Home Blog Page 1002

Tartanka Ciyaaraha Fudud oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (SNTV)- Tartankan Oradka Gaaban ee (Marathon) oo lagu xusayay maalinta horumarinta Ciyaaraha iyo Nabadda Aduunka iyo maalinta Ciyaartooday Soomaalliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa soo qabanqaabiyay Tarnkaan Wasaaradda Dhalanyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo uu martigeliyay maamulka Gobolkani Banaadir.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir oo isugu jira wiilal iyo gabdho,kuwaasi oo soo bandhigay tartan cajiib ah,waxaana furitaanka goob joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxmed Diiriye.

Kaalinta koowaad waxaa galay Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday wiilasha degmada Kaaraan,halka kaalinta labaadna ay gashey Ikraan Maxamed Xuseen oo ka socotay gabdhaha degmada Boondheere.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan masuuliyiinta Olombikada iyo Ciyaaraha ayaa dhiirogeliyay dhamaan dhalinyaradii ka qeybqaadatay.

tartanka oo sanadkiiba 5 April mar la qabto ayaa Soomaaliya lagu qabanaya sanadkii 2-aad tan iyo markii ay burburtay dowladii Dhexe ee Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo ka sameeyey nawaaxiga degmada Jamaame

Kismaayo (SNTV)- Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Komaandooska Danab iyo ciidanka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa saakay hawlgallo ka sameeyay deeganada Jiinka Wabiga ee hoos taga degmadda Jamaamme.

Aroortii hore ciidanka waxaa ay dagaal kula wareegeen tuulada malayley oo kaabiga ku haysa degmadda Jamaamme ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobta lala wareegay waxaa ay xarun ay ku dhuuntaan u ahayd kooxda argagixisadda Al-Shabaab, ayadoo la rumeysan yahay in ay ku hagaajin jireen walxaha Qarxa sida Miinoyinka wadadada la dhigo oo ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan.

Goobtan laga xoreeyay cadawga  iyo xarumo kale oo gediga kale ee Wabiga ahba waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa Jubbaland ee isku garabsanaya la dagaalanka kooxda argagixisadda Al-Shabaab ee uu gabalkooda dhacay.

Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo xafiis cusub ka hirgelisay Gedo

0

Gedo (SNTV)- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xaafiis ka furatAy magaalada Baar-dheere ee gobolka Gedo si bulshada deegaanadaasi ku dhaqan ay u helaan adeegyada aas aasiga ah oo ay u baahanyihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Mudane Maxamed Xuseen Al-qadi iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Howlaha ee HSJ Mudane Haashim Axmed Cabaas ayaa xaragga ka jarey xaafiiska HSJ ee degmada Baardheere ee Gobolka Gado.

Xaafiiskaan oo ah kii 4aad oo ay hay’addu ka hirgelisey gobolka Gedo ayaa bixin doonaa dhammaan adeegyada ay bixiso HSJ, waxaana si weyn u soo dhoweeyey  Bulshada ku dhaqan Degmada Baardheere.

Dhawaanahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa adeegyada muhiimka ah oo bulshada Soomaaliyeed ay uga fadhiyeen Hay’adda.

Waxaa lagu guuleystay in Hay’addu ay xafiisyo ka furato gobolada dalka,iyadoo sidoo kale kuguuleystay in dadal badan oo caalamka ka mid ah ay aqoonsadaan adeegyada Baasboor ee dalka.

Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Ammaanka Caasimadda iyo awoodsiinta Dhalinyarada

Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Qorshaha Amniga Caasimadda, Awoodsiinta Dhalinyarada ee hirgelinta Is-XilQaan iyo horumarka Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa xubnaha Maamulka ee kulan ka qeyb galay uga warbixiyey isbadalka dhinaca ammaanka ee lagu sameeyey Caasimadda, waxuna ka codsaday shacabka ku nool Muqdisho in so dhow loola shaqeeyo Ciidanka Amniga.

