Home Blog Page 105

Wasiir Cali Balcad “Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”

0

Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya,Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad),oo shalay ka hadlayay Kulankan latashiga ururada Siyaasadda iyo xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukuntay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadaallada madaxweynaha ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu helo isfaham iyo midnimo qaran, isagoo xusay in talooyinka iyo waayo-aragnimada madaxdii hore ay muhiim u yihiin geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

“Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”ayuu yiri wasiirka

Mudane Cali Balcad wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay wada-tashi qaran oo dhab ah si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed loona hormariyo dowladnimada Soomaaliya.

Shirka Wada-Tashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda Federaalka oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shir weynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheikh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Digniin kasoo saartay xilliga bad-xiranka

0

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Muddadan bad-xiranka waxay socon doontaa laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 September 2025.

Wasaaraddu waxay kuu wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladda badda ay noqon karto mid khatar ah. Sidoo kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado halis naf iyo hantiyeed ah oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada.

Ujeeddada wargelintan waa in la ilaaliyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha laga filanayo xaaladda cimilada ee badda xilligan. Wasaaraddu waxay ku dhiirrigelineysaa qof walba inuu si xilkasnimo leh uga jawaabo digniintan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qeybgalay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo howlwadeeno ka socda Wasaarada ayaa ka qayb galay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo ka dhacaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirweynaha guud ee WOAH waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta caafimaadka xoolaha, ka hortagga cudurrada iyo la tacaalidda khataraha cusub.

Wasiir Xasan ayaa madal heer wasiir ah ka xusay kaalinta muhiimka ah ee xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga ka hortagga iyo xakameynta cudurrada xoolaha, helitaanka tallaalka iyo adeegyada caafimaadka xoolaha.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la shaqeynta bahwadaagta caalamiga si loo dhiso nidaamyo adkeysi leh oo taageera ganacsiga xoolaha, nolosha reer guuraaga, iyo koboc waara.

Soomaaliya oo xustay Maalinta Afrika, xaqiijisayna inay ka go’an tahay midnimada iyo cadaaladda Qaaradda

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta xarunteeda ku qabatay munaasabadda xuska Maalinta Afrika, oo ah xuska markii dhidibada loo taagay Ururka Midnimada Afrika (OAU) 25 May, 1963, iyadoo sanadkii 2002 loo beddelay Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in 25 May ay tahay maalin ku weyn Afrika oo ay ku beegantahay taariikhda markii la aas’aasay Ururka Midnimada Afrika, kaasoo markii dambe loo beddelay Midowga Afrika, isaga oo sheegay in ajandaha Afrika uu mudnaanta koowaad u yahay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Afrika guul iyo horumar, si la mid ah Soomaaliya in ay hiigsato baraare, isaga oo adkeeyay muhiimadda cadaaladda ay u leedahay Afrika, haddii ay ahaan lahayd wixii ka soo gaaray halgankii ay uga soo horjeedday gumaysiga iyo xoojinta isku-caddaalad-falka dhexdeeda.

Munaasabadani oo Wasaaraddu kala kaashatay Bankiga IBS ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Safiirrada dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Soomaaliya, waxa ay xubin aas’aase ka ahayd Ururka Midnimada Afrika (OAU), iyadoo saxiixday axdigii lagu aas’aasay sanadkii 1963, waxa ayna kaalin muuqata ka qaadatay taageeridda ururradii xornimo-doonka ee Koonfurta, Bartamaha iyo Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale ka qeyb-qaadatay dadaallo xal loogu helay qulqulatooyin iyo loolanno milatari oo ka dhexeeyay dowlado. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay martigelisay shir-madaxeedkii 11aad ee Ururka Midnimada Afrika sanadkii 1974, kaasi oo lagu qabtay Caasimadda Muqdisho.

 

 

Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan kiis dil ah

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan inuu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan horay kubadda Qaranka ugu soo cayaaray.

Dilkaas ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan aagga isgoyska Soobe, iyadoo marxuumka maanta meydkiisa lagu aasay magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo shaaciyey soo qabashada eedeysana ayaa balan-qaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh.

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

0

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha Qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo Qaran.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Danjire Cabdixakiin Ashkir ,ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda.

Wasiir Ashkir oo ka hadlay Munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda Iskaashiga, isagoo yiri” Waxaan adkaynayaa muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi dhab ah oo ka dhaxeeya bulshada rayidka ah iyo dowladda, si wadajir loogu wajaho baabi’inta kala qeybsanaanta bulshada”.

Ugu Dambayn, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Cabdixakiin Ashkir,ayaa u mahadceliyay Ka qaybgalayasha Kulanka oo ka kala socda DF, Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Raydka ah.

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

0

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay safar shaqo ku joogaan wadanka Tanzania caasimadiisa Dar es Salaam ayaa booqday xarunta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaaladda Dar es Salaam, taas oo hada dhismaheedu meel gabogabo ah marayo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu xarunta safaaradda ku soo dhoweeyay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Tanzania Danjire Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania ay ka mid noqon doonto xarumaha ugu quruxda badan ee safaaradaha dalkeennu ku leeyahay caalamka.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa Tanzania uga qeyb galay Shirweynihii 19-aad Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo socday labo maalmood.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xil Caynaashe Yusuf Xuseen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, iyo fanaanka caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac).

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Golaha Dhallinyarada Qaranka, iyadoo si gaar ah loo eegay arrimaha la xiriira shaqo-abuurka dhalinyarada, horumarinta xirfadaha, iyo diyaarinta fursadaha mashruucyada soo socda ee lagu horumarinayo nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qayb Galay Shirkii 21-aad Ee Golaha Maamulka AFROSAI-E Ee Seychelles

0

𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 21aad ee Ururka Hay’adaha Hantidhawrka Sare ee Afrikada Ku Hadla Ingiriiska (𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄), kaas oo lagu qabtay Magaalada Mahé ee Jasiiradda 𝐒𝐞𝐲𝐜𝐡𝐞𝐥𝐥𝐞𝐬, intii u dhaxaysay 19–23 May 2025. Shirkan oo uu martigeliyey Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Seychelles ayaa xoogga saaray:

𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟎–𝟐𝟎𝟐𝟒;

𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓–𝟐𝟎𝟐𝟗 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 𝐤𝐨𝐫-𝐮-𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚, 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚;

✓ 𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐢𝐡𝐧𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 (𝐀𝐏𝐈), 𝐬𝐢 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐝𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐢𝐲𝐨

✓ 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐦𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐮𝐪𝐦𝐚𝐚𝐬𝐮𝐪𝐚, 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐝𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐨𝐠-𝐰𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐢𝐝𝐝𝐚.

Sidoo kale, shirkan waxa uu xasuus gaar ah u ahaa dabaaldegga 20 sano guurada AFROSAI-E, iyada oo si qoto dheer looga wada hadlay sidii Xafiisyada Hantidhowrka Guud u noqon lahaayeen tiir-dhexaadka hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarrada waara.

Ka-qaybgalka joogtada ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ee shirarkan waa muujin dhab ah oo ka tarjumaysa dowrka sii xoogeysanaya ee uu XHGS ku leeyahay hormarinta isla-xisaabtanka maaliyadeed ee Qaaradda Afrika.