Home Blog Page 1034

Madaxweyne Farmaajo “Waa in degdeg loo joojiyaa dirirta sokeeye ee ka socota Ceel-Afwen”

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

“Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.

Wasiir Goodax oo daah-furay mashruuca horumarinta waxbarashada

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait), oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka hadlay mashruucan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, waxaana mashruucan laga fulin doonaa dhammaan Gobolada Dalka oo idil, si looga wada faa’iideysto.

“Waxaan Maanta daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare”ayuu yiri mudane; Goodax.

Waxaa daah-furka mashruucan goobjoog ka ahaa xubno ka socda hay’adaha USAID, EU, ECW secretarial, UNICEF iyo ADRA, iyagoo si wada jir ah u soo dhoweeyay yididiila wanaagsanna ka muujiyay.

Ciidanka ammaanka oo Degmada Dharkeynleey kusoo bandhigay Burcad Shacabka dhac u geysan jirtay iyo Hubkii ay wateen

0

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka ammaanka ayaa Maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix Nin oo Burcad ah, kuwaas oo Dadka Rayidka ah dhac iyo handedaad u geysan jiray.

Raggan oo markii lasoo qabanayay ku Hubeysnaa Qoryaha AK-47, ayaa Bulshada ku hayay dhib fara badan, kuwaas oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidanka, si loogu qaado dembiyada loo haysto.

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan, oo goobta lagu soo bandhigayay Burcadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan wadaan olole ballaaran oo lagu cirib tirayo qowleysatada dhaca u geysta Shacabka ku dhaqan Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Olole xoogan baan wadnaa oo cid kasta oo Hub u adeegsata Shacabka loo gudbinayo Maxkamada Ciidanka si aan Shacabka u badbaadsanno” ayuu yiri Guddoomiye  Yariisoow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qofkii ka daba yimaadda Burcadda loo aqoonsanayo Burcad-kalkaal, isla markaana laga qaadi doono tallaabada ku habboon.

Wasiir Goodax oo kormeeray halka ay ka socoto diyaarinta natiijada Imtixaanaadka

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ,ayaa Maanta kormeer ku tagay  xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii Wasaaradda waxbarashada ay qaadday Sannad Dugsiyeedka 2018/2019 oo shaqaalaha wasaaraddu ay ku howlanyihiin dardargelinta dhameystirka xareynta xogta imtixaanka la saxay.

Wasiirka Waxbarashada , Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee wasaaradda ka dhageystay warbixin ku aadan  halka uu marayo dhameystirka howlaha imtixaanka.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ayaa mid mid u dul istaagay shaqaalaha qaabilsan dhameystirka Imtixaanka waxa uuna ka wareystay habka uu u socdo howlaha imtixaanka.

“Waxaan maanta kormeeray xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii la qaaday ee sannad dugsiyeedka 2018/2019 oo ay shaqaalaha wasaaraddu si habsami leh u wadaan dardargelinta shaqadii loo idmaday.

Sixidda Imtixaanka ayuu sheegay in uu soo maray wajiyo badan, isla markaana hadda uu taagan yahay heerkiisa gaba-gabada oo ah xareynta Imtixaanka la saxay, isagoo intaa raaciyay in dhowaan la shaacin doono natiijada.

FAALLO: Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan

0

Beryahaan waxaa socdaal shaqo ku kala bixinayay Deegaanno ka tirsan Gobollada Galguduud iyo Mudug Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna safar lugta ah ku oo kala bixiyay Magaalooyinka Dhuusa-mareeb, guri-ceel, Cadaado, Balanballe, Caabud-waaq, Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo la xariira dib u heshiisiinta, nabadeynta Deegaanada iyo Qarameynta Ciidamada.

Kadib Mudane Kheyre waxa uu u gudbnay Magaalada Gaalkacyo qeybta waqooyi ee Maamulka Puntland oo Ra’iisul-wasaaha si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana qeyb libaax ka qaatay Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo waxayna soo dhaweyntaasi ka dhacday garoonka kubbadda cagta Cawaale markii Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo socdaal ku soo gaaray dhanka Waqooyi ee Magaaladaasi.