Eng.Yarisow ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka IsxilQaan ee dalka lagu dhisayo, waxuna uga mahadceliyey dhalinyarada doorka wanaagsan ee ka qaadanayaan dib-u-dhiska, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir ahmiyad gaar ah siinayo shaqo abuurka dhalinyarada iyo in kaalin wanaagsan ay ka qaataan horumarka dalkooda.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixin ku addan horumarinta Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo sidii uu Maamulku door fir-fircoon uga qaadan lahaa, waxaa laga dhageystay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

Janaraal Zakia’Waxaan xaqiijinnay in ay jiraan dhaawacyo 8 ah, ma jiraan ilaa iyo hadda wax dhimasho ah”

Muqdisho (SNTV):- ;Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in gaariga qarxay uu ahaa Primeo- Toyota ah, midabkiisu caddaan yahay uuna ku qarxay saacaddu markii ay ahayd 7:10 PM fiidnimo meel ay ku yaallaan goobo ganacsi oo u dhaxaysa Isbitaalka Yardimeli iyo Dugsiga Janaraal Kaahiye.

Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ay jiraan dhaawacyo 8 ruux oo 4 kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yaryar oo meesha ku yaallay waxayna intaas raacisay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax dhimasho ah.

Janaraal Zakia ayaa dhammaan shacabka iyo bahda warbaahinta u sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ilaa ay laamaha amniga ay ka xaqiijiyaan in meesha la tagi karo.

“Waxaad ogtihiin khatarta ka dhalan karta qaraxyada labaad ee lala beegsado dadka ku soo xooma goobta uu qaraxii hore ka dhacay. Waxaad marqaati ka tihiin in dad badan oo ay suxufiyiin ku jiraan ay inooga dhinteen weerarrada nuucaan ah ,sidaas darteed anagoo ku dadaaleena badbaadada shacabka, ciidamadu ma ogolaan doonaan in goobaha qaraxyadu ka dhacaan lagu soo yaaco ilaa laga hubiyo inuusan qarax kale oolin goobta.” ayay tiri Janaraal Zakia

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tiri “Annagoo ka jawaabeyna codsiyada ka yimid shacabka Gobolka Banaadir  waxaa Ciidanka Booliiska ay maanta hirgaliyeen khad telefoon oo ay si fudud shacabka noogala soo xiriir karaan, idinka oo si toos ah nooga soo wici kara 991 oo 24ka saac diyaar ah.

Ugu dambeyn Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kula talisay shacabweynaha in ay masuuliyad iska saaraan ilaalinta gawaaridooda iyo meelaha ay dhigayaan maadaama ay marar badan dhacday in qaraxyo loogu xiray.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo War kasoo saartay Dhibaatadii ku dhacay Khadra Dhicis

0

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada waxaa ay cadayneysaa in ay  aad uga xuntahay dhibaatadii ku dhacday  Kharda Maxamuud dhicis oo Shalay subax taariikhda markay aheyd 03/04/2019 tagtay xarun caafimaadka  ee Degmada Xamar Jajab iyadoo fool ah, Xaruntaas oo ay Gacanta ku heyso Hay’adda  WARDI.

Baarintaan hor dhac ah oo ay samaysay Wasaaradda caafimaadka waxay cadaynaysa in Gabadhaas ay timid xarunta caafimaadka abaarihii 4ta Aroornimo,Waxayna la kulantay Kalkaalisadii Caafimaad oo heeganka laheyd, taas oo ka ku wargelisay  gabadha foolanaysaa inay lagama maarmaan  tahay in la helo qof qoskeeda ka tirsan oo la jooga. 

Gabadha oysan jirin cid wheel u ahyd ayaa dibedda usoo baxday waxaana ku kordhay xanuunkii foosha taasoo keentay inay isbitaalka iridiisa ku dhasho, ayadoon aysan helin gargaar caafimaad. 

Xaruumaha kala duwan ee dalka ee wasaaradda caafimaadka hoos taga waxay si joogta ah adeeg caafimaad ugu fidyaan  xaaladaha dhalmada hooyada, adeegaas waa mid lacag la’aan  ah , hase yeeshe xaalada Khadra Maxamuud dhicis waa xadgudub ay ku kacday kalkaalisadii heeganka lahayd ee xaruunta. 

