Bandhig wax soosaarka Dalka oo baydhabo lagu qabtay (Warbixin)

Date:

Dhaqaalaha Soomaaliya marka laga hadlaayo waxa uu inta badan ku tiirsan yahay Xoolaha nool, Beeraha iyo Kalluumeyiga, marka haddaay sidaasi tahay ayaan diiradda ku saareynaa Beeraha iyo wax soosaarka Dalagyada kala duwan ee ka baxa Dhulka Soomaaliyeed.

Beeraha Soomaaliya waa isha Labaad ee waxsoo saarka wadanka Soomaaliya taasi oo ay tiro badan oo dad ahi ku tiirsan yihiin, sida caadiga ah, dallaga Soomaaliya waa dhammaan dhirta (muraha iyo khudaarta) ka soo baxa beeraha wadanka Soomaaliya. Waxsoo saarka beeraha Soomaaliya waxay gaarsan yihiin 65% Dhaqaalaha aasaasiga wadanka, taasi oo soo ururinaysa isticmaalka wadanka dhexdiisa iyo dhoofinta badeecada dunida inteeda kale loo ganacsi geynayo.

Abuurka iyo wax-soosaarka beeraha waxaa ay qeyb ka yihiin waxyaabaha ugu waaweyn oo ay ku tiirsan yihiin dadka Soomaaliyeed, waxaana in muddo ah meesha ka baxday wax-soosaarka dalagga Beeraha iyo Suuqyadii loo iib geyn jiray, kuwaasi oo hoos u dhigay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray dadkuna ay ku tiirsanayeen.

Haddaba si kor loogu qaado wax soosaarka Beeraha iyo suuq geynteedaba ayaa Magaalada Baydhaba waxaa shalay lagu qabtay soo bandhigis wax soo saarka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah mashruuc ay maalgeliso hey’adda kaalmada u qaabilsan Maraykanka ee USAID.

Mashruucaan oo lagu soo bandhigay wax soosaarka Dalka oo ay maalgalinteeda iska leedahay Hey’adda Kaalmada dibada ee Dalka Maraykanka ee loo soo gaabiyo USAID ayaa shalay laga furay Magaalaa Baydhabo oo ah Xaruunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay furitaanka Munaasabadaasi Masuuliyiin ka socotay Maamulka Koonfur Galbed, kuwa USAID, kuwa samafalka, maalgashiyaasha iyo kuwa ganacsiga.

Waxyaabaha la soo bandhigay waxaa ka mid ah:- Khudaarta noocyadeeda kala duwan, Cuntooyinka Wadaniga ah sida Haruurka ama Masagada, Galeyda, Digirta, Sisinta iyo kuwa kale.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay Hilibka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin Hilibka Digaaggga iyo Kalluunka.

Hey’adihii soo agaasimay Bandhigaasi masuuliyiintooda oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxay halkaasi ka sheegeen in mashruuca ay maanta daahfurayaan loogu talagalay sidii isku fillaansho dhanka dhaqaalaha ah loo gaari lahaa, waxayna xuseen inay mar walba kaalmeyn doonaan ganacsatada yar-yar si loo kobciyo dhaqaalahooda wax soosaar.

Barnaamikani ayaa lagu sheegay inuu aad waxtar ugu yahay dhammaan dhinacyada ay khuseysa, waayo Mashruucani waxa uu faaiido u yahay dhanka sare u qaadidda wax saasaarka Dalka iyo waliba shaqo abuur u yahay Dhallinta, waxaana toos loola shaqeeyaa Ganacsatada iyo wax soosaarka la tartami kara Dalagyada dibadda la geeyo.

Munaasabadaasi ayaa waxaa kaloo ka hadlay Dadkii soo bandhigay wax soosaarkooda, waxayna sheegeen inay halkaasi keeneen wax ay soo saaraan Shirkadahooda ganacsi oo ay ka mid yihii Khudaarta, Hilibka oo dhowr nooc aha, isalmarkaana ay ku faraxsan yihiin inay soo bandhigaan wax soosaarkooda, ayna u helaan suuq ganacsi oo furann.

Waxaa kaloo ka mid ahaa Ganacsatadii wax soo bandhigtay shirkad ku howlan dhinaca Abiuur, kuwaasi oo soo bandhigay Abuurka ay hayaan, si ay beerleydu u helaan abuur caafimaad qaba, waxaa kaloo halkaasi lagu soo bandhigay Hilib loo sameeyay qaabka ay Soomaalidu u taqaan Oodka iyo Timirta.

Wasiirka Qorsheynta ee Maamulka Koonfur Galbeed Axmed Baashi oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in si loo gaaro isku filaasho dhinaca Cuntada ah waa in kor loo qaado wax soosaarka Dalaga beeraha.

Mashruucani ayaa ah kii ugu horreeyay ee laga hirgaliyo Magaalada Baydhabo ee Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo horay Mashruucani mid la mid ah looga soo hirgaliyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo ka tirsan Maamulka Puntland.

W.D:- C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...