Home Blog Page 1036

Madaxweynaha Puntland oo Booqday Qabriga Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

0

Gaalkacyo (SNTV):– Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegay Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd  uu uga tegey dalkiisana ku abaal mariyo” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.

Xukuumadda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay gantaal loo genay dhanka Magaalada Barakeysan ee Makka Al Mukarama

Muqdisho (SNTV)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda.

Dhammaad

Ha ku Afurin Cabitaan aad u qaboow (Maqaal)

Muqdisho (SNTV)- Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro xilliyada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Diintu si weyn u sheegtay,waxaa kaloo aad loo bayaaniyay caafimaad ahaan Dhaqaatiir aad u fara badan, haba ugu sii badnaadeene kuwa u dhashay Wadamada Muslimiinta ah, waxayna ka digayaan in cuntooyin si aad loo isticmaalin, kuwa kalena looba baahneyn xilliga Ramadaan.

Drsa u dhalatay Wadanka Masar oo lagu magacaabo Nawal Al-xamad oo ku takhasustay cuntooyinka iyo waxtarkeeda ayaa dadka uga digtay in ay xilliga afurka badsadaan waxyaabaha saliidda lagu shiilo sida Burka iyo Saambuusaha. Dhakhtaraddani waxa ay ku talo bixisay in dadka soomani ay ku dadaalaan ku afurista khudaarta.

Drsa. Nawal ayaa soo saartay talooyin la xiriira Ramadaanka iyo cuntada, waxayna si gaar ah uga hadashay nidaamka afurka ee ugu wacan, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waa in afurka lagu bilaabo timir iyo biyo cad ama caano, waayo timirta waxaa ku jira sonkor dabiici ah oo uu dheefshiidku si fudud u burburin karo isla markaana si fudud ugu milmi karta jidhka”.

Dhakhtaraddu waxaa kale oo ay ku talisay in qofka soomani uu xilliga afurka cuno dareere diirran sida, Shurbadda, Laakiin waxay diiday Shaah iyo bunka oo ay tiri maya kuwaasi iyo in afurka la cabbo biyo yar ama caano aan aad u qaboobayn, Dhakhtaraddani waxa ay ku talisay in waqti fiican loo dhexaysiiyo afurka iyo cashada waxa aaney ku sababaysa in dhuunta dheefshiidku ay u baahantahay waqti ay ku dhamaystirato muudinta sonkorta dareeraha kale ee la qaatay xilligii afurka, islamarkaasina isuna diyaariyo qaabilista cuntada iyada oo aan wax murug iyo khalkhal ahi dhicin.

Dr. Nawaal mar ay ka ka hadlaysay cuntada ugu fiican in lagu afuro, waxa ay sheegtay in xilliga afurka lagu dadaalo waxyaabaha uu jirku uu ka helo Faytamiinno iyo macdanno kale oo ka caawiya qofka sooman in aanu gaajoon, waxaa kale oo uu ka ilaaliyaa calool istaaga.

Dhinaca kalana waxa ay dhakhtaraddu kula talisay qofka sooman in aanu cuntada cunin inta uu dhergayo, balse uu in yar cuno, oo gaajada uu iskaga bi’iyo oo kaliya, waxa aanay si aad ah u dhalleecaysay sida caadada ah in isla marka la afuro lagu xigsiiyo shaah ama bun, iyada oo tilmaamtay in ay muhiim tahay in shaaha ama bunka iyo afurka loo dhexaysiiyo ugu yaraan laba saac, sababtana waxa ay dhakhtaraddu ku sheegtay in shaaha iyo bunkuba ay nuugaan maaddada xadiidka iyo maadooyin kale oo muhiim u ah jidhka.

Qallinka: C/laahi Ruush

War-bixin: Arday takhasusyo sare oo caafimaad ka dhigta Shiinaha oo ka waramaya noloshooda !

0

Beijing (SNTV)-Shaanxi waa mid kamida 33-ka gobal ee dalka Shiinaha, waxa uu 1,200 KM galbeed ka xigaa caasimada Beijing. Magaala madaxda gobalka oo ah Xi’an waxa joogta arday Soomaaliyeed oo darajada labaad ee waxbarasho ku diyaarineysa culuumta caafimaadka.

Habeen sabti ah 11-kii bishan May, 24-saac gudaheed oo aan booqasho u joogay maalada ayaa waxa aan la kulmay oo aan wareystay laba kamida in ka badan 30 arday oo dhigata Jaamacadaha magaalada Xi’an.

