Home Blog Page 1035

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle

0

Muqdiisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),iyadoo loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle.

Munaasabadda xarig jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS iyo Mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta.

Dhismahan Masjidka oo socday muddo dhan afar bilood ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre dhanka kale kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),isagoo sidoo kale indha indheeyey waaxyaha kale ee xarunta.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiuu hoggaaminayo ayaa u amba baxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb galaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku marti qaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda  caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee kasoo qeyb galaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wada jirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur galaya xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gadaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa maanta la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto,

Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Mudane Donald Yamamoto ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeyntaa labada dhinac iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku la garab taagantahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka labadan Mas’uul Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa Hay’adda USAID ee Soomaaliya Mudane Jeff Bakken.

Dowladda Britain oo shaacisay in ay bixinayso lacag dhan 8 milyan oo pound oo wax lagaga qabanayo xagga beni’aadannimada Soomaaliya

Muqdisho (SNTV) Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 Malyan oo geni oo udhiganta 10 milyan oo doolar ay ugu deeqayso taageero beni’aadanimo ee Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen.

Taageeradaasina ay tahay mid wax looga qabanayo cunno nafaqo leh, biyo nadiif ah, adeeygyada caafimaadka aas aasiga u ah, talaalka xoolaha nool, taageeradan  dheeraadka ah ayaa la sheegay in wax weyn ay ka tari doonto meeluhu abaaraha saameeyeen.

Kumanaano qoys mahelin waqti ay kaga soo kabtaan abaarihii sanadkii 2017-dii waxaana weli sidii ay u wajahayaan mashkilad kale. Xilli roobaadka oo labo jeer aanan ka da’in iyo xaaladaha cimilada xumaatay waqtiga jiilaalka ee bilihii Janaayo iyo Maarso ayaa keenay biyo yaraan, mirihii soo bixi lahaa iyo waxsoosaarka xoolaha nool oo hoos udhacay.

Xafiiska howlaha beni’aadannimada QM ee UNOCHA ayaa sheegay in lagu qiyaasay 5.4 milion oo Soomaali ah ay haatan qarka ufuulaan cunno yari bisha July taasi oo ugu yaraan 2.2 milion ay dhici karto in ay soo foodsaarto cunno la’aan.

20-kii bishan May sanadkan 2019-ka hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa billaabay qorsho looga jawaabayo abaaraha kaasi oo ku baaqay in la helo kheyraad looga hortagi karo mashkilado ballaaran oo ay sababaan abaarahani.

Phil Evans oo ah Madaxa Hay’adda DFID ugu qaabilsan xafiiskeeda Soomaaliya ayaa sheegay in  abaarta ay saameeysay malaayiin Soomaali ah, qaar badan oo kamid ah dadkaasi ay ka barakaceen guryahooda iyo wixii ay ku noolaayeen si ay u raadsadaan waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah.

Lacagtan ayaa ah mid loogu talo galay in lagu soo iibiyo caawimaad lagu badbaadinayo nolosha kumanaano kun oo qof oo kujira xaalado walaac laga muujinayo.

Lacagta ay bixinayso UK oo lagu tiriyo in ay tahay wadamada ugu badan ee deeqaha dhinaca beni’aadannimada ee Soomaaliya.

Cadadka lacagta 8 milyan ee geni ayaa loo kala qoondeeyay in ay ku kala baxdo 3 million oo pound in la siiyo hay’adda Unicef, 3 million oo geni ay uwareegi doonto hay’adda WFP iyo 2 million oo geni oo ay la boodi doonto hay’adda FAO

Bishii April 2019-kii Saduuqa Jawaabaha dhexe ee degdegga ah ee QM “CERF” iyo xafiiska sanduuqa Beni’aadannimada Soomaaliya “SHF” ayaa sii daayay lacag dhan $45.7 million oo doolar si kor looqu qaado kaalamda wax looga qabanayo si loo badbaadiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska Waaxda Horumarinta  Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo DFID ayaa maalgelinaya 84 million oo pound saddex sanno ee soo socota si wax looga qabto howlaha waqtiga dheer soo jiitamayay.

