Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Date:

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka,Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen horjooge,Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa nabadiidka Al-shabaab.

Sidoo kale horjoogahan isa soo dhiibay ayaa Argagaixisada u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay nabad diidku ugu yeeraan kooxda jugta culus.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa horjooge sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl; Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista horjooge Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Nabad-diidka, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...