Home Blog Page 1002

32 Qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Afghanistaan

0

32 Qof ayaa ku geeriyootay 17 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, markii ay Maanta oo Arbaco ah Miino la kacday Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Dad Rayid ah, xilli uu marayar Waddo u dhaxeysa Kandahar iyo Herat ee Dalka Afghanistaan.

Afhayeenka maamulka Gobolka Farax , Muhibullah Muhib, oo warbaahinta Al-Jaziira la wadaagay qasaaraha halkaasi ka dhashay ayaa sheegay in ay Dadkaasi ku waxyeelloobeen Miino ay Ururka Taliban ku aaseen Waddada dhinaceeda.

“Miinadu waxay ahayd mid dhowaan ay meesha geliyeen Jabhadda Taliban, iyaga oo uu bartilmaameedkoodu ahaa Ciidamada Afghanistaan iyo kuwa nabad ilaalinta Caalamiga ah, waxanay dhibbanayaashu u badnaayeen Haween iyo Carruur”,ayuu yiri, Muhibullah Muhib.

Sediq Sediqqi, oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Afghanistaan ayaa dhimashada ku sheegay in ay gaareyso 34 Qof, wuxuuna mas’uuliyadda qaraxa dusha ka saaray Ururka Talibaan ee Gacan-saarka la leh Al-Qaacidda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kasoo laabtay socdaal ay ku mareen deegaannada Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ka mira dhalinta shir-weynaha Dhuusamareeb ka furmaya August 05,2019 ee la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si la isugu diyaariyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay najiijadii kasoo baxday kulamadii ay la qaateen iyo farriintii ay gaarsiiyeen bulshada deegaannada Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga faray in laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran shirka si loo gaaro hadafka guud oo ah in la helo Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta bulshada reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarinta qarannimada Soomaaliyeed.

Guddiga Qaban-qaabada Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo Baaq u diray dhammaan beelaha Galmudug

0

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay deegaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa  ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaatay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019.

Xaaladda Caafimaad ee Duqa Muqdisho.

Dooxa (SNTV) Waxaa soo hagaagaysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo lagu daaweynayo Dalka Qatar.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, kana mid ah Dadkii raacay dhaawacyadii Magaalada Doha loo qaaday ayaa ka warbixisay, xaaladda caafimaad ee Guddoomiye Yariisow.

Waxaa ay sheegtay in ay soo wanaagsanaanayso xaaladdiisa caafimaad, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay bogsashada Guddoomiye Yariisow, waxaa ay sheegtay in ay dhaqaatiirtu u sheegeen in xaaladdiisa caafimaad ay kasoo roonaanayso sidii uu horay u ahaa.

Siyaasadda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Dadweynaha oo lasoo bandhigay.

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ( Siyaasadda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Dadweynaha)

Link-ga hoose ku dhufo si aad u akhriso

ID-Policy-Somali-cover-final-

Guddiga dib u heshisiinta Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Muqdisho (SNTV) Guddiga qabanqaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug, guddiga ayaa halkaasi u tagay in ay la kulmaan Odayaasha iyo wax garadka Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.

Guddiga ayaa horay u soo maray Magaalooyinka Guriceel, Xeraalle, Ballanbal, iyo Caabudwaaq halkaas oo ay kula kulmeen Odayaasha deegaannadaas iyo guud ahaan wax garadka bulshada, waxaana laga wada hadlay sidii loogu midoobi lahaa shirweynanaha ay qabanqaabadiisu socoto.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka & Dib u heshiisiinta ayaa laba todobaad ka hor magacowday Guddigan, si xal loogu helo dhismaha Galmudug loo dhanyahay isla markaana mideysan.

Wasiir ku xigeenka Batroolka oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ku boorriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Dalka

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Columbus, Ohio Dalka maraykanka ayaa si diirran usoo dhoweysay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal.

Wasiirka oo Safar shaqo ku tagay Dalka Maraykanka ayaa uga warbixiyay Jaalidda Soomaaliyeed xaaladda uu Wadanku marayo, wuxuuna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib-udhis ka Dalka si hormar waara loo gaaro.

Mudane: Hilaal, ayaa mid-mid u gacan qaaday,kanaa xog waraystay xubnahii ka qeyb galay kulanka xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqaan dalka Maraykanka, wuxuna ku boorriyay in ay isgarab taagaan Dowladdooda iyaguna ay muujiyaan walaalnimo iyo Waddaniyadda ka dhexaysa bulshada Soomaaliyeed.