Ismacil Axmed Cumar, 29 jir ah iyo Cabdifitax Xasan Maqul oo 31 jir ayaa ila wadaagay waxyaabaha la xiriira noloshooda, waxbarashadooda iyo caqabadihii ay la kulmeen maalmihii hore ee dalkan ay ku cusboonaayeen.

“Waxa aan nimid Shiinaha 10-kii bishii September, 2017-dii. Waxa aan baraney oo aan ku baasnay barashada luuqada Shiinaha waxa loo yaqaan HSK1-4, waxa aan hadda ku jirnaa sannadkii 2-aad, waxa aan bartaa caafimaadka carruurta(Pediatrics) oo aan ka dhigto jaamacada Jiaotong qaybteeda caafimaadka”, Ismaciil ayaa sidaa yiri.

Ismacil Axmed Cumar

Wuxuu ardada geliyey laba qaanadood marka laga hadlayo deeqda waxbarasho ama lacag in ay ku dhigtaan iyo dalalka ay ka yimaadeen, waxa uuna sheegay in qaar ay iyaga iska bixiyaan ayna ka yimaadeen dalalka sida Canada, UK iyo Sweden iyo kuwa kale oo ka faa’ideysanaya deeqda waxbarasho ee dawladda Shiinaha siisay dawladda Soomaaliya.

“Aniga iyo saaxiibkey waxa aan 6-sano caafimaadka kasoo dhiganay  Jaamacadda Benadir ee Muqdisho, nasiib wanaag waxa aan helnay fursadan waxbarasho, waxa naga go’an inaan ka dhabeyno riyadeena ah inaan dhaqatiir noqono, waxan qabnaa rajo weyn in aan dadkeena wax tari doono markaan ku laabano oo ay waxbarashadeena noo idlaato July 2021-ka”, ayuu raaciyey.

Cismaciil ayaa ii sheegay in ay aad ugaga mahad-celinayaan dawladdaha  Soomaaliya iyo Shiinaha ee uga yaboobahay fursadaas, waxa uuna ku tilmaamay fursad mar la hel ah oo dahabi ah oo ay  ku sii wataan waxbarashooda.

Cabdifitax Xasan Maqul waxa uu bartaa‘Radiology’ takhasus la xiriira ‘Raajada’, balse arrinta cajiibka ah waa in Technology-yada ay wax ka badeshay fikirkiisa hore ee ahayd inuu barto ‘qaliinka’ waayo waxa uu indhaha saaray ‘Robots’ oo shaqadii qaliinka ah haya.

Cabdifitax Xasan Maqul

“Waxan rabay inaan barta ‘Qaliinka- Surgery’, balse waxa aan arkay kumbiyuutaro hayo shaqadaas oo aan suura-gal ahayn inaan ku dabaqo dalkii technology ahaan iyo qiima ahaan, waxa aan go’aansaday inaan bedelo fikirkaygii, waxana doortay inaan barto ‘Radiology’. Waan ku qanacsanahay waana danaynayaa cilmigan”, Sidaa waxaa  yiri C/fitaax.

Wuxuu sheegay in laba maalin asbuuci ay ku qaataan baratiko cusbitaalka Jaamacada balse labada sano ee soo socota ay cusbitaal kuwada qaadan doonaan maalin walba.

C/fitax waxa uu la midoobay qoyskiisa kadib markii loo ogolaaday in uu la yimaado xaaskiisa iyo cannugiisa yar, waxa uu ahaa nin farax-san oo dhoola-cadeyn sheekada igula qaatay.

Caqabadaha

Ardada ayaa hoosta ka xariiqay in caqabada uga weyn ee ay la kulmeen ay ahayd ‘Luuqada, kadibna sawirka xun ee dadku ka haysta Soomaaliya iyo Basaborka oo marka ay bangiyada sarif uga baahdaan culeys kala kulmayey.

“Waxaan baranay sanad luuqada Shiinaha balse ma aanan baran eray bixinta cilmiga la xiriirta takhasuskeena darajada labaad, waxa ay ahayd caqabad oo wakhti kale qaadaneysa ama u baahan in lagu barto”, Cabdifitax ayaa sidaa yiri.

Waxa uu u rajeeyey in jiilka dambey lagu bari doono eray bixinta cilmiga inta ay ku jiraan sannadka barashada HSK4- (barashada iyo imtixaan fahamka luuqada Shiinaha ah)ee takhasuska labaad.

“Waan ka xumaanaa marka aan la kulano dad sawir qaldan ka haysta dalkeena sida, burcad-badeed, dagaal iyo waxa Baido App-ka shiinaha soo bandhigo. Weli tani dhib ayey nagu haysaa, mana garaneyno sida aan xal kama dambeys ah uga heli karno ama looga tir-tiri karo app-kaas fadlan”, labada ardayba sidaa ayey muujiyeen.

