo waajibaadkiisa, iyadoo lala kaashanayo saaxiibbada caalamiga ah.

Go’aankan ayaa ka tarjumaya mowqifka joogtada ah ee Masar ee ku aaddan taageerada dadaallada wadajirka ah ee Afrika ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...