  

Qatar oo mashaariic ka hirgelineysa maamul goboleedka Hirshabeelle

0

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Dr ; Maxamed Cabdi Waare,  ayaa Shalay Madaxtooyada Jowhar ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ,Danjire; Xasan Bin Xamsa Asad Haashim.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo la xiriira fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay Qatar ka fulineyso Hirshabeelle, sida dhismaha Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar oo Maalmaha nagu soo aaddan la billaabayo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle,Maxaned Bashiir Qaasim, ayaa dhanka kale sheegay in Wafdiga reer Qatar ay kormeer ku sameeyeen , wersheddii Isnai ee Sonkorta iyo Beeraheedii, wxayna ka wada hadleen sidii loo soo nooleyn lahaa.

Sidoo kale waxay kormeer ku sameeyeen, Beerahii Bariiska iyo goobihii lagu dhigi jiray dalagyadii kala duwanaa ee ay Jowhar caanka ku ahayd, wuxuuna Wasiirku sheegay in ay ka faa’iideysan doonaa fursadaha hor yaalla.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane; Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle,Sheekh Cusmaan Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

Xaaladda caafimaad ee dhaawacyadii loo qaaday Dalka Qatar oo soo hagaageyso

0

Waxaa soo hagaagaya xaaladda caafimaad ee Dadkii dhowaan ku dhaawacmay qaraxii ay argagixisadu ka geysteen xarunta Gobolka Banaadir, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar, C/risaaq Faarax Cali (Taano).

Dhaawacyadii la geeyay Magaalada Doxa ee Caasimadda Dalka Qatar oo isugu jira mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Shacab ka kooban 12 Qof ayaa aad usoo ladnaanaya sida uu Safiirku sheegay.

Dhaawacyada la geeyay Dalka Qatar oo isugu jira Dad kusoo waxyeelloobay qaraxyadii ka kala dhacay agagaarka KM 4 Muqdisho, magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ayuu sheegay Safiirku in ay si isku mid ah u qaabbishay xukuumadda Doxa, wuxuuna ugu mahad celiyay sida ay ugu hagar baxday Daweynta Dadkaasi.

“Dowladda Qatar waxay sameysay dedaal kii ugu weynaa, waanan ugu mahad celineynaa, laga billaabo jawaabtii deg-degga ahayd ee ay bixisay, in 24 Saac wax ka yar ay noo soo dirtay Diyaarad iyo Dhaqaatiir 19 ka kooban, dhaawacyadii oo dhanna ay qaadday, iyo dhaawacyo ay kusoo dartay Dhaqaatiirtu dhaawacyo hore oo isugu jira kuwo laga keenay Boosaaso, Kismaayo iyo KM4, marka waa ugu mahad celineynaa in ay noqdeen Dowladdii ugu horreeysay ee Jawaab deg-deg ah bixisay”ayuu yiri, Safiirku.

Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qatar ayuu sheegay in ay sameeyeen dedaallo dheeri ah, wuxuuna intaa raaciyay in ay sameeyeen Dad heegan ah oo mar walba ka war haya xaaladda Dhaawacyada.

Xaaladda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan ayuu sheegay in ay aad usoo hagaageyso , lana filayo inuu dhowaan ka bogsoodo dhaawacii soo gaaray, isagoo ka muujiyay yididiilo wanaagsan iyo is beddel caafimaad.

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed ee magaalada Washinton

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo ku sugan dalka mareykanka ayaa qudbad dhinacya badan taabaneysa u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washinton ee dalka Mareykanka.

“Sharaf ayay iitahay in aan khudbad muhiim ah ka jeediyo shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Magaalada Washington oo aan u faah faahiyay guulaha dhaqaale ee aan gaarnay iyo inta wali aan tiigsaneyno ku guuleysigooda” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa Soomaalida ku nool qurbaha ku ammaanay dadaalka iyo dhaqaalaha ay u soo diraan dalka, taasoo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee dalka ka jira.

“Qurba-joogta Soomaaliyeed waxbadan ayay Dalka u qabteen, kabadan ayaa wali looga sii baahanyahay” ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Beyle ayaa Dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska kaashaadaan horumarinta dalka, isagoo sheegay in muwaadin kasta looga baahanyahay in uu qeyb ka noqdo hormarka iyo nabad gelyada dalka.