Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Date:

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad.

Howlgalkan ayaa la qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay Maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gambaad ay ka soo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025, waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkaan lamid ah kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalkan lagu naafeeyay cadowga ma jirin wax khasaare ah oo gaaray shacabka. Haddaba si loo ciribtiro Khawaarijta fadlan muwaadin, haddii aad aragto wax khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...