Madaxweyne Lafta gareen oo goor dhow gaaray Magaalada Marka+Sawirro

Date:

Marka-(SNTV)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magalada Marka eeCaasimadda Gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada hoose, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha degaanka Ceel-jaale.

Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmahanba ku sugnaa Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in uu uga warbixiyo maamulka iyo Shacabka Marka wixii uu halkaasi kula soo kulmay, iyaga oo sidoo kale la filayo in ay kala war qaataan, si ay ula socdaan xaaladda guud ee Gobolka Shabeellada hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....