Maamullada Gobalka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo oo soo dhaweyn ballaaran u sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamullada gobalka gobalka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ay u sameeyeen.

Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug oo munaasabadda soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid magaalada Gaalkacyo iyo dadaalladiisa dhismaha Galmudug dhamaystiran, waxa ayna codsadeen in dowladdu wax ka qabto baahiyaha bulsho ee ka jira degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka Mudug.

Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...