Ilaalada Xeebaha Libya oo badbaadiyay 290 muhaajiriin ah

0

Muqdisho  (SNTV)-Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya ayaa badbaadiyay 290 muhaajiriin oo la socday laba dooni,ka dib howlgallo is-xig-xigay oo ay fuluyeen ciidamadaasi,kaas oo ka dhacay xeebaha dalkaasi ,gaar ahaan agagaarka caasimadda Tripoli.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada nadda ee Libya oo lagu magacaabo Ayoub Qassem ayaa sheegay in mid ka mid ah howlgaladaasi ay ku badbadiyeen 87-ruux,halka dooni yar oo labaad ay  sidoo kale ay ka soo badbaadiyeen 203 ruux.

Sarkaalkaasi ayaa xusay in in labada dooni mid ka mid ah ay ku qabteen xeebaha magaalada Qarabuli oo 50 km bari kaga began Tripoli,halka tan labaad laga helay Zlitin oo 160 km Bari kaga brrgan caasimadda.

Dadkaasi la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa 7-haween ah iyo caruur,kuwaas oo ka kala socday dalal dhowr ah oo Carab ah iyo dalalka saxaraha ka hooseeya.

Bukaanno badan oo ka mid ah dadka la badbaadiyay ayaa la dhigay cisbitaalada ka dib kolkii laga helay xanuunada faafa sida shuban biyoodka.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2017-kii oo ah markii Talyaaniga ay heshiis la galeen Madaxda Libya,waxaa kordhay howlgalada lagu qabqabanaayo dadka tahriibayaalka ah ee doonaya in ay u safraan dalalka Yurub.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

Shibis oo ugudubtay wareegga Sedaxaad ee Tartanka

Muqdisho (SNTV)- Caawa waxaa ku wada ballansanaa Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan Warbaahinta Qaranka Degmooyinka Shibis iyo Wadajir oo kawada tirsan Gobalka Banaadir.

Todobadii weydiimo ee loogu tala galay laba degmo min hal su’aal kaliyay ayay ka jawaabeen waxa ayna wada heleen laba dhibcood.

Sida caadiga ahba su’aal dheeri ah ayaa loogu daray degmadiiba si loogu kala saaro, degmada Shibis su’aashii la weydiiyay  ayay ka jawaabtay, halka Wadajir ay garan weyday.

Sidaas Darteed  degmada Shibis ayaa aaday wareegga Sedaxaad halka wadajir ay sidaas ku hartay.

Habeen Dambe waxaa jiro laba kulan oo qeybta hore dhex mari doono degmooyinka Shingaani iyo Hodan halka kulanka labaad ay ku ballansanyihiin Yaaqshiid iyo Dhuusamareeb.

Madaxweynaha JFS oo ku ammaanay Ciidanka Asluubta Dib u howlgelinta Warshadda Qalabka Dhismaha

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed.

Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta

0

Muqdisho, Khamiis, 23 May 2019 —Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Muqdisho lagu aasay.

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ah, barxadda Isbitaalka Madiina ee Muqdisho lagula dukaday Salaadda Janaasada meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka mid ahaa lataliyeyaasha sare ee Siyaasadda Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax, Danjireyeyaal, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo shakhsiyaad caan ah iyo qaar ka mid ah qoyskiisa.

Meydka oo lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ka qeybgalay dadyow badan.

Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda, ayaa sidoo kale qabtay xilalka wasiirnimo ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha,  Daryeelka Naafada iyo Agoonta. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 82 sano-jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar argagaxiso oo loo adeegsaday gaari biimaysan oo naftii halige uu kaxaynayay oo beegsaday tiro gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Taallada Daljirka Dahsoon saacadihii hore ee subaxnimadii shalay ee Arbacada ( 22 May, 2019).