Balse waxa ay bogaadiyeen TV-ga CGTN sida uu sheekooyin wanaagsan uga soo tebiyo Africa iyo Soomaaliyaba, iyagoo tilmaamaya in TV-gaas uu yahay kanalka kaliya ee muujiya rajada iyo nolosha wanaagan ee Africa.

Waxa ay xuseen in arrinta Passport-ga ay la wadaagaan dawlada kale(in blacklist), waana marka ay sarif u baahdaan kaliya balse waxaa arrintaas ka caawiyo maamulada jaamacadaha ama ardada ajnabiga saaxibadooda ayaa ka xaliya sidaas waxa kula taliya mamulayasha bangiyada.

Ardadan ayaa sidoo kale ka codsaday safaarada Soomaaliya in adeegyada la xiriira cusboneysiinta Passport-ga iyo documents-kale ay si dhaqso uga helaan marka ay dalbadaan.

Uga dambeyntii ardada ayaa galad weyn u muujiyey sida ay dadka Shiinaha ay u caawiyaan inta ay joogaan halkaas, iyaga oo carabka ku adkeyey in taageradooda aysan ilaabi doonin ayna qalbiga ku hayn doonaan ebed.

Shiinaha ayaa siiyey 98 ardey deeq-waxbarasho sanadihii 2017 iyo 2018-ka iyadoo uu u marsiiyey dawlada Soomaaliya maadaama labada dawladood ay wadaagaayan xiriir saxibtinimo oo ku qotoma iskaashi iyo xushmad.

W/Q:  Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Beijing-China

Dhahar oo caawa u soo gudubtay wareegga Sedaxaad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Todobo iyo tobnaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

 

Guddoomiyaha Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ahna Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da) ayaa sheegay in Tartamayaasha Dharkeynley ay qabtay cabasho, balse sida sharciga qabo loo sheegay inay tartanka sii wataan oo la xalinayo tabashadooda, isagoo intaa ku daray in Dharkeynley ay gebi ahaanba diiday in uu tartanka sii socdo oo cabashooda la xalin doono.

“Anshax xumo tii ugu darneyd waaye hannaanka ay u dhaqmeen tartamayaasha Dharkeynley, waana markii ugu horeysay ay tani dhacdo, waxaana ku dhawaaqayaa in sida uu sharciga qabo, Tartanka caawa waxaa badisay Dhahar ” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Tartanka.

Tartanka markii labada degmo la weydiiyay min afar su’aal oo qeybta hore ah, ayaa Dharkeynley waxa ay sameeyeen fal ka baxsan sharciga tartanka, waxaana tartamayaasha Dharkeynley afartii su’aal ee la weydiiyay ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen, mana helin wax ka faa’iideysi ah, balse tartamayaasha Dhahar ayaa ka jawaabay saddex su’aal oo ka mid ah afartii su’aal ee la weydiiyay, iyagoo ka faa’iideystay labo su’aal oo soo hareer martay dhigooda Dharkeynley, sidaas darteed Dhahar ayaa caawa heshay 10 dhibcood.

Hadaba kulankii 17aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Wadajir iyo Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Kumuu ahaa Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye?

0

Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka mid rug caddaayaashii iyo khubaradii siyaasadda iyo qorsheynta dalka ayaa maanta ku geeriyooday qarax argagixisada Alshabaab ka geysteen Muqdisho.

Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta iyo kuwa kale. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.
Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”.
Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

Marxuumad Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

0

Faadumo Cali Raage, oo ku caan ahayd Faay Cali, waxa ay ahayd Gaashaanle ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Waxa ay ahayd sarkaalad firfircoon, horay waxay uga tirsaneyd ciidanka ilaadada madaxtooyada, muddooyinkii dambeyna waxa ay ka mid ahayd saraakiisha hoggaamiya howlgallada Ciidanka Xoogga ee ka socda caasimadda bannaankeeda.
Mar ayay soo noqotay taliyaha howl-gelinta ciidanka Danab.

Waxa ay ahayd sarkaalad karti badan oo qeyb libaax ka qaadatay dagaallo lagu wiiqay cadowga Alshabaab, iyadoo mar walba ku jirtay furinta hore ee dagaalka.

Sidoo kale Faay Cali Raage, waxa ay ahayd hooyo Soomaaliyeed oo leh carruur iyo reer leh,kuwaas oo ku dadaali jirtay daryeelkooda.

Barqadii maanta oo ay tahay 17 Ramadaan, ayay ku shahiidday qarax argagixisada Alshabaab ku laayeen dad Soomaaliyeed oo saa’imiin ahaa.