Sidaas darteed wasaaradda ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadda ka saran daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka waxay qaaday talaaboyinka soo socda:

1-In isla markii dhacdadu soo baxday kalkaalisada shaqadii laga fariisiyey.

2-in la sameeyey guddi xaqiiqo raadis ah  oo arrinta soo baara , warbixin dhamaystirana ka keena.

Wasaaraddu waxay ballan qaadaysa in warbixinta dhabta ah oo xaqiiqda ka salaysan la wadaagi doonto dhamaan ciddi danaynaysa oo rabta inay wax ka ogaato xaqiiqdaa dhacdadaas.

Wasiirka Amniga XFS oo guddoomiyey Shir dhex maray Dawladda iyo Beesha Caalamka

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa maanta guddoomiyey Shir dhex maray Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirkaan ayaa Waxaa looga hadlay Horumarinta Amniga guud ee dalka iyo Kaalinta Beesha Caalamka ay ka qaadan karto arrimaha Ammaanka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida. 

Sidoo kale Shirkaan dhex maray Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu taageeray qorshaha Dawladda ee dib u habeynta Ciidamada.

“Waxaan maanta guddoomiyay shir dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliga iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlayay Horumarinta Amniga Guud ee Dalka Somalia iyo kaalinta beesha Caalamka, iyadoo lagu taageeray qorshaha Dowladda ee dib u habeynta Ciidamada” Ayuu yiri Wasiir Ducaalle.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo Ku Guulaystay Tartankii Loo Galay Qabashada Xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe

0

Muqdisho (SNTV) –Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen magacaabista guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Golaha wasiirrada ayaa soo jeedinta wasaaradda maaliyadda kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhaqaalaha aqoon durugsan u leh uu qabto xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

Bangiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha ugu muhiimsan hagidda hannaanka maaliyadeed ee dalka ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.

Madaxwanaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay shirka wasiirrada oo ay ka qayb galeen Howl-wadeenno Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada KGS oo ay ka qayb galeen khuburo iyo howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay qorsha daadejinta tubaha qaranka, waxa uuna madaxwaynaha Koonfur galbeed uga mahad-celiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sida uu uga aqbalay codsigiisii ahaa in koonfur galbeed laga hir-geliyo tubaha qaranka si shaqooyinka dhan loogu saleeyo halbeegyada tubaha.

Howl-wadeennaha iyo khuburada kale ee ka socda xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan ku guuleestay in ay dawlad gobaleedka Hir-shabeelle ka hir-geliyaan afarta tubood ee kala ah, Amniga iyo cadaaladda , Siyaasadda loo dhanyahay, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, ayaa qorshohooda ugu wayn ee socdaalkooda Baydhbao waxa uu yahay in ay dhidibada u taagaan tubaha Koonfur galbeed si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Khuburada ayaa waxa ay tababarayaan howl-wadeennada madaxtooyada Koonfur galbeed ay u diyaarisay in ay wadaan howlaha tubaha, waxa ayna sidoo kale howl-wadeennada la diyaarinayaan halbeegyada tubaha.

 

Shaqaallaha Madaxtooyada Soomaaliya oo qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan

0

Muqdisho (SNTV)-Shaqaalaha Madaxtooyadda Soomaaliya  ayaa maanta markii Afaraad ka qeyb qaatay ololaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo Madxafka Qaranka.

Kaalin weyn ayey oo Lixaad leh ayey ka geysteen Ololaha Isxilqaan, waxaana Shaqaallaha la arkayey iyaggoo wata qalabka dhismaha oo si howlkarnimmo ah u shaqeynayo.

Dhismaha Xarumaha danta guud ayaa waxaa si xowli ah u socda dib u dhiskooda iyadoo dhamaan ay ka qeyb qaadanayaan Hey’addaha iyo sidoo kale Wasaaradaha Dowladda.