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa Ninkii Alifay Naqshadda Calanka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood ka soo jeeday gobalka Mudug, wuxuuna aad ugu dheeraaday Taariikhda Magaalada Gaalkacyo iyo Halgamayaashii SYL ee ka soo jeeday Magaaladaasi.

“Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta Ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan Karin, Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, wuxuuna halheyskiisu ahaa GAALKACYOOY MA NABAD BAA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada, wuxuuna intaasi raaciyay ama uu yiri:- “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug loogana dhigaayo sida ay ay rabaan, islamarkaana waxa uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu Dhagax dhigay Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Munaasabadda Dhagax dhiggaasi ay ka qeyb galeen Guddoomiyayaasha Gobalka Mudug iyo Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qeybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada Labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dadaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan arrintaasi, si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda oo aad ugu dheeraaday ammaanta Magaalada Gaalkacyo ayaa yiri:-“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”.

Hoyga nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqonaya Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah ee Bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado is-dhex galka Bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba Shacabka iyo dowladda waxaa lagu micneyn karaa Wadnaha iyo Beerka qofka bini-aadamka, sidaasi awgeed lama kala qaadi karo Shacabka iyo dowladda, sidaasi awgeed waxaa la dhihi karaa:-“ Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan”.

W.D: C/laahi Ruush

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo warbixin siiyay xubno ka tirsan Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho-(SNTV)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo katirsan Wasaaradda Dastuurka, ayaa shalay kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo ay wehliyaan Agaasime-waaxeedyo katirsan Mdaxtooyada Qaranka iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha JFS.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlihii Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor-gudboon dhameeystirka Dastuurka.

Agaasime Maxamed Zubeyr, ayaa sheegay in qodobada dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo dhameeystiray balse ay weli wax ka qabasho u baahanyihiin qodobada arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Wasaaradda ay dedaal badan ku bixisay arrimaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ah ee dib-u-eegista dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Fuursade ayaa soo jeediyay in xooga la saaro arrimaha wacyigelinta oo dadka aad loo fahansiiyo micnaha dastuurka iyo muuhimadda uu leeyahay, waxuuna ballanqaaday in Madaxtooyada ay garab istaagi doonto Wasaaradda si looga mira-dhaliyo howlaha dhameeystirka dastuurka.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in kulanka noocan oo kale ah la joogteeyo si Madaxtooyada Qaranka ay xog-ogaal uga noqoto howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Duqa Muqdisho oo furay tartanka Kubadda Gacanta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane;  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng; Yariisoow), ayaa Shalay Galab Garoonka Wiish ee Degmada C/casiis ka furay Koob Kubadda Gacanta oo loo qabtay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen Degmooyinka Hodan iyo Xamar-weyne, ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Cayaaraha ee heer Gobol, masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah oo usoo daawasho tagay.

Goddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cayaaraha ahmiyad gaar ah u leeyihiin horumarka iyo isdhexgalka bulshada Caasimadda.

“Waxaan halkan ka fureynaa tartanka Degmooyinka ee Kubada Gacanta, Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka caasimadda, waxaan rabnaa inaan uga mahad celino doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Eng; Yarisow ayaa tilmaamay soo nooleynta Kubadda Gacanta in ay ka tarjumaysaa aragtida maamulka Gobolka Banaadir uu ku soo nooleynayo sidii ay barisamaadkii ahaan jireen tartamada kala duwan ee cayaaraha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsheyaal ay Dhallinyaradu isku dhexgalaan, kagana fogaadaan fekradaha xagjirnimada ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (SNTV)–Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada.

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood kasoo jeeday gobalka Mudug.

“Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan karin. Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada.

“Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”, Ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

0

Arbaco, July 10, 2019—Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka oo ay ka qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay barnaamijyada horumarinta dalka.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, dowlad gobaleedyada iyo wasaarahaha haweenka iyo qorsheynta.

Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa intii uu shirku socday waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Ruushka

0

 Luuliyo 10, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.