Faay waxaa la geeriyooday saygeedii oo isaguna ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Faay Cali waxa ay ifka kaga tagtay carruur uu ugu yar yahay mid dhallan 30 cisho. Iyadoo 30 cisho umul ah ayay u soo kallahday difaaca dalkeeda iyo la dagaallanka cadowga ummadda oo aaney u kala soocneyn rayid iyo ciidan, dumar iyo carruur ama dad waayeel ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo si Kulul u Cambaareeyay Qarax ay Argagixisadu la beegsadeen Dad Bakarakacayaal ah

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax ay argagixisadu la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo Alle dartii u Sooman malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu Eebbe uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in Alle uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Korneyl Faay Cali Raage oo ka mid aheyd saraakiisha ciidammada Xoogga dalka, kuna dhimatay Qaraxii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Bahalnimo ee ay Argagixisadu shacabka u soo maleegayaan bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira cadowga Argagixisada ah ee Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan nabad-diidka Al-shabaab.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Xukuumaddu ay horumar ka sameysay Qabyo tirka Dastuurka

0

SNTV:-Warbixinta  Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in guddiga madaxa bannaan ee arrimaha dastuurka, guddiga labada aqal ee dib u eegista dastuurka iyo wasaaaradda arrimaha dastuurka oo yeeshay wada-shaqayn xooggan ay Muqdisho ku shireen intii u dhexeysay 4tii ilaa 7dii  February ee sannadkaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali uu xiritaankii shirkaas uu ku celiyay in dib-u-eegisga dastuurku ay tahay muhiimadda koowaad ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Dhincayada u xil saaran dib u eegista dastuurka ee shirka yeeshay ayaa soo saaray war-murtiyeed waxa ayna ku celiyeen in ay sii wadayaan wada-sahqaynta, waxa ayna dalbadeen in laga fogaado muranka siyaasadeed ee horseedi kara in uu wiiqmo qorshaha dib-u-eegista dastuura, iyaga oo codsaday in la karaariyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sagaal kamid ah 15-ka cutub ee uu ka koobanyahay dastuurka kumeel gaarka ah ayaa dib-u-eegis lagu sameeyay, shan kamid ah sagaalkaas cudubnta waxaa la hor geeyay  Baarlamaanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in cusubyada aan wali lagu samyn dib u eegista ay kamid yihiin qeexidda awoodaha, hannaanka dowladeeed iyo maqaamka Muqdisho. Baarlamaanka ayaa la filayaa in in ay ka doodaan dib u eegista lagu sameeyay cutubyada kahor inta aan guud ahaan ka doodin dib u eegista oo dhamaystiran.

Intii lagu guda jiray shir ay Kismaayo ku yeesheen 8dii ilaa 10-kii April, guddiyo farsamo oo ka socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo guddiyada dib u eegista dastuurka kumeel gaarka ah ayaa la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada si looga guul gaaro himilada ummadda Soomaaliyeed.

SHARE

Kismaayo oo is geeysay Wareegga Sedaxeed Ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)– Caawa waxaa foodda is dary Laba degmo oo ka kala tirsan Jubbaland iyo Banaadir oo ahaa Magaalooyinka Kismaayo iyo Wartanabadda.

Min Todoba Su’aal ayaa la weydiiyay laba degmo oo ay xaq u lahaayeen.

Kismaayo ayaa ka jawaabtay Sedax kamid ah Su’aalihii la weydiiyay, waxaa hareer maray Afar kale, halka ay ka faa’ideysteen Shan Su’aal oo ka timid dhiggooda Wartanabadda.

Wartanabadda oo kamid aheyd degmooyinka side xig-xiga u qaado Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Dowladda ayaa xalay fagaaraha Tartanka kala tagtay dhibco la’aan.

Midna kama jawaabin dhamman su’aalihii la weydiiyay, sidoo kale kama faa’ideysan su’aalaha Afarta ah ee Kismaayo lumiyeen, sidaas ayay ku haraan dhibco la’aan.

Kismaayo ayaa ugudubtay waregga sedaxaad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan ee Warbaahinta Qaranka iyadoo isu geynta Natiijada ay heleen noqotay 16 Dhibcood.

Habeen Dambe Dhahar iyo Dharkeenley ayaa wada ballansan oo ka kala tirsan Sanaag iyo Muqdisho.

kismaayo sedax kamid ah ayay ka jawaabeen

shan wey ka faa’ideysteen

16

warta nabadda 0

habben dambe

dhahar sanaag

dharkinley gob